Welcome to Laascaanood online
 
Figradaha
 
 
The opinions contained in this article are solely those of the writer, and in no way, form or shape represent the editorial opinions of "Laascaanood Online"
Madax Dhaqameedku Ma Sharbaa Mise Waa Khayr?
By:Anwar Mohamed Dirie, Anwar@usfamily.net


Madax Dhaqameedku Ma Sharbaa Mise Waa Khayr? .

Sida aanu la wada socono madax dhaqameed (Traditional Leader) waxaa loo yaqaan Nabad-doonada, Ugaasyada, Boqoradda, Malaaqyada, Garaadyada, Islaamada, Imaamyada, Suldaamada IWM oo ah dad u igman tallada reer, qoys, qolo, jillib, raas IWM. Waa dad shaqadoodu tahay in ay kala hagaan wax Alla iyo wixii ku soo kordha bulshada ay u caleemo saaran yihiin ama ha laga wado ama iyagu ha wadaane. Madax dhaqameedku waa xeerbeegti ku xisaabtanta xeer la sameystay oo la isla yaqaan iyo xeer laga soo dheegtay diinta Islaamka (Sharia Law) oo marka la isku jamciyo loogu yeero Xeer Soomaali (Somali Traditional Law).

Waxaa xeerkaa ugu mug weyn kan xoolo dhaqatada (Pastoral Law) maadaama qaybtaasi ugu badan tahay bulsho weynta Soomaaliyeed, wuxuuse leeyahay xeerar kale oo ku saleysan bey’addaha bulshadu ku kala nooshahay ama ay kala soo baxdo nolol maalmeedkooda sida Xeer Badeed (Costal Law) ay ku dhaqmaan dadka badaha ka xoogsada iyo Xeer Beereed (Farmers Law) ay ku dhaqmaan dadka dhulka xagaafta ee qodatada loo yaqaani. Wuxuu kaloo xeerku leeyahay qayb loogu yeero xeer jajab oo ah xeer hoosaad. Erayga Xeer oo sal u ah doodan waxaa lagu macneeyaa in uu yahay “dhaqan lagu heshiiyey ama qaanuun” bulsho u dhexeeya oo ay isaga iskula noqdaan markay wax kala tabanayaan ama si kale u xaajoonayaan.

Waxaa hubaal ah in xeer Soomaaligu ka isticmaal badan yahay xeerka dawliga ah meel kasta oo ay Soomaaliyi degto xitaa hadday ku tahay Ethiopia iyo Kenya oo ay xukuumadahoodu inta badan si joogto ah u shaqeeyaan. Haddaba haddii uu caynkaa yahay waxaa la oran karaa xeer Soomaaligu waa kan ugu muhiimsan hab nololeedka ummaddeena. Inta xeer Soomaali jiro, madax dhaqameedna wuu jirayaa, dadkuna si kala gedisan ayey u arkaan ugana faalloodaan waxtarkooda. Si haddaba aan waxtarkooda u iftiimino shar iyo khayr kuu yahay, waxaan tusaale u soo qaadan karnaa wixii ka dambeeyey burburkii Soomaaliya sida uu wax u taray ama wax u dhimay madax dhaqameedku iyo waxyaallaha sababay maxsuulkiisa noocuu doono ha ahaadee.

Waxaan ognahay in uu si wacan uga shaqeeyey dadaalka madax dhaqameedku gobolada dhaca waqooyi bari iyo waqooyi galbeed Soomaaliya. Waxaan ognahay in labada maamul ee geyigaas ka jiraa Somaliland & Puntland ay udbaha u taageen iyagu, waxaana taas u sabab ah baa la oran karaa ummadda Soomaaliyeed ee goboladaas ku dhaqan oo aan marna lumin xushmadda iyo karaamada ay u hayaan xeer Soomaaliga iyo horjoogayaashooda dhaqankaba, taasina ay sababtay in ay maxsuul khayr u keenaan dadkooda xilligii loogu baahida badnaa..

