Welcome to Laascaanood online
 
Bisha barakaysan ee Ramadaan!!
 
AXKAAMTA,TIIRARKA,WAAJIBAADKA SOONKA
 
MARXAB!MARXAB YAA RAMADAAN|ILAAHII KU ABUURTAY KA BAQ OO SOON BISHA RAMADAAN|INSHA ALLAAH KHAYR
AXKAANTA SOOMIDDA BISHA RAMADAAN
Qore : Abdulfatah Mohammed Abdulle

TACRIIF: Waa maxay soon?

Soonku luuqad ahaan waa in wax laga reebtoonaado oo aan la sameyn. Sharciga Islaamkana soonku waa in laga af haysto cunto iyo cabbid iyo in laga reebtoonaado galmo (afooyinka oo xiriir galmo lala sameeyo) laga bilaabo waaberiga (fajarka salaada subax) ilaa ay qoraxdu ka dhacdo ayadoo lala imaanayo niyad (niyo) qalbiga laga neyesanayo in la fulinayo awaamiirta Alle oo ah in Soonku waajib yahay.

Soonku waa nafta oo laga xabiso cunto iyo cabbid iyo waxyaalaha ay hawooto (shahawaat), iyo iyadoo laga gooyo wixii ay u caado yeelatay, oo la hagaajiyo awoodeeda shahwada si loogu diyaariyo iney dalabto liibaan waarta iyo ladnaan weyn, iyo barwaaqo ma guuraan ah, iyo iney aqbasho waxa naftu ku daahiroobeyso oo lugu janno tago. Ujeedadu waa in ay gaajadu jebiso nafta hanqal taageeda iyo qooqeeda. Qofka sooman wuxuu xusuusanayaa xaaladda ay ku suganyihiin dadka gaajeysan ee masaakiinta ah.

Soonku waa tiir ka mid ah tiirarka Islaamku ku taaganyahay [eeg Tiirarka Islaamka lifaaq # 1], qofkii diida in Soonku waajib yahay waa uu ku gaaloobayaa. Qofkii rumeysan in Soonku waajib yahay laakiin aan soomin wuxuu ku caasiyay Allihii abuurtay S.W. Soonka waxaa la waajibiyay sanadkii 2aad ee Hijrada.

WAAJIBNIMADA SOONKA

Ilaahay S.W. wuxuu kitaabkiisa Kariimka ku yiri aayad micnaheedu ay sidaan tahay: "Kuwa rumeeyayow! Soon baa la idinku waajibiyay, sidii loogu waajibiyay kuwii idinka horreeyayba, si aad u noqotaan al-Muttaqiin (suubanayaasha)." Al Baqarah aayadda 183

Ilaahay S.W. wuxuu addoomadiisa ugu yeeray magac la isugu yeero kan ugu wanaagsan oo ah KUWA RUMEEYAYOW! (Eeg Tiirarka Iimaanka Lifaaq # 2), waxaa la idinku waajibiyay in aad soontaan (bisha Ramadaan). Ilaahay waxaa kale oo uu noo cadeeyay in SOON-KU aanu ahayn mid innaga nagu cusb balse ummadihii naga horeeyay ay soomi jireen. Garan meyno qaabka ay u soomi jireen, (waxa ay ka soomi jiriin, maalmaha ay soomi jireen, tirada inta maalmood oo ay soomi jireen iwm.). Caqiidadu waxaa weeye in aan ogaano soonku in aanu ahayan mid ummadda Nabi Muxamad (S.C.W.) ku cusub.

TIIRARKA SOONKA

Soonku wuxuu ku ansaxaa labo arrimood oo lugu tilmaamo in ay yihiin tiirarka soonka. Waxayna kala yihiin:

(1) NIYADDA: Qofka soomaya waa in uu niyeystaa soonka waajibka ah habeenimada (inta ka horeysa waaberiga (fajarka salaadda subax)). Qofku haddii uusan neyeysan soon uma jiro. Sida Nabigu S.C.W. ku sheegay xadiis saxiix ah oo ah:

Xafsa, Hooyadii Mu’miniinta A.K.R waxay tiri: Nabigu S.C.W. wuxuu yiri: "Qofka aan soonka (faralka ah) niyeysan intaan waagu baryin lagama aqbalo soon".W.W. Alkhamsa ~ Shantii

Niyaddu waxay kala soocdaa cibaadada iyo caadada. Arrin kasta oo cibaado ahna waa in ay niyaddu ka horeysaa. Niyaddu waa arrin qalbiga kasoo go’da oo aan u baahneyn in afka lagaga dhawaaqo. Niyadda in afka lagaga dhawaaqaana waa bidco aan sharci ahayn. Niyeysiga soonka waxaa lugu gaar yeelay soonka faralka ah oo kaliya. Soonka sunnada ah uma baahna in habeenkii na neyesto. Waxaana daliil u ah:

Caa’isha A.K.R. waxay tiri: Nabiga S.C.W. baa ii yimid maalin oo i weydiiyay: "Wax ma haysaa (la cuno)? Waxaannu niri: Maya. Wuxuu yiri: Marka waan soomanahay, "Dabeeto wuxuu noo yimid maalin kale markaasaan ku niri: Waxaa naloo keenay hadiyad ahaan timir bur cad leh. Wuxuu yiri: Bal i tus, waayo waxaan ku billowday maalinta soomanaan." markaasuu cunay. W.W. Muslim. Nabiguna S.C.W. wuxuu arrintaas ku sameeyey soon sunne ah ee kuma sameyn soon faral ah.

