Laascaanood online

  Home |  Somalia map | Forum | | Suugaanta | Tacsida

Latest somali news


 


Dacwadii Ku furnayd Col. C/llaahi Yuusuf oo Maxkamadi Go'aan ka soo saartay.

.

London:21-July 2004-Dacwaddii loo haystay Col. Cabdulaahi Yusuf ee ku sabaabsanayd dilkii Suldaan Axmed Hurre ayaa soo saartay go’aankeedii. Dacwadan ayey wadeen xaaskii Suldaan Axmed iyo caruurtiisa oo ku nool London. .

Qoyska Suldaanka ayaa mudo ku dacwiyayay in dacwadan lagu qabto London, halka Col. Cabdulaahi Yuusufna uu ku dacwiyayey in dilka Suldaanku ka dhacay Puntland sidaa darteed in maxkamada lagu qabto Puntland gudeheeda.

Sida aad ku arki doontaan qoraalka maxkamada oo ka kooban labo waraaqood, ayaa wuxuu sheegayaa sidatan:

1)In maxkamada lagu qabanayo London.(eeg bogga 2aad qodobka 6-c xagan hoose.)

2)In wixii kharasha ee baxay wajigii kowaad ee maxkamada uu bixiyo Col. Cabdulaahi Yuusuf (eeg bogga 2aad qodobka 10-aad,sawirka kore)
3)In la sameeyey balamo soconaya ilaa 2005-ka. Loona baahan yahay in Col. Cabdulaahi Yuusuf uu yimaado London 14.01.05 si loo weydiiyo su’aalo (eeg bogga 2aad qodobka 9aad,sawirka kore).
Waraaqda maxkamada [page1,sawirka hoose]

Kor u noqo