Welcome to Laascaanood online
 
Waraysi Wasiir xigaha Warfaafinta Puntland.
 
 
Waraysi ay Allpuntland la yeelatay wasiir ku xigeenka wasraada Warfaafinta ee dawlada goboleedka Puntland,Mudane Cabdishakuur Mire Aadan.
Waraysi Wasiir xigaha Warfaafinta Puntland.

Garoowe, Mar 17,  2003 (AllPuntland)-  Waa waraysi dheer oo AllPuntland la yeelatay wasiir xigaha warfaafinta Puntland Cabdishakuur Mire Aaden, isagoo joogay xarunta Puntland ee Garoowe.

 

Waraysiga oo uu qaaday tifaftiraha AllPuntland Yusuf wuxuu u dhacay siddaan: 

 

AllPuntland: Cabdishakuur dhawaan waxaad booqateen Laascanood, marka adigoo soo koobaya, safarkiina maxay ahayd ujeedadiisu?

 

Cabdishakuur: Runtii safarkani wuxuu ahaa mid shaqo, waxaana wafdigayaga madax u ahaa wasiirka Caafimaadka mudane Saciid Caduur, waxaanu booqanay dhowr meelood sidda cisbataalka magaalada,  MCH-ka iyo radio Laascaano.

 

AllPuntland: Cabdishakuur, Lascaano siddaan og nahay waxaa muran kala dhexeeyaa maamulada Puntland iyo Somaliland, dhawaana maamulka Hargaysa wuxuu sheegay inuu halkaas doorashooyin ku qaban doono, markaa ujeedada safarkiinu, marka dhinaca siyaasada laga eego ma la oran karaa wuxuu jawaab u ahaa sheegashada Somaliland ee gobolkaas?

 

Cabdishakuur: Ma qabo in muran naga dhexeeyo ku saabsan gobolka Sool walaalahay Isaaq, Soomaalidu waa beelbeel, dagaal sokeeye ayaa dhacay oo ku salaysan Isir,  marka waxaan u arkaa hadaladoodaas nooc waalida ka mid ah, ee ma jiro, mana jiri karo inaanu murano iyaguna waa aay og yihiin anaguna waan ognahay.

 

AllPuntland: Cabdishakuur, laakiin iyagu waxay ku doodayaan inaan qabiil dal lagu yeelan ee juqraafi ahaan ay uga tirsanyihiin goboladaasi mamulkooda, taas maxaad ka lee dihiin maamulkiina ka ahaan?

  

Cabdishakuur: Aan kuu iftiimiyo arintaas, nin walba oo Isaaq ahi waa somaliland, maxuu nin walboo Harti ahi u noqon waayey Somaliland,  haddii joqoraafi laga hadlayo, waad garan kartaa beesha Ciidagalle inta ay dhul ahaan ka degto Somaliland oo ka yar 20km, waxayna u muuqataa mid sed weyn ku haysata halkaas, aan dib ugu noqdo 46% Somaaliland waa dhul Harti maxaa ka hortaagan inay madaxweyne ka noqdaan. waan garankarnaa, Hargaysa wasiiradda Harti ee Faqash ka har loogu yeero, inaanay waxba ka ahayn Hargaysa,  Joqoraafi meesha ma yaalle waxa la isku raacayaa abtirsiimo yaanay isaga kaa khaldamin madowga iyo cadaanku.

 

AllPuntland: Cabdishakuur dooda Somaliland waa in goboladaasi ka tirsan yihiin dhulkii Ingiriisku isku xukumi jiray ee Somaliland la oran jiray, idinkuna aad tihiin Koofurtii Talyaanigu xukumi jiray, marka taasi weeye Juqraafiga ay Somaliland ku xisaabtamayso, taasi maxaad uga jawaabaysaan?

 

Cabdishakuur: Lixdankii ayay sharci ahaan isku darsameen labadii gobol ee waqooyiga iyo konfurtu, qaybtanina waxay ka timid gumaysigii Ingiriiska iyo Talyaaniga, waad og-tahay Soomaalidu xuduud ma kala lahayn oo marbaa Daraawiishtii (darawiishtii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan hogaaminayay) dhulkaan u wada talinaysay, intaa ka dib arintii Soomaalidu sharciyan u go'aansatay beel ka mid ah Soomalidu sharcidaro kuma burin karto,  Siddaan qabo dib u soo noqonmayso 1-dii luuliyo, 1960-kii, iyadoo markale si sharciga waafaqsan loo maro ma ahanee.