(2) In laga afhaysto oo laga joogo (reebtoonaado) dhamaan waxyaalaha soonka burriya [Eeg Waxyaalaha Soonka Burriya].

Abuu Hureyra A.K.R. wuxuu yiri: Nebiga S.C.W. wuxuu yiri: "Qofkii aan ka harin been iyo dhaqanka la xiriira iyo wixii ceebaal ah, Allaah waxba kuma falayo oo dan kama leh inuu iska daayo cuntadiisa iyo cabbiddiisa (yacni dan kama leh soonkiisa)" W.W. Al-Bukhaari iyo Abuu Daa’uud. Werintaanna waa tii Abuu Daa’uud.

YAA LUGU LEEYAHAY SOOMIDDA BISHA RAMADAAN

Soomidda Bisha Ramadaan waxaa lugu leeyahay, oo ay waajib ku tahay in uu soomo ama ay soonto qof kasta oo ay ku kulmaan saddexda shardi oo kala ah:

(1) QOF MUSLIM AH: Qofka soomaya waa in uu ahaadaa ruux muslim ah. Qof gaal ah haddii uu soomo lagama aqbalayo waayoo xayndaabkii Islaamka kuma jiro.

(2) QOF QAANGAAR AH: Qofka soomaya waa in uu ahaadaa qoq baaluqay (hanaqaaday). Waxaa aan soon laga rabin caruurta, waxaase sunnada ku sugan in caruurta inta ay yaryaryihiin la barro soonka haddii ay awoodi karaan.

(3) IN UU CAQLI TAAM AH LEEYAHAY: Qofka soomaya waa in uu miyir qabaa. Qofka waalan soon kama ansaxayo. Waxaa la doonayaa in uu soomo ruux miyirkisu taam yahay.

DADKA LOO RUQSEEYSEY IN AY AFURAAN BISHA RAMADAAN

(1) QOFKA SAFAR KU JIRA: Ilaahey S.W. wuxuu u ruqsiiyay dadka safarka ku jira in ay afuraan oo ay dib kasoo qaleeyaan maalmihii ay afurnaayeen. Culimadu waxay safarka lugu afuri karo ku qiyaaseen in uu dhanyahay 80 km ama 90 km. Laakiin waqtigaan casriga ah iyo waqtigii hore waxaa u dhexeeya farqi, maxaa yeelay iminka waxaa lugu safraa gaadiid dheereeya sida diyaaradaha iwm. Hadaba su’aasho waa sidee loo qiyaasayaa safarka lugu afuri karo? Habka ugu wanaagsan waxaa weeye: Qofku mar haddii uu musaafir yahay oo la dhihi karo safar buu ku jiraa. Kaas ayaa safar lugu qiyaasi karaa. Isla markaasna waxaa la eegayaa dhibaatada qofka kasoo gaareysa safarka. – Qofka haddii ayan wax dhibaato ah kasoo gaareyn safarkiisa wuxuu khiyaar u leeyahay in uu afuro ama uu soomo (waayoo rukhsadii Ilaahey siiyay ayuu haystaa, Ilaaheyna wuxuu jecelyahay in rukhsadiisa la qaato). Haddii ay dhibaato kasoo gaareyso safarkiisa waa mamnuuc in uu soomo.

(2) QOFAKA XANUUNSAN: Qofka xanuunsan oo soonka ku dhibtoonaya waxaa loo rukhseeyay in uu afuro oo dib kasoo qaleeyo maalmihii uu afuray.

(3) QOFKA KU DHIBTOON SOOMIDDA: kuwa soomi kara laakiin ay dhib ku tahay sida qofka da’da ah iyo qofka qaba cuddur aan dawadiisa la aqoon oo soomidduna dhib ku tahay, ama dhakhtar lugu kalsoon yahay oo Muslim ah uu u sheegay in uusan soomi karin, waxaa u banaan in ay afuraan oo dib kasoo qaleeyaan.

Allaah S.W. wuxuu yir: "Haddii uu midkiin xanuunsanyahay amar safar yahay isla tiradii ay afureen waa in gudaan (qaleeyaan) maalmo kale. Xaggana kuwa ku soomi karaa dhibka (sida qof da’ ah, iwm) waxaa la siiyay (ikhtiyaar iney soomaan ama) quudiyaan qof sabool ah (bedelka maalin kasta oo ay ufuraan....... " Al Baqara aayadda 184

Nabigu S.C.W. wuxuu yiri: "saddex qalinka waa laga qaaday (oo dembi looma qorayo) (1) Qofka waalan inta uu ka miyirsado, (2) Qofka hurta jeer uu hurdada kasoo koco, iyo (3) cunuga jeer uu baaluqo". Kuwaani mukalafiin maaha, dembina looma qorayo.

FADLIGA SOONKA

Qaybtaan waxaan jecelahay in aan ku soo qaato maqaanka Islaamku ku tilmaamay soonka iyo ajarka iyi fadliga uu helayo qofka Ilaahey dartiis u sooma, taasoo laga yaabo dadka qaar in ay ku kala duwanyihiin oo ajarka ay helayaan uu kala badan yahay sababtuna ay tahay u dhawaanshaha ama ka fogaanshaha Sunnada Nabiga S.C.W. Sidii uu Nabiguba S.C.W. sidii uu ku tilmaamay asagoo yiri: "Badanaa qof sooma oo aan soonkiisa ka heleyn wax aan ahayn gaajo iyo oon". Soomiddu waa cibaadeysi heer sare ah oo nafta ijtihaad iyo is-ilaalin ku nuuriya. Soomiddu waa sifeyn iyo hagaajin nafta looga dan leeyahay in la dareen siiyo laciif nimadeeda iyo in laga gooyo dhugashada iyo daba galka ceebaha dadka kale iyo waxa ka dhalanaya oo dhan, sida xanta, cayda, beenta, iska horkeenka muslimiinta, muran, dagaal iwm. Soonku nafta ayuu daahiriyaa oo ka dhigaa naf Alle ka cabsata oo towbad keen badan, wuxuuna nuuriyaa iimaanka qofka.

