Laascaanood online

  Home |  Somalia map | Forum | | Suugaanta | Tacsida

Latest somali news


 


Nin maanta lagu toogtay suuqa Laascaanood.

.

Laascaanood,gobolka Sool,Soomaaliya.

Laascaanood,06 july 2004-Wararka naga soo gaadhaya magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in saaka subaxii hore lagu toogtay ala ha u naxariistee nin oday ahaa oo magaciisa la odhan jirey Cabdi Suge.

Marxuunkaas waxaa xabad la beegsaday gacan-ku-dhiigle Cali Dhawaq Qasaal oo aan ilaa iyo hada ciidamadu booliiska ee magaaladaasi aanay ku guulaysan inay gacanta ku dhigaan,balse sida ay noo sheegeen qaar ka tirsan saraakiisha ciidanka booliisku,waxay rajaynayaan inay dhowaan gacanta ku dhigaan ninkaas dilka geystey..

Labadan nin,ka wax dilay iyo ka la dilay ayaa isku reer ahaa,lamana garanayo sababta ku keliftay ninkaas in uu xabad la beegsado nin oday ah oo adeerkiis ahaa,balse waxaa intii ka danbaysey dagaaladii sokeeye ee soomaalida dhexmaray ku soo badanayey wadanka nin aan garan karin sababta uu qof naftiisa u gooyey,taasoo loo aafaynayo xanuuno dhinaca maskaxda ah oo ay reebeen colaadihii badanaa ee wadanka soo maray.

Ciidamada booliiska ee Puntland ee ku sugan magaalada ayaan waxba ka qaban nabadgelyada sii xumaanaysa ee ka taagan magaalada,iyagoo marka la weydiiyo sababta ay hubka dadka hubka uga qaadi waayeen,iyagoo horay u balan qaaday inaan hub magaalada lala mari karin,ayaa waxay sheegaan in ay hada sugayaan nabada guud ee Puntland,oo ay difaac kaga jiraan cadowga "shisheeye". .

Laascaanood online,Laascaanood,Somalia.

Kor u noqo