  

AllPuntland: Cabdishakuur, Muranka idiin dhexeeyay Somaliland maalmahaan dambe waxaa kusoo kordhay iyadoo mucaaradka Puntland uu fadhi ku yeeshay Ceel-Afweyn oo ka tirsan Maamulkaas Somaliland, dhowr goor saxaafada waxaad isku waydaarsateen hadalo kulul oo arintaas la xiriira, marka arintaas hadda xagee maraysaa?

 

Cabdishakuur: Wixii aanu sheegnay kooxa mucaaradka ku ah maamulka Riyaale ayaa runta ka sheegay oo qiray, ninkii isku daya inuu deriskiisa dab qabadsiiyo, kiisaa dabku qabsadaa, annagu waxaanu diyaar u nahay inaanu is difaacno, balse haddii qoryoqoryanta nalaga daynwaayo Ceerigaabo ayaa noo balan ah, ciidamadayaduna waa xireen xuduuda aanu la leenahay beesha isaaq, qaniinyana qaniinyo ayaa kaa fujisa.

AllPuntland: Oo Cabdishakuur marka aad lee dahay Ceerigabo baa inoo balan ah ma loo fasiran karaa inaad dagaal ku qaadaysaan Somaliland, Cerigaabose kuma jirta miyaa dhulka ay ku muransan yihiin Puntland iyo Somaliland?

 

Cabdishakuur: Ceerigaabo waa magaalo harti siddaa darteed inaan tagnaa waa waajib na saaran.

   

AllPuntland: Ma jiraan wax isku day ah si isfaham loo helo, idinka iyo maamulkaas Hargaysa idin dhexmaray?

 

Cabdishakur : Annagu Riyaale kala hadlimayno arimaha anagga beesha Isaaq noo dhexeeya, waa naqaanaa cidaan la hadlayno, diyaar ayaanu u nahay inaanu raggii SNM-ta aanu la xaajoono, gaar ahaan kuwa ay khusayso meelaha iminka dhibaatadoodu ka taagan tahay ee gobolka Sanaag qaybtooda.

  

AllPuntland: Cabdishakuur, taas Puntland iyo Somaliland  haddaan intaas kaga gudubno, waxaa jiray baaq nabadeed oo aad soo saarteen, ayna xigeen wadahadal tefoonka rag aad adiguba ka mid tahay ay kula yeesheen Cadde Muuse oo hogaamiya maleeshiyada idinka soo horjeeda, aad ku sheegtay inaad isku afgarateen in la wada hadlo shuruud la'aan, Caddena mar la waraystay wuxuu sheegay in wixii aad ka sheegteen ayan wax ka jirin, wixii aad wadateena uu idinku diiday, aadse wada hadasheen shuruudona uu idinku xiray, markaa arimahaasi xagee ku dambeeyeen?

  

Cabdishakuur: Waxaan u arkaa khilaafka Puntland inuu yahay mid badawnimo keentay,  qarnigana ma ahayn inaan waxaan qiimo lahayn reer Puntland isku xagxagtaan, waa dhab waan wada hadalay, annaga iyo ragaasi qofkii been sheegayaa isagay jirtaa, waxaan dhankayga diyaar uga nahay in khilaafkasta oo na dhexyaal la dhameeyo, geesinimaddu ma ahan macangagnimo,  anigu waxaan hubaa in madaxweyne Cabdullaahi Yusuf uu daacad ka yahay arimaha heshiinta, balse walaalahayaga kale uu shaki ka buuxo, way socdaan wadahadaladda nabaddu, iyagoo jihooyin kala duwan ka jira, waxaanu dhankayga anagoo isku kalsoon qabnaa in ay miro dhali doonto. 

 

AllPuntland: Cabdishakuur, Jihooyinka ay wadahadalka nabadeed ka socdaan wax manooga iftiimin kartaa?

 

Cabdishakuur: Haa. meelkasta hadday ahaan lahayd USA, YURUB, CARABAHa iyo weliba gudaha Puntland.

AllPuntland: Wadahadalka aad sheegayso ma ku jiraan kuwo toos ugu socda maamulkiina iyo ragga ka soo horjeeda?

  

Cabdishakuur: Maya, laakiin siyaabo kala duwan oo la isaga dabqaaday mucaaradka iyo xukuumadda ayaa jirra.