Fadliga iyo ajarka Soonka waxaa ka mid ah:

(1) SOONKU WAA GAASHAAN: Soonku waa gaashaan (la isaga gudbo xumaan falidda, shahwada iyo naarta). Nabugu S.C.W. waxaa uu faray qofka aad ugu baahan in uu guursado misna aan awoodin guur (daruufta oo aan u saamaxayn markaas in uu guursado, dhinaca dhaqaale & dhinaca awooddiisa jirkaba), in uu soomo si ay shahwada rabitaanka guurku uga jabto. Maxaa yeelay soonku wuxuu ka reebaa nafta waxyaabaha ay jeceshay oo ay shahwadu ka mid tahay.

Cabdullaahi ibn Mascuud A.K.R. wuxuu yiri: Rasuulkii Alle S.C.W. wuxuu nagu yiri: "Dhalinyarooy! Kiinnii heli karaa raas (reer) waa inuu guursado, waa yo (guurku) wuxuu xakameeyaa indhataagga, zinada gaashaan buu uga yahay, kii aan guursan karinna ha soomo da’ fur (tunniin) buu leeyahaye (jebin buu u yahay rabintaanka galmada)." Laysku raac ~ Muttafaqun Caleyhi).

Sidoo kale Nabigu S.C.W. wuxuu caddeeyey in naarta lugu galo waxyaabaha ay naftu jeceshahay, iyo in Jannada lugu galo waxyaabaha ay naftu naceyso.

Abuu Hureyrah A.K.R. wuxuu yiri: Nabigu S.C.W. wuxuu yiri: "Naarta waxaa laga helaa oo ay ku gabban tahay waxyaalaha ay naftu jeceshahay ee macmacaanka adduunka ah gadaashooda, Janadana waxaa lugu xayndaabay camal adag oo ay naftu necebtahay". Bukhaari iyo Muslim.

(2) QOFKA SOOMAN WUXUU LEEYAHAY LABA (2) FARXADOOD: Qofka soommani wuxuu la kulmaa laba farxadood sida ku cad xadiiska Nabiga S.C.W.

Abuu Hureyrah A.K.R. wuxuu yiri: Nabigu S.C.W. wuxuu yiri: ".......Qofka soommani wuxuu la kulmaa laba farxadood, tan hore waa faraxaa markii uu afurayo, tan labaadna waa uu ku farxi doonaa ajarka soonkiisa, markii uu la kulmo Rabbigiisa (Allaah)." Bukhaari iyo Muslim

(3) NEEFTA QOFKA SOOMAN OO MISKIGA KA UDGOON: Qofka sooman neefta afkiisa ka soo baxaysa waxay ka udgoon tahay miskiga sida ku cad xadiiskan:

Abuu Hureyrah A.K.R. wuxuu yiri: Nabigu S.C.W. wuxuu yiri: ".......Neefta afkiisana (qofka sooman) ka udgoon Aragtida Alle udgoonka miskiga" Muslim

(4) IRIDKA (ALBAAB) AR-RRAYAAN OO JANADA KU YAALA: Waxaa jira Jannada gudaheeda irid la yiraahdo Ar-Rayaan oo dadka sooma oo kaliya ay geli doonaan Maalinta Qiyaame. Qofka ugu dambeeya oo ka mid ah dadkii soomi jiray marki uu galo waala xirayaa iridka Ar-Rayaan. Qof kasta oo kamid ah dadka galay wuxuu cabbayaa sharaab. Sharaabkaas qofkii cabbana weligiis ma oomayo.

Sahal bin Sacad A.K.R. wuxuu yiri: "Nabigu S.C.W. wuxuu yiri: "Waxaa jira Jannada dhexdeeda irid la yiraahdo Ar-Rayaan oo keliya ehlu soonkii ay geli doonaan Maalinta Qiyaame, qof kalena uusan ka gelin; waxaa la oran doonaa: Meeye ehlu soonkii? Waa soo kici doonaan, cidina ma geli doonto iyaga maahee. Markii ay galaan, iridkaa waa la xiri doonaa, cid kalena ma geli doonto iyaga dabadood." W.W. Bukhaari iyo Muslim

(5) SOONKA & QUR’AANKUBA QIYAAMAHA WAY SHAFEECAYAA: Nabigu S.C.W. wuxuu yiri: "Soonka iyo Qur’aankuba addoonka ayey u shafeecayaan maalinta Qiyaame. Soonku wuxuu oran doonaa: Rabbiyow! Waxaan ka reebay cuntadii (iyo cabbidii) iyo waxyaalihii ay naftu jeclayd ee (Rabbiyow) shafeecadeyda u aqbal. Qu’aankiina wuxuu oran doonaa: Rabbiyow! Waxaan ka reebay hurdo uu habeenkii jiifto ee (Rabbiyow) shafeecadeyda u aqbal. Wuxuu yiri: Markaasaa shafeecadooda la aqbalaa." W.W. Axmed.

