Walaalayaal, anigoo ku bilaabaya marka hore magaca Ilaaheenna weyn, waxaan
idiin soo gudbinayaa salaan qaali ah oo gacaltooyo iyo ciid wanaagasan.
Khudbaaddii maanta Jimacaha, waxay ku saabsanayd waqtigu ahmiyadda uu u
leeyahay Bani-Aaadamka gaar ahaanna qofka muslimka ah. Waqtigu wuxuu u
qaybsan yahay saddex: shalay, maanta iyo berri. Shalay waa laga soo gudbay
waana mustaxiil inaad ilbidiqsi kala soo noqoto, berri wax dammaanad ah uma
haysto qofna inuu gaadhayo ama arkayo, qaybta sadddexaadna waa maanta oo
qofku aanu wada hubin inuu dhammaysanayo, hasayeeshee waxaa la hubaa inuu
haysto xilligaa uu joogo ee taagan oo ah immika ama hadda (Now). Xilligaa
taagan (Now) qofku waa inuu qabsadaa wixii adduunkiisa iyo aakhiradiisa u
san oo weliba adduunka wuu ka tegayaaye uu aakhiradiisa fiiro gaar ah u
yeesho. Qofkii aan markaa geeridu ku iman wuu ku sii dhowaanayaa. Intaas
waxaan ku soo koobayaa nuxurkii khudbaddii salaadda Jimcaha aan joogey,
Ilaahay ha innagu duwo.
Marka aad adduunka sidaa u eegto, wax la isku xiijiyo ma aha, hasayeeshee
dhinaca kalena mar haddii IIaahay qofka Aaadanaha, Mujtamaca iyo Ummadba
uumay dalna siiyey cimri ay noolaadaanna u qaddaray waa lama huraan inay
samaystaan qorshe hagaagsan lana yimaaddaan shaqo adag iyo caddaalad ay ku
sii wanaajinayaan noloshooda mar kasta iyo xilli kasta iyagoon aakhiradoodan
illaawin oo iyana si la mid ah amaba ka sii fiican ugu hormarsanaya camal
fiican. Bulsho iyo Ummad waliba marka ay sidaa u dhaqanto, waxaa imanaysa in
jiilba jiilka ka dambeeya uga tago wax wanaagsan oo dhaxal adag ah ay sii
horumariyaan siina dhisaan.
Anigoo maskaxda ku haya arrimaha kor ku xusan, waxaan jeclahay inaan bal
wax ka idhaahdo arrimaha ka taagan Puntland iyo Somaliland iyo shirka ka
socda Nairobi Kenya ( magacyadan Somaliland iyo Puntland waa waxaynaan hore
ugu aqoon sida hadda loo isticmaalayo, hasayeeshee immika la ina
jiidhsiinayo oo la ina aqbalsiinayo, innana waxba aynaan ka qabi lahayn
haddii lagu heshiiyo in magacyadaas iyo kuwa kaleba ay yihiin dalkii oo loo
qaybiyey waaxyo maamul hoosaadyo ah)
Inta aanan u gelin labadaas qodob aan jalleecno shalay sida ay u dhisnaayeen
jabhadihii dalka ka jirey intii dawladdii Soomaaaliyeed jirtey, jabhadahaas
oo ku wada dhisnaa qabiil sooc ah oo aan cid kale tarraxin (wehelin) ayse
mararka qaarkood jiri kareen shakhsiyaad faro ku tiris ah oo aan cidna
matelin inay ku jireen jabhaddan ama taas, dhammaantood waxay u
dagaallamayeen ujeeddooyin kala duwan. Sida loo kala taageersanaana waa
sidan:
SSDF: Waxaa si weyn u taageerayey qabiilka Majeerteenka
SNM: Waxaa si weyn u taageeray qabiilka Isaaqa
USC: Waxaa si weyn u taageeray qabiilka Hawiyaha
SPM : Waxay taageero ka haysatey qabiilka Ogaadeenka.
Puntland iyo Somaliland: Maanta maxay ku doodayaan?
Somaliland:
Dooddoodu waxay tahay.
