|
Mudaharaad balaadhan oo lagaga soo horjeedo weerarka gardara ah ee maamulada Bush iyo xulafadiisu ku qaadeen Ciraaq ayaa ka dhacay magaalada Laascaanood.
Laascaanood,Somalia,25 mar 2003—Mudaharaad balaadhan oo ay ka soo qayb galeen culumaa,udiinka,haweenka,ardayda dugsiyada iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Laascaanood ayaa ka dhacay deegaankaas maalinkii axadii.Mudaharaadkaas oo lagaga soo horjeedo weerarka gardarada ah ee dawlada Maraykanka iyo Ingiriisku ay ku qaadeen shacabka muslimiinta ah ee reer Ciraaq,laguna taageerayo shacabka reer Ciraaq ayaa waxay iyagoo ay dadka mudaharaadayey ka muuqato qiiro iyo xamaasad aan la qiyaasi karin socod dheer ku mareen dhamaan wadooyinka waaweyn ee magaalada.Waxay ku dhawaaqayeen ereyo ay ka mid ahaayeen "Gaalooy jab..gaalooy jab","Waa jihaad..waa wakhtigii jihaadka" iyo erayo kale oo xamaasadi ku dheehan tahay.Mudaharaadkan oo aan cidna soo abaabulin ayaa wuxuu ka dhashay dareenka shacabka,iyagoo u damqaday walaalahooda muslimiinta ah ee hadh iyo habeen la bambaynayo. Shacabka magaalada Laascaanood ayaa maalmihii u danbeeyey isha ku hayey shaashadaha wararka soo tebiya si ay u arkaan muuqaalka runta ah ee ka jira Ciraaq,waxaa dadku ku soo ururay meelaha laga helo cuntada fudud oo badanaa la dhigay Taleefishino ay ka daawan karaan wararka runta ah ee dagaalka Ciraaq.Dhanka kale shacabka reer Sool ayaa si ba,an u canbaareeyey idaacada BBCda,oo sida ay sheegeen u xaglinaysa dhinaca xulafada Maraykanka iyo Ingiriiska,iyadoo idaacadu baahisay warar sheegayey in ay gacan sareeyaan ciidamada Maraykanka iyo Ingiriisku,taasoo sababtay inuu ala ha u naxariistee uu geeriyoodo marxuun Maxamed Xirsi kadib markii uu dhiigkar ku ku kacay.Mudaharaadkaas ayaa waxaa dadka la xasuusiyey taariikhdii daraawiishta iyo guuldarooyinkii ay mujaahidiinta daraawiishtu u gaysatay gumaystihii ingiriiska xiligii ay daraawiishtu gilgishay boqortooyada Britain,waxaa halkaa laga tiriyey gabayadii daraawiishta ee ay ka mid ahaa gabay uu Sayid Maxamed Cabdulle Xassan tiriyey mar ay ciidanku daraawiishtu jab xoog leh u gaysteen ciidankii Ingiriiska,halkaana ay ku dileen taliyihii ciidanka oo la odhan jirey Koofil:
Adaa Koofiloow jiitayaan dunida joogayne
Adigaa jidkii lagugu wadi jimic la,aaneede
Jahannama la geeyow haddaad aakhiruu jahato
Nimankii jannow kacay war bay jirin insha alleeye
Jameecooyinkii iyo hadaad jowhartii aragto
Sida eebahay kuu jirabay mari jawaabteeda
Daraawiish jikaar nagama deyn tan iyo jeerkii dheh
Ingiriis jabyoo waxaa ku dhacay jac iyo baaruud dheh
Waxay noo janjuunteenba waa jibashadiinni dheh
Jigta weerar bay goor barqa ah nagu jiteeyeen dheh
Anigana jikrey ila heleen shalay jihaadkii dheh
Jeeniga hortiisay rasaas igaga joojeen dheh
Jiiraayadey ila dhaceen jilic afkoodii dheh
Siday kuugu jeexeen magliga jararacdii sheego
Billaawuhu siduu kuu jarjaray jiidhadhka u muuji
Nafjeclaysigii baan u idhi jaalow iga daa dheh
Jajaleecadii baa wadnaha jeex ka soo ruqay dheh
Jeedaaladii baa indhuhu kor u jillaadmeen dheh
Goortaan jarreerana gefoo nolol ka jaanqaaday
Sida jananadii hore tashigu igu jaguugnaa dheh
Taladii jinnigu ii horkacay jaasadeed helay dheh
Jidhkaygii bahal baa cunoo jiitay hilibkii dheh
Jidhmigiyo baruurtii dhurwaa jugux ka siiyaa dheh
Jiljiladiyo seedaha tukay igaga jadeen dheh
Hadaan lays jikaareyn tolkay laga jil roonaa dheh
Weligeed waxaa lagu jaraa jilibdhig dullaan dheh
Daraawiishi waa jibindhowga iyo jowga soo bixi dheh
Mashruuca kor u qaadista waxbarashada haweenka ee gobolka Sool oo si rasmi ah u bilaabantay.