(6) SOONKU WUXUU KAFAARO U YAHAY DEMBIYADA QAAR: Soonka waxaa lugu dhaafaa dembiyada yar yar sida ku cad xadiiskan:

Abuu Hureyrah A.K.R. wuxuu yiri: Nabigu S.C.W. wuxuu yiri: "Shanta salaadood (oo si rigle iyo joogto ah jamaacad ahaan masjidka loogu tukado) waxay tiraan dambiyada yar yar, haddii dambiyada kabaa’irta (halista) ah (sida shirkiga, sixirka, dilka gardarada ah, dhilleysiga, ribada, dhilleysi ku xamashada dumarka dhowrsoon, u dhabar jeedinta cadowga maalinta dagaal dar Alle ah iwm.) la iska jiro markaa waa loo dhaafaa dambiyada yaryar inta u dhexeysa laba Jimco iyo laba Ramadaan." W.W. Muslim.

(7) SOONKA DEMBIYADII HOREY KAAGA DHACAY AYAA LUGU DHAAFAA: fadliga soonka waxaa kamid ah in dhamaan dembiyadii yar-yaraa ee horey uga dhacay qofka muslimka ah.

Abuu Hureyrah A.K.R. wuxuu yiri: Nabigu S.C.W. wuxuu yiri: "Qofkii u sooma bisha Ramadaan iimaan qab iyo ajar dalab, waxaa laga dhaafi doonaa dembiyadii horey uga dhacay (aan kabaa’irta ahayn)". Bukhaari iyo Muslim.

(8) IRDAHA JANNADA OO LA FURO - IRDAHA NAARTA OO LA XIRO - SHAYDAAMMADA OO LA KATIINADEEYO: Fadliga weyn ee bisha Ramadaan u gaarka ah waxaa ka mid ah, in irdaha Jannada oo dhan la furo, oo irdaha naartana la xiro, iyo in shayaadiintii ummadda dhibi jirtay la xir-xirayo.

Abuu Hureyrah A.K.R. wuxuu yiri: Nabigu S.C.W. wuxuu yiri: "Markii ay bisha Ramadaan soo gasho irdaha Jannada waa la furaa, irdaha naartana waa la xiraa, Shaydaamadana waa la xiraa (la silsiladeeya)". Bukhaari iyo Muslim.

F.G. Bisha ramadaan marka ay bilato waxaad arkeysaa dad badan oo towbad keenaya oo diyaar u ah in ay in ay Rabbigood u noqdaan. Dad badana waxaa yaraanaya macaasidii iyo xummaantii ay sameyn jireen. Waxaa la is weydiin karaa dad badan oo wali macaasi iyo xummaan sameynaya ayaa laga yaabaa in la arko, hadaba sidee baa taas lugu fasirayaa? Dadku waa laba nooc: dad sheydaan baa daba taagnaa oo fasahaadinayey dadna iskood bey u fasahaadsan yihiin (u khariban yihiin). Dadka iskood u khariban (fasahaadsan) xataa haddii sheydaanku uusan raad weyn ku reeban waxaad arkeysaa ayagoo xummaan iyo dembi dhex dabaalanaya!

FADLIGA BISHA RAMADDAAN

Fadliga bisha ramadaan maaha wax la soo koobi karo: Ilaahay S.W. ayaa u gartay bisha Ramadaan in ay toqoto bishii Quraanka Karrimka ah lugu soo dejiyay dhexdeeda.

Allaah S.W. wuxuu yiri: "Bisha Ramadaan oo dhexdeeda la soo dejiyay Qur’aanka, isagoo hanuun u ah dadka iyo xujooyin cad oo hanuunka ah, iyo kala saarid (xaqa iyo baadilka)...."

Al Baqara aayadda 185.

Allaah S.W. wuxuu yiri: "Xaqiiqdii, waxaan soo dejinney Qur’aanka Habeenka Qadarka". Al-Qadri aayadda 1aad

Allaah S.W. wuxuu yiri: "Xaqiiqdii, waxaan soo dejinney Qur’aanka Habeen barakeysan (Habeenka Qadarka)" Ad-Dukhaan aayadda 3aad

Fadliga iyo dheeraadka bisha Ramadaan waxaa ka mid ah in habeenadeeda ay ka mid tahay habeen la yiraahdo LAYLATUL QADRI oo ka kheyr badan kun (1000) bilood. Habeenkaas wuxuu ka mid yahay habeenada Ramadaanka. Waxaa loogu reja weyn yahay in habeenkaas uu ku jiro tobanka ugu dambeysa gaar ahaan waxaa loogu sii reja weyn yahay habeenada kisiga ah (21, 23, 25, 27, 29), waxaa suura gal ah in uu helo habeenkaas qofka bisha Ramadaan oo dhan ku dadaala cibaadada, baryada Ilaahey, salaada, dambi dhaaf dalabka, taraawiixda iyo tahajudka.

Abuu Hureyra A.K.R. wuxuu yiri: Nabigu S.C.W. wuxuu yiri: "Qofkii u kaca inuu tukado salaad taraawiix bisha Ramadaan, Iimaan qab iyo ajar dalab dartood, waa loo dhaafaa wixii dembiyo (yar yar ah) oo horey uga dhacay". Bukhaari iyo Muslim

WAXYAABAHA SOONKA BURIYA (JEBIYA) INTA SUGAN OO LA ISKU RAACSANYAHAY

Qof kasta oo muslim ah waxaa waajib ku ah in uu ogaado WAXYAABAHA SOONKA BURIYA si uu isaga ilaaliyo. Waxyaabaha Soonka buriya waa kuwan:

(1) IN LALA YIMAADO QOWL AMA FAL GAALNIMO AH ~ (murtadnimo) Alle baynu ka magan galnaye. Qofkii Islaamka ka baxa waxaa buraya oo baaba’aya dhamaan camladiisii uu horay u sameeyay iyo camalka uu markaas ku dhex jiray, waxaana u daliil ah Qowlkii Ilaahey S.W. "Oo dhabtii waxaa luguu waxyooday adiga (Muxammadow S.C.W.) Sidii loogu waxyooday kuwii (Rusushii Alle) ee kaa horreeyayba; haddii aad u shariig yeesho (yacni la wadaajiso) cid kale cibaadada Alle (markaa) hubaashii (dhammaan) camalladaadu waxay ahaan doonaan waxaan waxba ku ool, oo waxaad kamid ahaan doontaa khasaarayaasha" Az-Zumar 65.

