Laascaanood online

  Home |  Somalia map | Forum | | Suugaanta | Tacsida

Latest somali news Axad, April 6, 2025


 


Shirkii aasaaska Jaamacada Nugaal University ayaa ka dhacay magaalada Birmingham ee dalka UK.


Shir si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay ka soo qayb galeen dad aad u fara badan oo isugu jira culimaa'udiinka,odayaasha,iyo dhamaan qaybaha bulshada ka soo jeeda gobolada SSC ee ku dhaqan dalka UK ayaa sabtidii ka dhacay magaalada Birmingham ee dalka Engalnd(UK).

Kulankaas oo muhiimadiisu ahayd furitaanka Jaamacada mudada dheer la sugayey in albaabada loo furo ayaa waxa shalay nasiib u yeeshay Jaaliyada SSC ee Birmingham in ay noqdaan kuwii ugu horeeyey ee aasaas u noqda hirgelinta Jaamacadaas,iyada oo jaaliyadaha kale ee SSC ee ku kala firidhsan aduunka dacaladiisu ay laftigoodu dadaal ugu jiraan,sidii loo dhaqaajin lahaa hawlaha JaamacadaNU.

Shirkaas shalay dhacay oo ugu horayntii ay halkaas qado sharaf ugu sameeyeen marti sharaftii ka soo qayb gashay shirkaas dhalinyarada makhaayada Green lane,waxaa ugu horayntii shirkaas furay Eng Cabdikariim oo ka mid ah hawlwadeenada jaaliyada SSC ee magaalada Birmingham ayaa sheegay qaabka uu shirku u socon doono.Eng Cabdikariin waxa uu ugu horayn isagoo hadalka bilaabay uu tusaaleeyey martidii shirkaa ka soo qayb gashay in wax la qabto oo wax walba laga horumariyo aqoonta.

Wuxuu hadalkii ku soo dhoweeyey Sheekh Cabdikariin Xuseen Carab oo halkaa ka soo jeediyey ereyo diini ah,oo uu martidii halkaa isugu timid ku tusaaleeyey qiimaha ay leedahay cabsida ilaahay iyo in aqoontu ay tahay dhaxalka ugu fiican ee qofka anfici kara if iyo aakhiroba.Wuxuu kaloo sheekhu ka hadlay qiimaha ay leedahay in la isku duubnaado,in la isu samro,in la isu tanaasulo, oo si wadajir ah wax loo qabsado.

Ereyadaas diiniga ah kadib waxaa mikirifoonka lagu soo dhoweeyey Cabdirashiid J. Oogle oo isugu ka socdey Hay,ada Caawimada ee gobolada SSC,isagoo ka warbixiyey waxqabadka hay,ada SSHDA.

Mr Oogle waxa uu ka sheekeeyey marxaladahii kala duwanaa ee ay soo martay Hay,ada SSHDA-Europe(Sool,Sanaag,Hawd devlopment Agency qaybta Europe) iyo in Qaybta hay,adaas ee Europe lagu aasaasay dalka Holland December 2002,ilaa iyo markii ururkaas qaybtiisa Europe la aasaasayna uu awooda saaray sidii xaga aqoonta wax looga qaban lahaa,taasoo keentay in aan hirgelino Jaamacada NU,oo maanta nasiib wanaag aasaaskeedii maanta ay reer Birmingham nasiib u yeesheen.

Waxaa isaguna halkaas hadal qiimo leh oo dhamaan dadkii shirkaas ka soo qayb galay farxad iyo raynrayn geliyey ka soo jeediyey Eng Cabdisalaan Maxamed Xuseen(Tungub) oo ka mid ahaa ragii u istaagay inay jaamacadaa hirgeliyaan,ayaa warbixin maqal iyo muuqaal ah oo uu si fiican u soo agaasimay halkaas ka soo jeediyey,isagoo ugu horeyn halkaa ku soo bandhigay qoraalo boqolaal bog gaadhaya oo ah sida ay hawsha jaamacadu u socon lahayd.Cabdisalaan Tungub waxa uu qeexay in hawsha jaamacada ay laba qaybood noqonayso:

  1. Project:Qaybtan oo ah mashruuca hirgelinta jaamcada,oo ay ka mid yihiin sidii la isugu dubaridi lahaa dhaqaalaha,iyo dhisida jaamacada Nugaal University iwm.
  2. Constituation:Qaybtan oo ah qaybta ugu muhiimsan oo ka hadlaysa sharciyada ay jaamacadu yeelan doonto,iyo Charterka noocyadiisa kala duwan. 

Cabdisalaan wuxuu sheegay oo kale in ay jaamacada Nugaal universitay ay noqon doonto jaamacad casri ah oo ku shaqaysa qalabka kumbuyuutarada,qalabkaas oo uu Cabdisalaan ku hawlanaa soo ururintooda mudo dheer ayaa isugu jira qalabka electrooniga ah ee loo adeegsado waxbarashada casriga ah ee laga isticmaalo wadamada westeranka,sida buugaga electroniga ah oo la isticmaali doono marka lectureska la jeedinayo,projecters loo isticmaali doono sida sabuuradii wax lagu qori jirey oo ay isticmaali doonaan macalimiinta jaamacadu,kumbuyuutaro ardadu ay isticmaali doonto si ay ugu shaqeeyaan iyo qalab kale ee fara badan oo ilaa 3 koonteenar buxin kara.

Cabdisalaan wuxuu sheegay in ay hawsha Jaamacada ay sida maanta loo bilaabayba ay qalabka dhowaan wadankii geen doonaan,isla markaana ugu danbayn bisha September bilowgeeda oo ardadii ugu horaysay ee ka qalin  jebisa dugsiga sare ee Laascaanood ay soo qalinjebinayaan ay u diyaarin doonaan inay iyagu noqdaan dacfadii ugu horaysey ee iyagu nasiib u yeesha inay bilaabaan Jaamaca NU.

""Maah maah jayniis ah ayaa waxay tidhaahdaa macno la mid ah,hadii aad rabto in aad qof baahi hayso aad baahida ka saarto,waxaa haboon inaan waxbarto,meeshii aad quudin lahayd""ayuu yidhi Cabdisalaan isagoo ka waramaya qiimaha ay leedahay waxbarashadu iyo in baahida badan lagaga bixi karo in aqoonta la xoojiyo,si jiilka soo koraya looga badbaadiyo inay ku habsato aqoondaro.

Waxaa isaguna halkaa hadal ka jeediyey Siciid Cali oo isaguna ka mid ahaa akhyaartii halkaa hadalka ka soo jeedisay ayaa martida tusaaleeyey waajibka saaran ee looga baahan yahay inay gutaan,iyo in ay la jaanqaadaan gobolada kale ee deriska la ah gobolada SSC,kuwaas oo dhamaantood jaamacado laga hirgeliyey.

Gebagebadii iyo gunaanadkii shirka oo uu soo gebgebeeyey Eng Cabdikariin ayaa waxaa lagu qaybiyey foomamkii deeqda lacagta jaamacada,iyo in qof walbaa u istaago in uu ka qayb qaato dhisida jaamaca NU,oo noqon doonta meeshii ay caruurtoodu mustaqbalka wax ku baran lahaayeen.

Shirkaas ayaa wuxuu ku dhamaaday is afgarad wanaagsan,iyadoo dhamaan dadkii ka soo qayb galay shirkaas ay ka muuqatay yididiilo wanaagsan.

Laascaanood online,

Hassan Dirie Jama,Birmingham,UK;

Kor u noqo