Laascaanood,Somalia,25 MAR 2003 —Waxaa si rasmi ah looga furay magaalada Laascaanood 10 goobood oo wax lagu baro haweenka dadoodu ka weyn tahay 12 sano.Mashruucan oo ay maal gelisay hayada Diyokooniya ee fadhigeedu yahay magaalada Garoowe ayaa daraasad ay samaysay,waxay soo saartay in dumarka soomaaliyeed ay xaga aqoonta ka hooseeyaan raga,loona baahan yahay in kor loo qaado aqoonta haweenka.Mashruucan ayaa waxa hawshiisa hirgelinaysa hay,ada wadaniga ah ee Abyanresearch,mashruucan ayaa waxa la filayaa inay ka aflaxaan dumar aad u badan oo ay aqoontoodu hoosaysey iyo kuwo aan sidoodaba waxna qorin waxna akhrin. Gudoomiyaha waxbarasha ee gobolka Sool Maxamuud Jaamac Dalmar oo hadal ka jeediyey furitaanka iskuuladaas ayaa ku gubaabiyey shacabka inay ka faa,iidaystaan waxbarashadan loo fidiyey,wuxuuna u mahadnaqay hay,ada Diyokooniya oo hawlaheedu u badan yihiin dhinaca waxbarashada.
Fu,aad Aadan Cade iyo Faratoon oo maamulka Riyaale u doortay inay noqdaan "Wasiiru,dawlayaasha ka hawl geli doona gobolka Sool".
 © Laascaanood online
Gurigii lagu weeraray madaxa SL Daahir Riyaale sanadkii tegey mar uu si lama filaan ah ku soo galay Laascaanood. |
Laascaanood, Somalia, 25 mar 2003—Warsaxaafadeed uu soo saaray maamulka la magac baxay Somaliland ayaa waxa uu sheegay in Riyaale uu sameeyey 4 xeer oo cusub oo loo sameeyey gobolada Sool iyo Sanaag,isla markaana uu magacaabay 4 wasiirudawle oo loogu tala galay inay dar dar geliyaan hawlaha maamulkaasi ka damacsan yahay gobolada Sool iyo Sanaag.Ragaas la magacaabay oo kala ah Fu,aad Aadan Cade iyo Yaasiin Maxamuud Xiir(Faratoon)ayaa loo magacaabay wasiirudawlayaasha arimaha gobolka Sool,meesha Aniis Saalax Xaaji Xasan iyo Maxamed Maxamuud Faarax Oday iyagana loo magacaabay inay noqdaan Wasiirudawlayaasha qaabilsan arimaha gobolka Sanaag. Maamulka Riyaale oo saamaynta uu ku leeyahay gobolada Sool,Sanaag iyo degmada Buuhoodle ay sii yaraanayso maalinba maalinta ka danbaysa ayaa waxa maamulkaasi caadaystey inuu sanad walba magacaabo koox cusub oo car car qabta,isla markaana uu ka takhaluso koox hore oo lagu guuldaraystay,balse su,aasha is weydiinta leh waxay tahay isbedelka ay samayn doonaan "Wasiirada" cusubi.
Xiisada siyaasadeed ee gobolada Sool,Sanaag iyo degmada Buuhoodle ee gobolka Togdheer ayaa cirka isku shareertay sanadkii tegey,kadib markii Riyaale oo wata ciidan badan oo aad u hubaysani uu si lama filaan ah u soo galay Laascaanood,taasina ay keentay in ciidmada daraawiishta ee Puntland ay weerar ku soo qaadaan Riyaale iyo ragiisii.Taasi waxay sababtay in saamayntii uu maamulkasi ku lahaa deegaamada SSH inuu yaraado,isla markaana uu xoogeysto saamaynta uu maamulka Puntland ku leeyahay deegaankaas.
Maamulka la magac baxay Somaliland ayaa ku dhawaaqay inuu ka go,ayo soomaalida inteeda kale sanadkii 1991,markii ay burburtay dawladii dhexe ee Soomaaliya,iyagoo ku andacoonaya in xadkoodu yahay dhulkii xiligii gumaystaha la odhan jirey British somaliland,dhulkaas oo ay ku jiraan gobolada Sool,Sanaag iyo degmada Buuhoodle,balse shacabka ku dhaqan deegaamadaas ayaa si cad u diidan in ay ka go,aan soomaalida inteeda kale,taasina waxay abuurtay khal khal siyaasadeed oo ka abuurma goboladaas aan kor ku xusnay.
|
|