(2) JIMAAC ~ GALMOODKA: Ninka sooman haddii uu u galmoodo afadiisa si bareer ah (si bareer ah micnaheedu waxaa weeye isaga oo aan hilmaansaneyn, ama si kama’ ah aan u sameyn, ama aan lugu qasbin) soonkiisu waa burrayaa. Qofkii soonkiisu ku burro galmo waxaa korkiisa ah qaleyn iyo kafaaro wada jira, waxaana u daliil ah:

Abuu Hureyra A.K.R. wuxuu yiri: Nin baa u yimid Nebiga S.C.W. (Ninkaas waa Salma bin Sakhar Al-Bayaadi) oo yiri: Waan hoogay Rasuul Alloow! Wuxuu yiri: Maxaa ku hoojiyey? Wuxuu yiri: Waxaan la galmooday afadeyda iyadoo maalin Ramadaan ah. Wuxuu markaas weydiiyey: Ma heli kartaa waxaad addoon ku xorayso? Wuxuu yiri: Maya; wuxuu yiri: Haddaas ma soomi kartaa laba bilood oo xiriir ah? Wuxuu yiri: Maya; Wuxuu yiri: Marka ma quudin kartaa lixdan (60) miskiin? Wuxuu yiri: Maya; markaasuu fariistay! Markaasaa Nabiga S.C.W. waxaa loo keenay dambiil (ay ku jirto soddon madaal oo) timir ah, oo yiri: Sadaqeyso, ninkii wuxuu yiri! Oo ma waxaa weeye inaan siiyo cid naga saboolsan? (Madiina) labadeeda shiil madow dhexdooda qoys iga baahi badani ma deggana, markaasuu Nabigu S.C.W. muusooday oo miciyihiisiina muuqdeen. Dabadeedna yiri: "Orod oo reerkaaga u gee".W.W. As-Sabca (Todobadii) warintana waa tii Muslim.

Qofka sooman haddii uu u galmoodo afadiisa waxaa ku waajib ah afar (4) arrimood:

In uu san waxba cunin ama cabbin maalinta inta ka hartay (af-haysasho).

(2) In uu Ilaahey u towbad keeno maxaa yeelay wuxuu galay dembi aad u weyn.

(3) In uu qaleeyo maalintaas bedelkeeda.

(4) In uu kafaaro bixiyo: KAFAARADUNA waa in uu addoon xoreeyo, haduusan heleyn in uu 2 bilood oo isku xigta soomo, hadduu awoodi waayana in uu 60 miskiin quudiyo (intaas oo dhan haddii uu awoodi waayo oo uu sidaas ku dhinto kafaaradii waa ka dheceysaa).

(3) CUNID ama CABBID BAREER AH (oo u kas loo sameeyay ~ u qasday ): Waxaa u daliil ah Qowlkii Ilaahey C.W. "....Cuna oo cabba ilaa liilanka (dunta) cad (iftiinka fajarka salaada subax) idinkaga caddaado liilanka madow (mugdiga habeenka), dabadeedna kaamila soonka ilaa gabbal dhaca......) Al-Baqarah 187. Aayadaan waxay caddeyneysaa in cunnida iyo cabbidda ay soonka jebiyaan, waxaana arrintaan lugu gaar yeelay qofka u sameeya si bareer ah (ula kac). Qofku haddii uu wax cunno ama cabbo isaga (ama ayada) oo hilmaansan ama uu si kama’ ah u sameeyay, ama lugu qasbay soonkiisu waa u jiraa oo kama burayo. Waxaana u daliil ah Xadiiska soo socda:

Abuu Hureyra A.K.R. wuxuu yiri: Nabigu S.C.W. waxaa uu yiri: "Qofkii is ilaawa isagoo soomman oo wax cuna ama cabba waa in uu dhameystaa soonkiisa, waayoo waa cunto iyo sharaab Alle siiyay". (Macnaha risiq Ilaahey siiyay bay ahaayeen wixii uu illaw ku cunay ama ku cabbay). (Muttafaqun Caleyhi - Laysku raac).

Sidoo kale Nabigu wuxuu yiri: "Illaahey waa ka cafiyay ummaddeyda wixii ay gaf (si kama ah), ama hilmaan u sameeyeen ama lugu qasbay"

F.G. Qof muslim ah haddii uu arko qof sooman oo wax cunaya waa in uu baraarujiyaa oo xusuusiyaa in uu sooman yahay. Arrintaasna waxay ka mid tahay "wanaaga (macruuf), sama falka iyo Alle ka cabsiga oo la is faro iyo Munkarka oo la iska reebo.

Qofka haddii uu si kas ah wax u cuno ama wax u cabbo waxaa ku waajib ah saddex (3) arrimood:

(1) In uu soomo maalinta inta ka hartay (imsaak ~ af-haysto).

