Welcome to Laascaanood online
 
Figradaha
 
 
The opinions contained in this article are solely those of the writer, and in no way, form or shape represent the editorial opinions of "Laascaanood Online"
Ummad Aan Is-aqoon Marna Aan Is-xisaabin! .
By:Anwar Mohamed Dirie, Anwar@usfamily.net


Ummad Aan Is-aqoon Marna Aan Is-xisaabin! .

Soomaalidu waa dad aan taariikhdeeda iyo hab-dhaqankeeda la iskaga warramayn. Waa dad mucjisooyin badan lagu arkay oo maalinba maalinka ka dambeeya la soo baxaya gedo cusub, waxaana lagu sifeyn karaa yaabka iyo fajaca dhabanahayska leh ee arrimaahaasi leeyihiin maahmaahdan (Geelu hadduu labada dambe ka habeediyo waa ged lagu yiqiin, hadduu labada hore ka habeediyose waa ged uu la soo baxay) markaa xaaladeenu waa gadaal ka habeedin inaga iyo shisheeyahaba hal-xiraale aan weli jawaab loo helin nagu noqotay (bukaan socod aan aqoon halka laga hayaa waa amakaag & yaab billowgii). Waxaana la odhan karaa jiil dhan ayaa ku hana-qaaday cudurkan waallida ah ee aan la aqoon ee dalkeena & dadkeenaba naafeeyey. Waxaa la yiraahdaa “ummad walba jiritaankeedu wuxuu ku xiran yahay inta waayo-aragnimadeeda iyo fiiro-dheerideedu le’eg tahay,” marka bal aynu dib u jaleecno, waxay dhib ama dheef nooga tageen jiilasheenii hore oo tusaalle u soo qaadano dhawr jiil oo is daba socday inagoo xusuusta gadaal u celinayna:

Jiil Ayaan Daran 1969 & ka hor: Jiil haystay dhaqan soomaali nadiif ah, aqoonta dunida kale ku yarayd lana odhan karo waxaaba khayr ugu jiray hab nololeedkaas nasiib badane ah oo ka dhigay kuwo si quman uga fekera in ay dalkooda ka xoreeyaan gumeystayaasha Yurub iyo kuwa kale ee diirka madow kuna sidkamay kuwii saanta-caddaa ee Yurub. Jiilkaasi wuxuu halgan ugu jiray goor iyo ayaanba siday wax lagu nasto ugaga tegi lahaayeen jiilalkooda dambe oo ayan ogayn shar iyo khayr kay u noqon doonaan; illeyn cilmi-qaybku waa wax kaa dedan oo aan sahal lagu daalacan karin! Waxaa laga yaabaa haddii ay ogaan lahaayeen in aanu khayr ku jirin jiilka ka dambeeya in ayan gumeysina la dagaalameen, dhiigoodana iskaba qubeen, xilna ayan iska saarin oo ayan xitaa ku duceysan in jiilkaasi soo kacaba, waayo ruuxna ma jecla in uu Illaahay ka baryo ama ka naawilo duul aan khayr qabin ama shar.

Jiilkani waxay kufaan oo kacaanba waxay taageen callankii Cawaale ahaa ee xiddigta cad dhexda ku lahaa, midabka maradiisuna ahaa bulluuga khafiifka ah ee cirka oo aan daruur lahayn u ekaa. Maamul xumo ay sababtay aqoontii iyo xirfadii maareynta oo iska yarayd ka sokow, waxaa la oran karaa bello aad u weyn lagama dhaxlin maamuladoodii rayidka ahaa oo doorashooyinka iyo is-axsaabeysiga ku dhisnaa, waxaase la oran karaa iyagu waxay noqdeen Bah Ayaan Daran oo hawshii ay u soo xanuunsadeen jiil khayreysani kama dhaxlin.

Jiil Khasaaro 1969 - 1990: Jiil lagu ba’ay oo ka dhigay ummaddii oo dhan dulmane & dambiile. Xukunkoodii laga dhaxlay tarabiyad xumo iyo ceebtoo lagu faano, halka sharafkuna ka noqday wax laga faano lagana yaq-yaqsoodo (Subxaanka). Jiilkani wuxuu abbabiyey kan seddexaad ee isaga ka dambeeyey, maxsuulkoodii ayuuna kan maanta jiraa ka soo dhex baxay.

Jiil Habowsane 1990 & ka dib: Jiilkani waa Foolkaano qaraxday, wuxuuna dhalay wixii lagu shubtay. Akhlaaq xumo, damiir xumo, dareen la’aan, si xun u ilbixid, dhac, boob, dil, nacayb, xisdi, is qayb-qaybin iyo isku rafad. Beer waliba waxay bixisaa wixii lagu abbuurto (haddaad abbuurato galley ha rajeyn in cambe kuu soo go’o). Arartii way ila dheeraataye, bal aan isla eegno dulucda qormada.

