Laascaanood,Somalia,02 May 2003 — Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye mr Axmed Siilaanyo,ahana musharaxa jagada madaxweynaha gobolada la magacbaxay Somalilad ayaa weli ku adkaysnaya in xisbigiisa guushu raacday,isla markaana ay xaq u leeyihiin inay iayaku soo dhisaan dawlada.
Xisbiga Kulmiye oo uu Siilaanyo hogaamiyo oo ay u badan yihiin saraakiishii hogaamin jirtey jabahadii la burburiyey ee SNM ayaa rajada ugu danbeysa ka sugaya Maxkamadda dastuuriga ee jamhuuriyadda la baxday Somaliland oon weli gaarin go’aankeedii kama dambeysta ee natiijada cod bixinta.
“Waxaan u gudbinay maxkamadda dastuuriga cadeymo ah in aan anaga ku guuleysanay isla markaana laga been sheegay cod bixintii Somaliland” ayuu yiri Siilaanyo mar ay suxufiyuunta weydiiyeen waxa uu cadayn haysto iyo rajada uu ka qabo go,aanka maxakamada.
Mr Siilaanyo iyo xisbigiisa ayaa laga baqayaa inay abuuraan xasiliino daro iyo inay iskood u sameeyaan dawlad aan sharci ahayn,iyagoo ku andacoonaya inay iyagu doorashada ku guulaysteen,isla markaana la khayaameeyey.
Dhan kale maamulka Riyaale iyo xisbiga UDUB ayaa bilaabay inay isha ku hayaan taageeraayaasha xisbiga Kulmiye,iyagoo shaqadoodii ka eryey saraakiil badan oo ka mid ahaa ciidanka booliiska.
Sidoo kale, dumar ka tirsan hogaanka sare ee xisbiga Kulmiye oo ay ka mid tahay guddoomiye ku xigeenka labaad Siraad Cali Yuusuf iyo Canab Ileeye ayaa shir jaraa’id ay ku qabteen Hargeysa ku weeraray wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland Ismaaciil Aadan Ismaaciil oo ay ku tilmaaneen inuu yahay qof nabadda wax u dhimaya.
Tartanka doorashooyinka madaxweynaha maamulka Somalilnad ayaa ka dhacay gobolka Waqooyi Galbeed,Awdal,gobolka Togdheer oo aanay ku jirin degmada Buuhoodle,degmada Caynaba iyo qaybo ka mid ah magaalada Ceerigaabo.
Degmada Widhwidh ee gobolka Hawd oo loo doortay Gudoomiye degmo iyo Gudoomiye Maxakamadeed .
Widhwidh,Somalia May 02, 2003 -Waxaa dhowaan ka dhacay degmada Widhwidh ee gobolka Hawd,doorasho u dhacday si dimuqraadiyada ah oo lagu dooranayey madaxda degmadaas cusub oo dhowaan loo magacaabay degmanimo,kadib dhismihii gobolka Hawd,oo ay dhowaan ansixiyeen madaxda dawlad goboleedka Puntland.
Doorashadaas oo lagu qabtay dooxada geedaha badan ee dooxada Widhwidh,waxaa ka soo qayb galay dad aad u badan oo isugu jiray dhamaan qaybaha kala duwan ee dadka u nool deegaankaan,iyo weliba madax kale oo ka socotay maamulka Puntland.Doorashadaas oo ugu horeynbba lagu doortay Gudoomiyaha Degmada oo isaga aan cidna la tartamaynin waxaa loo doortay Cabdillaahi Saleebaan Xaaji Axmed,Gudoomiye kuxigeenka degmada Widhwidh waxaa tartan u galay dhowr nin,waxaana ugu danbaystii si doorasho fartaagid ah lagu doortay Cabdillaahi Barkhadle Cashuur,meesha Gudoomiyaha Maxakamada isna loo doortay Sheekh Saleebaan Casayr Maxamuud
Degmada Widhwidh oo iyadu ka mid ah degmooyinka gobolka cusub ee Hawd ayaan iyadu noqonaynin xarunta gobolka,balse loo badinayo in xarunta gobolkaasi noqoto degmada Horufadhi,iyadoo degmada Buuhoodle ay tahay meel ku taal xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Ethopia.
Dhamaan degmooyinka gobolka Hawd ayaa waxaa si dar dar ah uga socda hawlaha cashuur ururinta,iyo sidii degmo kasta looga samayn lahaa maamul nooc walba leh.