Annagu haddaanu dadka reer waqooyiga nahay, kaddib markii nala xumeeyey
waannu la soo noqonay xorriyaddayadii. Waa dhab in Somalia intay dawladda
ahayd ay ka dhacday maamul xumo weyn oo shacabkii ku hungoobay madaxdiisii,
isaguna waa shacabka'e uu qayb aan yarayn ku leeyahay masuuliyadda waayo muu
garan doorkiisa iyo awooddiisa iyo waxa uu u baahan yahay. Hasayeeshee,
dooddaas ah reer waqooyi ayaa sidaa goostay waa mid aan waxba ka jirin, oo
hore markii dagaalku socdey iyo 13ka sannadood ee gooni isu-taagga loo
ololaynayey waxa dabada ka riixayey waa qayb weyn oo reerka Isaaqa ka mid
ah, waxayna maskaxdooda ka keeneen si kastaba ha isu tustee beelaha kale ee
dega waqooyigu sandulle (khasab) ayay nagu raacayaan iyadoon waxba la
weydiin!!! Hasa-ahaatee, waxaa hor taal ddoodda ay Soomaali ku hor gudbeen
oo kale, Iyagu waxay Somali ku yidhaahdaan waannu idinka go'nay,
shakhsiyaadka midnimada Soomaaliyeed u halgamayana nama matalaan sida,
Cismaan Kalluun, Jaamac yare IWM Sidoo kale deegaannada iyo Gobollada Sool,
Sanaag iyo Cayn iyana mawqifkoodu wuxuu yahay kama mid nihin gooni isu-taag
namana matalaan afraadda kala ah Qaybe, Gees iyo Fu'aad Aadan Cadde IWM.
Maxaase lagu ammaani karaa shacabka Isaaqa? Inkastoo ay hadda qaylo badani
ka soo yeedhayso, oo ah in shacabku wuxuu isagu qabsaday mooye (mid
nabadgelyo iyo mid horumarba) ayan jirin wax maamul u qabtay, haddana waxaa
lagu ammaanayaa niyadda ah inay tashadaan oo ama goonidooda ha ahaato ama
Somali wax ha ku darsadeen inay doonayaan wax qabsasho iyo horumar, waase
haddii ay ka joogaan gobollada aan deegaankooda ahayn oo hadday ku duulaan
curyaamin kara waxa ugu weyn ee gacanta lagu hayo oo ah xasilloonida iyo
nabadda. Ilaa iyo inta la iska fahmayo, sida ay xaq ugu leeyihiin inay ka
tashadaan siday deegaannadooda u hormarin lahaayeen ayay sidoo kale SSC xaq
ugu leeyihiin inay tashadaan ciddii ay dan moodaanna wax la qabsadaan.
Waxyaabaha aad loola yaabo waxaa ka mida hadalkii Siilaanyo mar uu dhowaan
shir jaari'id ku qabtay gurigiisa, inkastoo uu u ekaa nin calaacalaya oon
waxba gacanta ugu jirin, wuxuu yidhi, " Aniga arrin xun ilama aha, haddii
Boqor Buur-Madow uu codsaday maalmo kooban inuu waxeenna (SSC) uu nimankaa
Majeerteeniya oo uu abaal ku leeyahay uu si nabadgelyo ah inoogaga keeno"!!!
Puntland:
Dooddoodu waxay tahay:
Dalku qabyaalad ayuu u burburay, haddii Isaaq dhinac wada maray Harti iyo
dhulkiisu dhinac ayay wada marayaan, welibana waxaa jid ah in Daarood oo
dhammi dhinac wada maro. Doodda qaybteeda hore ee ah in markii hore dalku
qabyaalad u burburay, waxaan u arkaa mid aan waxba ka jirin. Sababtu waxaa
weeye, Iyadoo aanay colaad baahsan iyo mid kooban oo qabaa'ilka Soomaaliyeed
ka dhexaysa jirin ayaa jabhadaha kor ku xusani ku kaceen dawladdii maamulka
xumayd ee keli taliska ahayd. Waxaa weynaa oo jirey dareenka ah caddaalad
darro iyo naas nuujin lagu eedaynayey dawladdii jirtey, madaxdeeda sare ha
noqoto ama madaxdii kale ee beelaha oo dhan ha noqotee oo lagu eedaynayey in
nin waliba inta uu samayn karo uu samaynayey. Haddii aynu dib u milicsanno
habkii iyo qorshihii dagaal ee jabhadahaas kore wuxuu iahaa in mid waliba uu
xoogga saarayey deegaankooda iyo inay ka xoreeyaan dawladdii, taasi waxay
kuu caddaynaysaa inaysan jirin qabaa'il Soomaaliyeed oo is dilayey.
