Laascaanood online

  Home |  Somalia map | Forum | | Suugaanta | Tacsida

Latest somali news

Musaveni oo berito furi doona shirkii dib u heshiisiinta Soomaalida oo laga furi doono Mombasa.

Hay,adaha caalamiga ah ee deeqda bixiya oo digniin u diray maamulada Puntland iyo Somaliland.


 


Musaveni oo berito furi doona shirkii dib u heshiisiinta Soomaalida oo laga furi doono Mombasa

Nairobi,08 Jan,2004-Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni iyo isna ninka dawlada Kenya ugu qaabilsan arimaha shirka dib u heshiisiinta soomaalida uga socda Nairobi,Mr Kipligat ayaa la filayaa inay maalinta berito ah(Jimce 9 jan) dib u furaan shirkii kooxaha soomaalida beryahan uga socdey dalka Kenya.Shirkan berito la furayo oo horey dhowr jeer oo hore baaqday,ayaa waxa berito la isugu imaan doonaa magaala xeebta ku taala ee Mombasa,shirkaas oo ay ka soo qayb geli doonaan raga hogaamiya kooxaha soomaalida ee kala hogaamiya jabhadaha ayaa socon doona mudo 10 cisho ah.

Museveni,ayaa waxa uu xiligan yahay ninka madaxda ka ah,ururka ay ku midoobeen wadamada geeska iyo bariga afrika ee IGAD (Intergovernmental Authority on Development IGAD),ayaa la filayaa in uu noqdo ninka ka noqon doona madaxa shirkaas berito furmi doona ,shirkaas oo la rabo in lagu soo af jaro colaadii soomaaliya aafaysay. .

Musavani ayaa waxa uu maantala uu kulamo kala gooni gooni ah la yeeshay qaar ka mid ah dagaal oogayaasha soomaalida,kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Cabdillaahi Yuusuf iyo Cabdiqaasim.

Museveni oo maanta markii uu soo degay ay soo dhaweeyeen madax badan oo ka tirsan dawlada Kenya oo uu ka mid yahay madaxweynaha wadankaasi.Mar uu wasiirka arimaha gudaha ee dawlada Kenya ka waramay shirka soomaalida,waxa uu digniin u diray raga hogaamiya kooxaha soomaalida."Waxaanu leenahay hogaamiyihii diida in uu ka soo qayb galo shirka,waxa loola dhaqmayaa sidii nin caqabad ku ah nabad laga helo Soomaaliya" ayuu yidhi Mr Musyoka.
Cabdiwaaxid Cawil.
Laascaanood online,Nairobi,kenya.


Hay,adaha caalamiga ah ee deeqda bixiya oo digniin u diray maamulada Puntland iyo Somaliland.

Nairobi,Kenya-Iyadoo ay hay,ada deeqda bixiya ay diyaarinayaan hawl galkoodii ku saabsanaa sidii ay deeq ula gaadhi lahaayeen dad lagu qiyaasay ilaa 100 kun oo qof oo ay aafeeyeen abaarihii dhowaan ka dhacay meelo badan oo ka mid ah gobolada waqooyiga Soomaaliya,ayaa waxay digniin u dirayaan maamulada iska soo horjeeda ee colaada ka abaabulaya gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn,in ay dhibaato kale oo aanay qaadi karin ay u gaystaan dadkaas abaaruhu aafeeyeen.

Abaaro ba,an ee goboladaas aafeeyey,ayaa weli ka jira meelo badan oo ka mid ah,gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn.Roobka ugu soo horeeya oo la filayo in uu da,o bisha April,ayaa laga cabsi qabaa in intii xoolaha ee hadhay in ay xiligaas gaadhi waayaan sidaas waxa sheegay hay,ada (UNICEF),mar ay dhowaan soo saartay warbixin ku saabsan abaaraha goboladaas ka jira. :

"Xaalada aad bay u xun tahay,"sidaas waxaa yidhi,ninka UNICEF u qaabilsan Somaliya oo lagu magacaabo Robert McCarthy. "Qorshahayagu waa in aan dhulkaas gaadhsiino waxyaalaha lagama maarmaanka ah,si looga hortago macaluul ba,an oo ku dhacda caruurta iyo cuduro halkaas ka dilaaca",ayuu yidhi isagoo hadalkiisii sii wata. Wuxuu kaloo warbixiintiisa ku sheegay in dad badan oo xoolo dhaqato ahaa oo xoolahoodii ka dhamaadeen ay u baahnaan doonaan raashin deg deg ah.

Colaada ka aloosantay maamulada ka jira deegaamadaas sida Puntland iyo Somaliland,kuwaasoo mid walbaaba sheeganayo in uu isagu maamulo deegaamadaas,ayna hoos tagaan maamulkooda ayaa baqdin ku aburaya hay,adaha deeqda bixiya. UNICEF waxay sheegtay in caawimada la hakin doono amaba gebi ahaanba la joojin doono hadii uu dagaal dhexmaro maamuladaas.
Hawl galadii ay hay,adaha caawimadu ka sameeyeen deegaanadaas,oo labadii hawl gal ee ugu danbeeyey la soo gebagebeeyey 2 janauri,hawshaas oo ay hirgeliyeen shaqaale ka kooban 10 qof,kuwaasoo taageero ka haystey UNICEF iyo WFP ayaa waxay booqdeen in ka badan 72 tuulo oo deegaamadaas ah,kuwaasoo hawsha ay qabteen ay ka mid ahayd,talaalka,daawaynta,iyo cunto qaybin.Dhamaadka bishan ayaa la filayaa,inay bilaabaan hawlgal cusub,hadii nabad la helo. Cabdiwaaxid Cawil.
Laascaanood online,Nairobi,kenya.

Kor u noqo