Markaan leeyahay ummad aan is-aqoon ugama jeedo in ay dirka iyo dhaqanka ku kala duwan yihiin (taas oo aanan anigu aaminsanayn) sida dad badani u fahmi karaan madaama dhanka xun ka iftiin batay dhanka wanaagsan waayahan, laguna khasban yahay in arrin dhawr eray lagu koobi lahaa, in badan lagu noq-noqdo bidhaaminteeda. Waxaan ognahay in dalkii u kala googo’ay xaafado yar-yar oo mid waliba ku doodayso in dambi laga galay ama ha ka cabato xukuumadihii hore ama fashilka dabadii dhacdooyinkii la isku geystaytaye, waxaan ognahay in gebi ahaan is-kooxeysigu ku saleysan yahay is-jilibeysi hoose ee inta badan ayan jirin hadaf siyaasadeed oo lagu wada socdaa, bal u fiirso labadan tusaale:

Somaliland: Waxay ku doodayaan in xukunkii Barre dulmay, dadkoodii la laayey, Soomaalida koofurtu iskugu tagtay, gooni isku taaga ay u doonayaan arrimahaas awgood ayna u ciil qabaan in ay mar uun ay muruq ama maskax kaga aarsadaan kuwii ku tacadiyey dhulkooda iyo dadkooda. Xisaabtanku waa arrin hagaagsan ceebna ma leh laakiin waxaa wanaagsan in aad is-xisaabisid adigu ka hor inta aadan doodaada soo bandhigan haddii ay jirto. Nasiib darro waxaa ah in ayan marna eegayn xayndaabkooda kuwa ku jiraa waxay geysteen 21kii sanno ee la isku ba’ay, waxayna inta badan u huwiyaan ceebtii dhacday oo dhan qoyskii uu ka dhashay ninkii Generalka ahaa ee ugu sareeyey askartii dalka haysatay, waana wax cadaaladda iyo xisaabtanka caafimaadka qababa ka fog. Maxay Soomaalidu u tiri “gaalka dil gartiisana sii; wiilkaaga iyo wiilka gaalka garta u sin IWM.”

Illeyn waa indho qabiil ku shaqeynaya inta kalana shaydaan xayaabo ka saaraye, aragtidoodu ma’ayan tusin in ay dhamaan wixii ku jiray xukunkaas oo maanta in badan oo ka mid ahi mas’uuliyiin ka yihiin deggaankooda ay tooshka ku ifiyaan. Waxaa qalbigooda ka daboolmay in rag badan oo maanta horboodaya siyaasadoodu ay dulmi iyo tacadi badan ka geysteen dhulka ay maanta u xuurteysan yihiin siday ugu soo dhicin lahaayeen waxa ay bulshadiisu ka cabanayso, bulshadiina waxay garan weyday dhalanteedka ay nimankaasi kula dhex meereysanayaan, iyo shaati bedelashada gellinba cayn la yahay.

Puntland: Sidda Ummadda ku nool Somaliland oo kale, waxaa bulshadda gobolkani ku cabataa in Soomaali oo dhammi iskugu tagtay, ceelashoodii la gubay, haweenkoodii ay kufsadeen askartii xukunkii hore, waxay arkayeen markay gadoodsanaayeena ay Soomaalida inteeda kale ka indho saabnayd oo ayan arki karin xilligaa hore, taas oo bay yiraahdaan haddii ay dhici lahayd sidaasi waxaa fududaan lahaa in xukunkaa si sahlan oo gacmo isqabsi ku dhisan la iskaga wada riixi lahaa, maantana aan halkanba la isla soo gaareen oo la cayman lahaa. Waxay in badan oo bulshadan ka mid ahi ku doodaan in xukunkii Barre iyo xulufadiisu ay ku dhaqmeen hab ku dhisan qaybi oo xukun (Divide & Rule) ayna iyaga aad ugu darraadeen dad ahaan iyo dal ahaanba, taasina ay ku khasabtay in ay noqdaan ummaddii Soomaali ugu horeysay oo xoogag isbedel doon ah Ethiopia ka soo alkuma.

Inkasta oo ay markay dad gobolkaa ka soo jeedaa isku cidleystaan ay farta in badan ku fiiqaan dhamaan dadka ay dambiyada u haystaan cidday doonaanba ha ka dhashaane ayna ku jiraan in badan oo iyaga ay is xayndaab xigaan, haddana marna dibeda uma soo saaraan xaqiiqda dambiilayaasha ay ka cabanayaan oo markay timaado in si furan looga doodo way ku hagoogtaan kuwa iyaga ka dhashay ceebtooda oo waxay ka dhigaan xallay dhalay, in badan oo dambiilayaashaas ka mid ahina waxay dhankooda ka garaacaan durbaanka is-ina-adeereysiga waxayna safka hore kaga jiraan maamulkooda. Taas waxay kala mid yihiin baa la oran karaa Soomaalida inteeda kale marka lagu daro ummadda Somaliland ku nool oo aan hore uga faaloonay, markaa su’aashu waxay tahay . maxaa ummadda Soomaaliyeed oo dhan aragtidooda gaabshay oo runta ka daboolay?

