Welcome to Laascaanood online
 
Figradaha
 
 
The opinions contained in this article are solely those of the writer, and in no way, form or shape represent the editorial opinions of "Laascaanood Online"
Somaliland oo ku biirtay isbahaysigii burburinta Puntland u taagnaa.
By Maxamud sh. Xasan dahir

Waa la sugayey in Alitixaad iyo Carte oo haddeer dhimasho ku sii dhow markii ay maqlaan in laga yaabaa in Cabduhaali yuusuf uu Jagooyinka Dowlada Somaliyeed ee Fidaraalka ah furaha u ah mid kood qaban doono in ay isku dayayaan sidii ay taa u fashilin la haayeen waana la sugayey in ay Puntland meel uun ka docwareemi doonaan, waxaanse ilaa hadda ka hor la ogayn dhinaca ay Puntland markaana ka soo weerarayaan.

Hadaba waxaa cad in Dhanka Maanta Carte iyo Alitixaad ay Puntland maanta ka soo weerarayaan dharaartaa ka cadahay, abuurmayna Isbahaysi Cusub oo markaan Somaliland hormuud ka tahay, Puntlandna lagu burburinayo, gaar ahaan markii la fiiriyo fara galinta tooska ah ee ay Somaliland Puntland waqtiga kala Guurka ah ee Shirka Eldoret socdo ku hayso iyo sida ay Isimadii iyo Ragii Carte iyo Aitixaad ee shalay Puntland burburiyeen, Cartana shalay la safnaa Maanta Somaliland ugu xuubsiibteen isaguna dayayaan in ay Sool iyo Sanaag Somaliland oo aanay sinji wadaagin ku sidkaan, sidaasna Dadka Isir wadaaga ah ee reer Puntland u kale dhiliyaan.

Ma ahayn Hadalkii uu Caato Eldoret ka yiri ee ahaa " Cabdulaahiyo Sool iyo Sanaagna ma xukuntid Gaalkacyahana waa lagaa qaadi" mid ku timid iska dheh iyo Hadal Rag isaga dhicin si kadis ahna ugu soo beegmay waqtigaan uu Shirqoolka qaybtiisii koobaad ee Lacagta been Abuurka ah fashilmay, ee wuxuu ahaa hadalkiisu xog waran uu ka bixiyey Caato Qorshe uu qaybihiisa kala duwan la socday, Qorshahaa oo Safaradii tirada badnaa ee uu Rag uu Bood ku jiro Somaliland ku tageen iyo tagidii wariyaha BBCda Laanta Afsomaliga ee Nuur shira Cisman oo Carte dhisidiisii cibrado ka muujiyeyna uu burco ku tagay Salka ku haysay.

Waxaa kale oo ku tusaya in ay Shaxdu Shax Carte iyo Alitixaad tahay oo aanay ahayn Shax ay dhigtay Somliland oo qura, Lacagta been Abuurka ah ee waqtigaan Puntland la keenay iyo Isimada iyagu go´aan aanay Dadkoodu raali ka ahayn iska gaarayaan, taas oo ku tusaysay in Alitixaadka Gudahu Go´aankaa heer ka ciyaaray, waxaana taas laga dhadhansan karo sida Alitixaadka Gudaha Puntland jogay iyo Dhabadhilifyadii Carte ay ugu ololaynayaan in Sool iyo Sanaag Somaliland ku biiraan iyo waliba sida ay ragii carte la shaqaysanjireen ee jamac cali jamacna wasiirada u ahaayeen Maanta Somaliland wasiirada ugu yihiin, sida Ninka lagu magacaabo Casoowe, taas oo ku xusuusinaysa in Xeeladii Carte ay waagii hore Puntland ku burburiyey Maanta Magaca Somaliland lagu soo xardhay.

Waxaa kale oo Malaha ah in Alitixaad iyo Carte aanay Meesha ka maqnaya sii adkaynaya oo malaha rib ka sii dhigaya iyada oo Sansaanka Qorshii hore ee Carte loo fuliyey iyo sida kan hadda loo fulinayo ay isku mid yahay, maxaa yeelay kii Carte ee Puntland lagu burburiyey waxaa heer sare ka ciyaaray Lacag been abuur ah iyo Isimo la afgartay sida ay kan hadda socdana ay labadaas heer sare ka ciyaarayaan.