Dhul weynaha kale ee dhaca gudaha xuduudaha dawladu ka burburtay guulo badani kama soo hoyan, wallow madax dhaqameedku hawl aad u badan oo dhabar adayg iyo geesinimo ku dheehan tahay ay muujiyeen. Talladu waa tan Allee, hadalkoodii dhegaha looguma raaricin sidii loogu raariciyey dhigooda Somaliland & Puntland ka hawl galay oo kale, waxaanan ku sababeyn karnaa guul daradaas dadka oo dhegaha ka fureystay khayr sheegoodii uuna halkaa ku lumay ismaqalkii iyo wada jirkii ummadnimo ileyn waatii hore loo yiri “gacmo wada jir bay wax ku gooyaane.”.

Marka laga eego dhanka kale, madax dhaqameedku wuxuu leeyahay dhibtiisa haddii uu ka leexdo tubta hagaagsan oo uu tareenka ka dhaco. Labada gobol ee aanu hore u soo tibaaxnay Somaliland & Puntland immika ayaad mooddaa in majare habowga madax dhaqameedkoodu billow yahay, waxaana u sabab ah maamuladda jira oo ula dhaqmay odayaasha si ka bad-badis ah ama indhaha ka laabtay markay ka listeen dhaydii wanaaga..

Waxaa halkan taal su’aal waxayna tahay “horta madax dhaqameednimadu ma xaq (right) baa mise waa xurmo (privilege).” Aniga waxay ila tahay in ay tahay xurmo, igmashaduna ay ka timmi ummadda caleemo saaratay ee ayan ahayn wax cirka looga soo dejiyey (prophecy) ama ay u dhasheen. Haddaba haddii ay tahay caynkaa ma mudna in ay lacag iyo nolol ku raadsadaan waana taas tan hawshoodii ay u gudan jireen Dar-Alle curyaamisay markii siyaasadii lagu dhex daray ee lagu yiri idinkaa wax walba ah iyana ay aqbaleen. Waxaan hubaa in jawaabtoodu ahayd in ay yiraahdaan “maya” gadan mayno igmashadii ummaddayada markaana ay noqon lahaayeen kuwo siddii looga bartay hawshooda u guta iyaga oo nadiif ah, magac iyo muunadna huwan..

Maamuladu iyagoo hiyi-kac “emotion” wado oo aan ka fiirsan dhibka iyo sharaf xummada berri madax dhaqameedyadaas u imman doona ama hogga ay ummadda u horseedi doonaan haddii laga deysto waxa la baray iyo leef-leefka ayey u horseedeen odayaashii mudnaa, cisada & qadarintana bulshadooda ku dhex lahaa been iyo dhaan-dabagaaleyn. Taasi waxay dhashay in madax dhaqameedkii qaarkood ay noqdeen waran dhuunta kaga taagan maamuladii oo haddaan hadalkooda la maqal gar & gar darraba iyagu gar leh. .

Waxaa la yiraahdaa “af wax cunay xishooye” madax dhaqameedku hadday mushaar qaadasho iyo siyaasad dhex dabaalasho bartaan waxaa hubaal ah in ay eex iyo takri fal ku saleysan danahooda la immanayaan, taasna waxaa markhaati inookaga ah haddii aad isbarbar dhigto hab dhaqanka madax dhaqameedka wixii ka horeeyey 60kii iyo kan maanta jooga. Waxaan qabaa in madax dhaqameedka oo loo daayo hawshooda iyagoon been loogu gacan haadin lana siiyo tacliimin lagu kala barayo farqiga u dhexeeya dhaqanka ay matalaan iyo dhaqanka dawliga ahi in ay tahay mid looga badbaadayo darbadahooda noocuu doonaba ha noqdee, waayo ma awoodno in aanu lumino horjoogayaashaas iyo in ay naga xumaadaan midna..

Gebo-gebadu waxay tahay in madax dhaqameedku marna shar yahay marna khayr yahay, ayna tahay in lagu illaaliyo dhanka khayrka, lagana xakameeyo in aanu u xargo goosan dhanka sharka, waayo madax dhaqameedku waa doon raran oo kale haddii uu deggana wuxuu la degayaa sharafka iyo sumcadda bulshadiisa, haddii uu baraarana wuxuu billayaa wanaaga iyo quruxda .

Mahadsanidin


Powered by www.laascaanood
.com

 

Kor u noqo ama Kulaabo Bogga Hore ee Laascaanood online/ Home
Copyright © 2002 by Laascaanood.com. 

All rights reserved.