Waa jawaab waadix ah, waxayna tahay in ay ku shaqeeyeen arrin khiyaali ah runta iyo ilbaxnimadana ka fog oo macnaheeduna yahay in ay wax ku arkaan hal il oo qabiil ku khashaafadeysan yahay uun. Sidaa awgeed waxaa isku dhex milmay dulmanihii iyo daallinkii, waxaana gacan sareeya daallinka oo mar walba tallada ummadiisa kaga jira safka hore mar walbana gashada hadba shaatiga dantu ugu jirto oo jirjirooleeya. Waxaanan odhan karnaa dulmanayaasha waxaa sinta kaga yaal nabar la yiraahdo (QABIIL) oo markay socodka gaabiyaanba ay danbiilayaashu qori ku juqeeyaan sidii dameerihii biyaha lagu dhaamin jiray ay ula dhaqmi jireen raggii lahaa oo kale. Markaasay iskula waashaan iyagoo orod xameysanaya erayadii warraabaha dawacadu khatashay oo kale, waxayna yiraahdaan:

War ma raydabtaan raydabtii ahayn
Ma rimmay ka soo dhacdii baan run sheegahayn
Mise ruugga lay qabayaye anaan roorahayn.

Tani waxay i xasuusisay sheeko yar oo sidan u dhignayd; waxaa la yiri habar ayaa il-cawarnayd, ishaas waxba kama ayan arki jirin, markaa hal il ayaa u fiyoobayd. Isha u fiyow waxaa horteeda ku sameysnaa baa la yiri tin la soo xooday oo foodda hore ka soo taagan una laaban sida bisha oo kale (xaragay la xoodataye ogow.) Sannad walba marka la gaaro xilliga la oddorosayo bisha Ramadaan iyo bisha Soonfur, haweeneydaani waxay sheegtaa in ay bishii aragtay oo ay dhalatay, markaa masjidka ayaa laga dhaariyaa waxayna caddeysaa oo ay kitaabka ku martaa in ay bishii indhaheeda ka qaaday.

Maadaama ay tahay ruux islaam ah markaa dadkoo dhami way soomaan ama way afuraan markii loo sheego in haweeney aragtay bishii lagana dhaariyey masjidka. Waagii dambe ayaa dad badani is weydiiyeen waxa islaantan keliya bisha tusa dadka kalana ka indho-saaba, markaa haweeney kalaa tiri oo islaanta taqaanay, “waxaan u maleynayaa in haweentani tin xoodan bay leedahay oo isheeda u dhowe in ay taas bisha mooddo.”

Haddaba si loo hubiyo arrinta ayaa haweentii lagu yiri galab ay bishuba tahay 20, xaajiyo bal galabta bisha nala eeg. Intay bannaanka u baxday oo tallaato-riyaad yar korkeeda isku taagtay bay tiri (Abshir, wallee waan u jeedaa). Show islaantu bilba ma tirsatee markii la yiraahdo maantaa la eegayaa ayaa waaguba iyada u baryaa oo markay eegmo u holotaba tinteeday aragtaa, markaa iyaday ku soontaa kuna afurtaa.

Maahmaah Ibo ah ayaa lahayd “if God curves a drum for you, the job to beat is not his” oo macnaheeduna yahay “haddii Alle gurbaan kuu sameeyo, tumidu shaqadiisa maahan,” ujjeedaduna waxay tahay in Eebbe na amray in aanu dadaal iyo iimaan la nimaadno haddii aynu gargaarkiisa rabno, marka haddii ayan indhaheenu runta waajihin in ay beenta aqbalayaan ama arkayaan waa la hubaa ee Illaahay khashaafada ha ka qaado indhaheena, kuwii xisaabtama ka hor intaanay hanfanna ha naga dhigo.

Ummad aan is-aqoon marna aan is-xisaabin
Edebtii ay lahayd iyo anshaxii ka halaabay
Tuug midkii u darnaana eebo weyn la dul joogo
Oofohooda jaqaayoo adhaxdoodi bislestay
Hayina ay u ahaatoo abid ay u hillaatay
Ammaantiisa madiixana u siraata ileyska
Uur ku taallo darteed ilmadii ka idlaatee
Abley weeye afkeedu dhankuu doono abbaaree
Eebbow indhahaagu hadmay eegi kuwaan?

Afeefasho: Labadaas gobol dadka ku nool uun ayaan tusaale u soo qaataye, dhamaan Soomaalidu way ka siman tahay mabda’aas aragti-gaabnimada (myopic mania) ah. .

Mahadsanidin


Powered by www.laascaanood
.com

 

Kor u noqo ama Kulaabo Bogga Hore ee Laascaanood online/ Home
Copyright © 2002 by Laascaanood.com. 

All rights reserved.