Isla markaas waxaa malaha ah Somaliland iyagaa Lacagahaan ka danbeeyey si ay xasard ay danahooda Siyaasadeed ugu faa´iidaystaan puntland uga abuurmaan meesha ka saaraya, tuhunka ah Somaliland Iskoolkii Cartay ayey ka soo aflaxdayna baabi´inaya, horboodka ay isimadii Puntlandina burburiyey Qaarkood iyo Siyaasiyiintii Carte soo dhiseen iyo Alitixaad qorshahaan danbe u horboodayaan iyo waliba sida aanay cidna caad ugu saaray una cadahay cida uu burburka puntland danta ugu jirto iyo sida ay alitixaad ugu hiilinayaan cid kasta oo puntland ka soo horjeeda waxaana ujeedooyinka qorshan lagu soo koobikaraa.

1-In inta uu Cabdulaahi Yuusuf shirka Eldoret ku maqan yahay Puntland, Maamul ahaana loo burburiyo dabadeedna puntland barbar la goosto.
2-In Awooda gorgortaneed ee Puntland shirka la fadhido la kala dhantaalo.
3-In Cabdulaahi Yusuf Shirka Eldoret laga mashquuliyo sida hadaba dhacday.
4-in malaha ah Cabdulaahi oo cadow Alitixaad ah ayaa meel wayn Maamulka Somaliyeed ka qabsanay meel looga soo haro markii la tirtiro Maamulka uu ku Gorgartamayo.

Markii la fiiriyo u Jeedooyinkaa aan kor ku xusnay iyo cida ay danta koobaad ugu jirto Burburka Puntland waxaan arkaynaa in danihii siloon ee Carte, Alitixaad iyo kuwii ay Somaliland Puntland ka la haayeen isla falgaleen sidaasna uu isbahaysi inkaaran oo waagii hore qaab warbaahineed u jiray sida BBC Laanta Afsomaliga u unkamay.

Mana ahan isbahaysigaani mid hadda dhashay ee Burburkii hore ee Puntland ka dhacay waxay Somaliland ka ciyaartay heer aan la hilmaaminkarin waxayna waliba Dad badani qabaan in ay Somaliland Fikradii Carte lagu dhisay iyo tii isbahaysiga Dooxatada Juba lagu dhisay iska lahay gaar ahaan markii la fiiriyo Xirirkii Cabdiqaasim iyo alle ha u naxariisee ina Cigaal ka dhexeeyey iyo Safaridii tirada badnaa uu Cabdiqaasim Hargaysa ka hor intii aan Shirka Carte la tagin ku tagayey iyo waliba Markii la fiiriyo Heerkii uu ina Cigaal dhismaha Isbahaysiga Dooxatada Juba ka qaatay si uu Kismanyo oo uu u arkayey in ay tahay barta ay Hartinimadu ka soo burqaton faraha uga bixiyo sidaasna ay Siyaasadiisa ku salaysan Sool iyo Sanaag Ingiriiskaa Saami noo siiyey u hirgasho.

Haddaba waxaa cad in ishaysiga Cusub soo walwaalayaan Dhagar Cusub oo Dhiig reer Puntland ku daato waxayna qorshaynayaan in ay Sool iyo Sanaag Somaliland faraha u galiyaan, si Ururad xagjirka ah ay Puntland baladay marsiisay uga aargoostaan.

Anigu malihi Somaliland waa Alitixaad lakiin waxaa cad in iyaga iyo Carte iyo Alitixaad ka midaysan yahiin burburinta Puntland taas oo aasaas u aha isbahaysiga dhashay.

Mahadsanid
Maxamud sh. Xasan dahir

Updated: Nov, 28, 2002

DISTRIBUTED VIA LAASCAANOOD.COM

CIID WANAAGSAN!!!!!!CIID WANAAGSAN!!!!!!!!CIID WANAAGSAN!!!!!!CIID WANAAGSAN

Powered by www.laascaanood
.com

 

Kor u noqo ama Kulaabo Bogga Hore ee Laascaanood online/ Home
Copyright © 2002 by Laascaanood.com. 

All rights reserved.