Hasayeeshee, aragtidayda sababaha keenay sawirka iyo waaqaca in dalku
qabaa'il u kala daato, waa:
- Ayaan darrada ugu weyn oo ka dhacday caasimadda dalka, magaaladaas oo
Soomaali ay ku dhammayd markii ay dawladdu ka baxday meesha, halkaas oo
wixii ka dhacay ay keentay in cid waliba deegaankii ay ka soo jeeddey u
hayaanto.
- Arrinta labaad ee ayaan darrada ahayd waxay ahayd gooni Isu-taagga ay ku
dhawaaqeen qaybo ka mid ah waqooyiga.
- Qabiil ku dhisnaantii jabhadaha
- Hoggaamin xumo iyo qorsho la'aan jabhadihii, qorshaha keliya oo sida
muuqata ahaa rida dawladda.
- Haddii uu jirey qorshe rida dawladda ka fog uu ahaa idinku qabsada xukunka
khaasatan SSDF iyo USC. Waayo SNM mar kasta goosasho ayaa u suntanayd.
Xaq ma tahay haddaba in dawladdii lagu eedeeyo naas nuujin qabiil, mar
haddii waxa loo socdeyba ahaa in reer, reer kale lagu beddelo ama keli
taliye keli talis kale lagu beddelo ee aanay jirin wax ummadda Soomaaliyeed
ee dhibbanayd loo hagaajinayey, balse dhib kale oo kii hore ka daran la
bado?
Mowqifka dadka deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn.
Dadkaasi wixii kale ay yeeli lahaayeenba, burburka ku dhacay Somalia iyo
gooni isu-taagga sandullaha ah ayaa ku khasbay inay aaminaan waxa loo yaqaan
Puntland. In badan oo dadkaas ah madaxda Puntland aan la dhacsanayn ayaa
xataa iska liqayey arrintaas, ayadoo u arkaya in wixii kala go' lagaga
hortegayo oo dhan wuxuu doonaba ha ahaadee uu O.k yahay. Shacabka deegaanada
SSC, waxaa biyo kama dhibcaan ah in 99% wax ka badan ay ka soo horjedaan in
deegaanadoodu ka mid noqdaan gooni isu-taag, ninkii isugu sheekeeya ama ka
sugaana uu si weyn u khaldan yahay ama isu indha-tirayo. Gooni isu-taag ku
imanaya inay ku qancaan, raalli ay ka noqdaan oo nabadgelyo ah waa calaacal
timo ka soo baxeen, jujuubna hadalkiisa daa. Ciddii markaas qorshahaas
goosasho wadataa waxaa u furan laba midkood, inay ku tashadaan dhulka ay
sooc u leeyihiin, iyo inay is mutaan dad dhulkooda difaacanaya (dhulku waa
dhul Soomaaliyeed ee marka la eego sida xagga kale looga fikirayo ee dabka
looga soo shidayo ayaa xaalku sidaa noqonayaa). Waxyaalaha kale ee la yaabka
leh waxaan ka soo qaadanaynaa, waxaa la yidhi, dastuur ayaa afti loo qaaday
waxaana natiijadii noqotay 97% oggol, dhib ma lahaateen haddii sida ay tahay
ee la wada ogyahay loo sheego oo la yidhaahdo, waxaa aftidaas ka maqan
deegaanada SSC. Sida ayse ku doodayaan waxay ka dhigan tahay SSC waa dhul
bannaan oo seere ah, wax dad ah oo degganna ayan habayaraatee jirin.
SSC baaxadda, tirada iyo awoodda dadka deggani waxay ka muuqataa halgankii
daraawiishta, maantana maamulka ay Isaaq intiisa badani taageersan tahay
waxay ugu muuqataa in SSC iyo Puntlandba meel bannaan oo aan MARS-ka la
sahaminayo ka duwanayn. Magaca Ilaahay ayaan ku dhaartay, maantana waa
qabaa horena waan u sheegay inaanan xumaan u qabin, waxyeellana la doonayn
walaalahay isaaq, balse la jeclahay wanaag, nabad, horumar iyo barwaaqo,
waxaanse ka yaabay horornimada cad iyo gartooda qalloocan. Bal waxaan
doonayaa in qolyahaasi ka soo jawaabaan haddii SSC ay gartan iyo ddooddan la
yimaaddaan odhanaysa: Saaxiibayaal dhulkan ilaa iyo lowyacaddo difaaciisa
waxaa nagaga dhintay geesiyaal gaadhaya wax ka badan hal milyan,
sidaadarteed sina u yeelimayno in cidi magac gaar ah ula baxdo ama u
tashato, ninkii nabad ku degganaanaya ha ku degganaado kii kale ha ka guuro
oo Ingiriis ha aado, ugu yaraanna Tog-dheer iyo Saaxil magdhaw ayaannu u
qaadanaynaa, wax kale oo na maraya ama dood ka furanina ma jirto. Arrintaasi
ma gar baa, ma gar darraa???