(2) In uu Ilaahey u towbad keeno maxaa yeelay dembi aad u weyn oo khatar ayuu galay.

(3) In uu qaleeyo maalintaas bedelkeeda.

(4) IS MATAJINTA: Qofka sooman haddii uu matag iskii isaga keeno (yacni farta ama wax kale afka iska geliya, ama uu ursoodo wax uu ku matagi jiray) soonkiisu waa burayaa. waxaana u daliil ah:

Abuu Hureyra wuxuu yiri: Rasuulkii Alle S.C.W. wuxuu yiri: "Qofkii uu soo dhaafo matag (isagoo sooman) qalle laguma laha, qofkii is matajiyaase qalle baa korkiisa ah" W.W. Al-Khamsa.

Qofka haddii uu si kas ah isu-matajiyo waxaa ku waajib ah saddex (3) arrimood:

(1) In uu soomo maalinta inta ka hartay (imsaak ~ af-haysto).

(2) In uu Ilaahey u towbad keeno maxaa yeelay dembi aad u weyn oo khatar ayuu galay.

(3) In uu qaleeyo maalintaas bedelkeeda.

(5) DHIIGGA CAADADA IYO UMMUSHA (DHALMADA): Haweenta sooman haddii ay caadadii hesho soonkeedii waa burrayaa, xataa haddii ay maalintii ka dhiman yihiin daqiiqado yar, waa in ay afurtaa oo dib kasoo qaleysaa maalintii (ama maamihii) ka tegay. Haweenka caadada qaba waxaa ka xaaraan ah in ay soomaan, haddii haweeney aan daahir ahayn (oo caadadii qabta) ay soonto soonkeedu ma ansaxayo, dhiiga dhalmadana waa la mid. Laakiin haddii ay isku aragto calaamadihii ay ku tiqiin in uu yimaado dhiigga caadada laakiin dhiiggii uusan farjigeeda kasoo bixin, soonkeedu waa saxiix waayoo dhiiggu inta uu caloosha ku jiro xukun malaha, marka uu banaanka u soo boxo oo ay isku aragto ayaa la xukumayaa.

(6) NIYADDA OO LUGU BURRIYO: Qofka sooman haddii uu qalbiga ka niyeysto in uu soonka furro, soonkiisu waa burayaa, waayoo niyaddu waa saldhiga camalka qofka Muslimka ah, waana miisaanka camalka lugu qiyaaso.

Waxaa laga wariyey Amiirkii Mu’miniinta Cumar ibn Al-khaddaab A.K.R. inuu yiri waxaan maqlay Nabiga (S.C.W.) oo leh: "Camalka waxaa saldhig u ah niyadda, qof kastaana wuxuu helaa niyaddiisa......."

(7) CIRBADAHA NAFAQO SIDEENKA AH ~ BIYAHA NACFIGA LEH (Faleebo iwm.) Qofka sooman haddii uu si bareer ah u isticmaalo cirbadaha nafaqada ee xiddidka laga qaato, cirbadahaas oo booxin kara kaalintii cunnidda ama cabidda, oo qofka ka bi’iya gaajada (baahida) ama oonka, soonkiisu waa burrayaa. Qaybaha kale ee cirbadaha-daawada oo aan lahayn nafaqo baahida baabi’isa soonka ma jebiyaan.

(8) INAY IBTA BIYO KAGA YIMAADAAN SI IKHTIYAARKAAGA AH: Soonku waa ku buraa haddii qofku manidiisa ku soo saaro taabasho, dhunkasho ama gacan (iyo wixii la mid ah). Laakiin haddii ay manidu iskeed u soo baxdo oo qofku uusan sabab u ahayn soo bixideeda, ama isaga oo hurda ay kasoo baxdo wax dhibaato ah malaha soonkiisuna waa saxiix.

Caa’sha A.K.R. waxay tiri: Rauulkii Alle S.C.W. wuxuu i dhunkan jiray isagoo soomman, wuxuuna laabta i saari jiray isagoo sooman, laakiin wuxuu ahaa midka keliya ee idinku jira ee u hanan og (ka adag) naftiisa (yacni iska qaban kara inuu u hunguriyoodo galmo). Laysku Raac ~ Muttafaqun Caleyhi.

F.G. Qofka sooman waxaa la doonayaa inuusan ku xeyl dheeraan luqluqashada ama san daarsiga marka uu weeseysanayo waayoo waxaa laga yaabaa in ay biyo ku cararaan.

Laqiid bin Sabira A.K.R. wuxuu yiri: Rasuulkii Alle S.C.W. wuxuu yiri: "Weeseyso weeso dhan oo kaamil ah, oo is dhexgeli farad, aadna u sandaarso haddii aadan soomaneyn". W.W. Al Arbaca ~ Afartii

Qofka sooman waa in uu iska ilaaliyaa beenta, xanta isku diridda dadka, dhaqanka xun iwm. Culimada qaar, waxa ay qabaan in ay beenta, xanta, isku diridda, dhaqanka xun iwm. ay soonka jebiyaan. Culimada qaarna waxaa ay qabaan in ayan soonka jebin balse ay ajarka soonka nuqsaamiyaan. Si kastaba ha ahaatee, qof kasta oo muslim ah waa in uu ku sifoobo dhaqan wanaagsan iyo muslinnimo khaalis ah, si soonkiisu u noqdo mid miro dhal ah. WABILLAAHI TOWFIIQ.