 

AllPuntland: Cabdishakuur, Wadahadal nabadeed ayaad sheegaysaa, haddana mucaaradkiinu hub ayuu kala soo dagay dakada Barbara oo diyaar garoow dagaal ayuu ku jiraa, idinkuna ciidamo xoog badan baad isugu gayseen Xuduudaha aad la wadaagtaan Somaliland oo mucaaradkiina hadda fadhi u ah, marka dadaalka wadahadalka nabadeed iyo xoojinta ciiddanka labada dhinac siddee isu waafaqaayaan?

 

Cabdishakuur: Shar u toog hay khayr wax kaama dhibee.

 

AllPuntland: Cabdishakuur, dabcan dad-ka akhrisanaya waraysiga qaarkood  af-soomaligu wuu ku adag yahay, adigoo mahadsan manoo jilcin kartaa ujeedada aad maahmaahdaas u cuskatay?

 

Cabdishakuur: Haddii duulaan la soo qaado gacmaha laabanmayno.

 

AllPuntland: Cabdishakuuroow dhawaan waxaa ka dhacay fal burcadnimo wadada Boosaaso iyo Garoowe u dhaxaysa, falkaas yaa ka dambeeyay, maxadase tilaabo ka qaadeen amaanka wadada oo muhiim u ah isu socodka gobolada dalkiina?

 

Cabdishakuur: Intee fal burcadnimo ayaa maalintii ka dhaca koonfurta Soomaaliya goboladda ka midka ah, waxaan hubaa wadada isku xirta Boosaaso iyo Garoowe inay tahay tan ugu amaansan wadooyinka Soomaaliya,  haddii qaad wada maray la xabadeeyey,  ma jirto wax hakad ah oo galay isu socodka degaankayaga, ciidamadda amaankuna talaabooyin ay ku sugayaan hawlahaas ayey qaadeen.

AllPuntland: Cabdishakuur falkaaas burcadnimo mucaaradka Puntland waxay sheegayaan in ay ciidankiinu ka dambeeyeen oo mushahaarkoodii la siin waayay, maxaa ka jira arintaas?

Cabdishakuur: Ciidanka daraawiishtu waa ciidan leh dishibiliin iyo kala dambayn kamana suurtowdo inay falcaynkaas ah oo kale sameeyaan, waxaan aan aad uga xumahay dacaayaddu inay runta ka dheerayso, ma jirto in mushahar loo waayey loona weyn karo ciidamadda Daraawiishta.

  

AllPuntland: Arimahaas haddaan intaas kaga gudbo, waxaa maamulkiina lagu eedeeyaa inuu u daran yahay ururada bulshada rayidka, qoraalo aad qaarna ku mamnuucdeen , qaarna aad ku mamnuucdeen shirarkooda ayaad soo saareteen, marka eedaynta cadaadiska ururadaas la idiinka soo jeedsho maxaad ka lee dŽihiin?

 

Cabdishakuur: Xilli ayaa jirta ay aduunka wareerisay shuuciyadii, maanta waxaa la oran karaa waxaa doorkaas ciyaaraya waxa loogu yeero ururadda bulshada, bal aan ku weydiiyee yurub siyaasadda ma galaan ururadda bulshadu, wax kale ma ahane waxay ururadda bulshadu u hamuun qabaan inay siyaasiyiin noqdaan, hadday siyaasada doonayaan ha bedeshaan magaca, tan kale anagu cadaadis ma saaro ee riyuhu iyagaa shabeelka raafakooda ku doonta, waxaanu niri war Muqsisha ha ku xiraanina e' idinkoo madax banaan wax gaar u doonta,  INXA anagu ma aqoonsanid, cidii hoos tagtana ma aqoonsanayo, waanuna ka xiraynaa xafiiskii Puntland ee siddaas ka horyimaada.

  

Waxaa intaas ku dhamaaday waraysigii Tifaftiraha AllPuntland la yeeshay Wasiir xigaha Warfaafinta Puntland Cabdishakuur Mire Aaden isagoo joogay Garoowe.


Updated: Mar,18, 2003

DISTRIBUTED VIA ALLPUNTLAND.COM

HAYBAD WAXAAD KU LEEDAHAY DHULKAAGA HOOYO!!WAANA LAMA HURAANEE HAGAR LI,I WAX UGU QABO

Powered by www.laascaanood
.com

 

Kor u noqo ama Kulaabo Bogga Hore ee Laascaanood online/ Home
Copyright © 2002 by Laascaanood.com. 

All rights reserved.