WAXYAABAHA AAN SOONKA BURIN

Waxaa jira waxyaabo badan oo aan soonka jebin balse dad badan oo aan cilmi u laheyn ay rumeysan yihiin in ay soonka jebeyaan; waxyaabaas aan soonka burrin waxaa ka mid ah:

(1) Dhamaan WAXYAABAHA SOONKA BURRIYA (JEBIYA) oo aan kor ku soo xusnay haddii ay dhacaan ama la sameeyo ayadoo la hilmaansanyahay (NISYAAN) ama gef ku dhacay (KHADA’), ama jaahilnimo u geysay (JAHLI) ama lugu qasbay (IKRAAH) soonka waxba uma dhimayaan.

Abuu Hureyra A.K.R. wuxuu yiri: Nabigu S.C.W. waxaa uu yiri: "Qofkii is ilaawa isagoo soomman oo wax cuna ama cabba waa in uu dhameystaa soonkiisa, waayoo waa cunto iyo sharaab Alle siiyay". (Macnaha risiq Ilaahey siiyay bay ahaayeen wixii uu illaw ku cunay ama ku cabbay). (Muttafaqun Caleyhi - Laysku raac).

Sidoo kale Nabigu wuxuu yiri: "Illaahey waa ka cafiyay ummaddeyda wixii ay gaf (si kama ah), ama hilmaan u sameeyeen ama lugu qasbay"

(2) Qofka haddii uu isku janaabo ama isaga iyo haweeneydiisu ay wada cayaaraan habeenka Ramadaanka ee uu waagu ku baryo iyagoon weli qabeysan soonkoodu waa u jiraa (yacni maalintaas waa soomi karaan haddii ay habeenimaddii niyeysteen in ay soomayaan maalintaas). Waxaa daran in ay wax sameeyaan (galmo) kadib markuu waagu baryo.

Caa’isha A.K.R. iyo Ummu Salama A.K.R. waxay yiraahdeen: Mar kastoo Nabigu S.C.W. waagu u beryo isagoo aan daahir ahayn (yacni la galmoodo xaas ka mida xaasaskiisa iyadoo ayan aheyn riyo habeenkii ku biyo bax) waxuu S.C.W. la imaan jiray qubeys oo soomi jirey. Bukhaari iyo Muslim

SIDOO KALE

Caa’isha A.K.R.waxay tiri: "haddii Nabigu S.C.W. waagu u beryo isagoo la galmooday Xaas ka mid ah xaasaskiisa, wuu qubeysan jiray sida caadiga ah". Bukhaari iyo Muslim

(3) Dadka qaarkood waxay ka cabsadaan in ay subkadaan ama ay kareem is mariyaan, ama in ay barafuunka la isku buufiyo ama bakhuurka la is mariyo ama fooxa la shito ay isticmaalaan. Waxaas oo dhan soonka ma jebiyaan.

(4) Qofka haddii sankiisu dhiig ka yimaado (san-goror) ama uu ilig iska rido ee sidaas dhiig uga yimaado, wax dhibaato ah malah soonkiisuna waa saxiix waxaase laga rabaa in uu san liqin ee iska tufo.

(5) Toobinka - Toobinka markii hore wuxuu kamid ahaa waxyaabaha soonka burriya laakiin dib ayaa laga nasakhay. Nabiguna S.C.W. waxuu is toobay isagoo sooman. Sidoo kale toobinka waxaa la mid ah oo aan soonka burin dhiiga yar oo miikariskoobka lugu eego oo sheybaaradu ka qaadaan dadka.

Anas A.K.R. wuxuu yiri: Markii u horeysay oo toobidda qofka soomman loo diiday waxay ahayd markii uu Jacfar bin Abii Daalib is toobay isagoo sooman, oo Nabigu S.C.W. soo maray oo yiri: "Labadaaniba waxay buriyeen soonkoodii." Wixii markaas ka dambeeyayna Nabigu S.C.W. wuu u fasaxay inuu is toobo qof sooman, Anasna wuxuu is toobi jiray isagoo sooman. W.W. Ad-Daaraqudni oo sheegay inuu yahay Qawi. Xadiiskuna waa saxiix.

(6) Xuqna ~ suufka daawada leh ama sumboosto farjiga ama dabada la iska geliyo.

(7) Taqdiir ~ goojo dhegaha ama sanka lugu dhibciyo.

(8) Indha kuusha indhaha la marsado.

(9) tisxi duulaya, boor, barafka cirka ka da’a oo dhuunta ku carara (gala).

(10) Cunto dhadhamin, waxaase shardi ah in aan cuntada la liqin, ama aysan gaarin "xarafka X meesha uu kasoo boxo".

(11) cadayashada ~ rumeysashada iyo luqluqashada.

(12) biyo is marmarin (isku qaboojin) ama maro la qooyay oo la is mar mariyo.

(13) In dhegaha la dhukaydo ama ciddiyaha la iska jaro, ama ilkaha oo la iska bix-bixiyo.

LASOCO QAYBTA Qaybta 2-aad.

Abdulfatah Mohammed Abdulle

Ottawa, Ont. Canada

abdulfatah@yahoo.com


LIFAAQ # 1

TIIRARKA ISLAAMKA uu ku dhisan yahay waa shan (5), taasoo mid kamid ah haddii uu qofku ka tago aysan muslinimadiisu sax ahayn. Xadiis uu wariyey ibnu Cumar A.K.R. Wuxuu yiri: "Islaamka waxa uu ku dhisan yahay shan: Shahaadada oo ah in la qiro in uu Ilaahay mooyee ilaah kale uusan jirin, Nabi Muxammadna (S.C.W.) uu yahay addoonkiisa iyo Rasuulkiisa; in Salaadda la oogo, in Sakada la bixiyo, in la soomo, iyo in Xajka la tago".

(1) SHAHAADADU WAA: in la ictiqaadiyaa carrabkana laga sheegaa. Shahaadadu waa aasaaska ansixitaanka acmaasha oo dhan, taasoo ah in lagu socdo jidkii uu Ilaahey na faray, innagoo ay naga tahay ikhlaas (run), lana raaco sunnadii Nabiga (s.c.w.) MIRAHA SHAHAADAD: Qalbiga oo nadiif noqda, nafta oo ka xurowda addoonsiga aadamiga iyo raacidda qof aan rasuul Ilaahay ahayn. Marka diinta Islaamka la gelayo waa in si ikhtiyaari ah loo qiro ASHAHAADADA - "inaan ilaah jirin xaq lugu caabudo Allaha awooda sare leh ma ahee, iyo in Nebi Muxammadna Rasuulkii Alle yahay".

SALAADDA OO LA OOGO WAA: Ilaahey oo lagu caabudayo ficilka salaadda, iyadoo si toos ah Rabbi loogu tukanayo iyo iyadoo la ilaalinayo waqtiga salaadda. Salaadu waa tiirka 2-aad ee Islaamku ku taagan yahay, qofkii ka tagaana waa qof Alle ku kufriyey. MIRAHA SALAADDA: Xabadka oo furma iyo ka dheeraashada dambiyada waaweyn iyo kuwa yar yarba.

SAKADU WAA: Ilaahay oo lugu caabudo bixinta maalka ku waajibay qofka. Sakada waxaa laga rabaa in uu bixiyo qofka leh xoolo ay ka waajibtay. MIRAHA SAKADA waa oo daahir ka noqota akhlaaqda xun oo ay ka mid tahay bakhiilnimada iyo iyadoo la daboolay baahida Muslimiin baahan.

SOONKA BISHA RAMADAAN WAA: Ilaahay oo lugu caabudo ayadoo laga af-qabsado wixii soonka jebinaya oo laga reebtoomo galmada u dhexeysa ragga iyo haweenka, laga bilaabo waaberiga ilaa qorraxdu ka dhacdo. MIRAHA SOONKA: Nafta oo la baro in laga reebo waxa ay u baahan tahay, iyadoo Ilaahay dartiis loo sameynayo. Inaad soontid bisha Ramadaan, oo laga reebtoomo cuntada, cabidda iyo galmada u dhexeysa ragga iyo haweenka, laga bilaabo waaberiga ilaa qorraxdu ka dhacdo.

XAJKU WAA: Ilaahay oo lagu caabudo aadidda xajka, iyadoo la nooleynayo calaamadaha Islaamka. MIRAHA XAJKA: Nafta oo lagu tarbiyeeyo in la bixiyo maal iyo iyadoo qofkii guriga Ilaahay uu u qasdo in uu soo siyaarto, sidaas darteed ayuu xajku u noqday nooc kamid ah jihaadka. Inaad u xajidid Baydka Alle ee Makka ku yaalla waxaana laga rabaa tiirkaan qofka awoodda u leh. Tiir kasta oo ka mid ah shanta tiir ee kor ku xusan, wuxuu ku fadhiyaa saldhig weyn oo leh xididdo furuuc badan, haddaad si faahfaahsan u rabto waxaad ka heli kartaa kutubta fiqiga.

LIFAAQ # 2

Arkaanta (Tiirarka) Iimaanka: Tiirarka IIMAANKU waa camal qalbiga ku xiran qofka iyo Ilaahey un baana og in uu run sheegay iyo in kale, mana laha furuuc badan oo muuqaneysa sida tiirarka Islaamka. Tiirarka IIMAANKU waa lix (6) waxayna kala yihiin sidan:

(1) Inaad rumeyso, oo si dhab ah u ictiqaadiso jirista iyo midnimada Allaah S.W.

(2) Inaad rumeyso jirista malaa’ikta oo ah khalqi Ilaahey ka uumay nuur oo innaga duwan.

(3) Inaad rumeyso in Ilaahay kutub hanuun iyo iftiin gudcurka nolosha looga baxo ah soo dejiyey ee uu u dambeeyay luguna khatimay kitaabka Qur’aanka Kariimka ah.

(4) Inaad rumeysid in Ilaahay rusul soo diray, ee uu u dambeeyey laguna khatimay Nebigeennii suubanaa Muxammad (S.C.W.).

(5) Inaad rumeysid maalinta xisaabta, oo ah inay jirto, maalin la xisaabi doono dadka iyo jinka waxa ay faleen, dhimashada kaddib la soo saari doono lagana abaal marin doono waxay geysteen samaan iyo xumaan.

(6) Inaad rumeysid dhacdooyinka ka dhacaya dunida iney yihiin wax Ilaahey qaddaray shar iyo kheyrba.


Walaalayaal ka faa'iideysta qoraalkaan qiimaha leh, asxaabtiina iyo ehelkiina u gudbiya. Hana u dayma la'aanina qoraalada kale ee kusaabsan Soonka. Insha Allah.

Updated: Nov, 05, 2002

DISTRIBUTED VIA LAASCAANOOD.COM

ILAAHII KU ABUURTAY KA BAQ(CABSO),MA GARAN KARTIN XILI AAD DHIMANAYSEE!!OO GUDO WAAJIBAADKA LAGAA DOONAYO

Powered by www.laascaanood
.com

 

Kor u noqo ama Kulaabo Bogga Hore ee Laascaanood online/ Home
Copyright © 2002 by Laascaanood.com. 

All rights reserved.