Walaalayaal, aan heshiinno macnaha iyo nuxurka ay xambaarsan tahay wuxuu
yahay ha noqoto dad wada deggan degmo, gobol, ama waddan haddii si kale loo
dhigana beel isku hayb ah wada deggan ama jaar ah, beelo kala hayb ah oo
wada deggan ama jaar ah ama ummad Ilaaahay dal iyo wax badan oo kale ka
dhexaysiiyey, aan heshiinno waxay u tahay wax is dhaafsi waana waddo ama jid
labada dhinacba u socota (two way streert) waxay kaloo tahay wax bixin iyo
wax qaadasho (give and take). Wixii sidaa aan ahayn waxba ku socon maayaan.
Walaalaheen Isaaq in wax lala qaybsado iyagaa diiddan oo ku jebiyey qafil
naynba nayn ah (gooni isu-taagga). Haddii caqli jiro mar hore ayay ahayd in
la isku daro labada maamul ee Somaliland iyo Puntland si walaalaha kale ee
Soomaaliyeedna loo gaadho ayna SSC door weyn ka qaataan, hasyeeshee
qafilkaas ayaa diiday. Maanta waxay joogtaa in la galo dagaal iyo colaad
sannado badan oo soo socda dhegaha dadka ka qayliya ( Ilaah kama dhigo'e)
iyo in la miyirsado oo nabad iyo caano iyo horumar la qaato sannado badan oo
soo socda lagu nagaado barwaaqo iyo badhaadhe. Walaalayaal, dhulka iyo
khayraadka yaal inagu wada filan oo inaga badan. Inta badanna dadka qof
waliba deegaanka uu deggan yahay ayuu ku noolaanayaa oo ka shaqaysanayaa
iyadoon ka maanacnayn inuu meeshu doono dego oo ka shaqaysto. Warbixin
shabakadaha internet-ka ku jirta ayaa sheegaysa in dugsigii sare ee Sheekh
Bashiir ee Burco loo la'yahay wax lagu dayactiro, marka xaggee laga keenayaa
hantida lagu duulayo ee lagu gelayo dagaal la garanayo nafta iyo maalka uu u
baahan yahay isla markaana natiijadiisa ay saaran tahay calaamad su'aal
weyn.
Ninka odayga ah ee la yidhaahdo Xinne Xiirey ayaa i xusuusiyey heesihii
geela, waxaa ka mid ah " Hillaacyada bari ee hawd ka onkoday iskuma heshide,
mid uun ku hagaag oo ha kala hadhin". Inta xaal sidan yahay dadka SSC waa
caddahay inay shacab ahaan meel ku hagaageen oo shacab ahaan arkeen in
albaabka galbeed ka xigaa xidhan yahay.
Doodda la sheegay inay ka dhacday Baarlamaanka Ingiriiska ee ku saabsan
Somaliland:
Wafdigaas Baarlamaanka Ingiriiska ka socdey ma aha mid culayskiisa la sahlan
karo, waxaase nasiib darro ah inay qaybta galbeed oo keliya ka tageen wixii
la odhan jirey Somaliland oo aanay tegin qaybta bari. Sidaadrteed,
warbixinta ay la noqdeen waxay noqonaysaa mid kala dhiman oo aan ka
turjumayn xaaladda dhabta ah ee ka jirtaa halkaas. Waxaase la hubaa in
dawladda Ingiriisku tahay dawlad weyn oo garanaysa waxa maanta ka taagan
Somalia qaybaheeda kala duwan isla markaana lug weyn ku leedahay shirka ka
soconaya Nairobi Taana waxaa caddaynaysa jawaabtii uu wasiirka dawladda
talada haysaa ka bixiyey dooddii kaddib Xubnose caadi ah oo baarlamaanka ka
tirsani (back benchers) ra'yiga ay doonaan waa qabi karaan.
Haddaba ayadoo arrintu sidaa tahay, ma aha in la dhayalsado socdaalka
wafdigaa, oo la yidhaahdo dawladdu Ingiriisku waa fahmaysaa dheesha. Waxaa
la yidhi aammusku wuxuu la mid yahay oggol, sidaa awgeed waa in farriin cad
la gaadhsiiyo dawladda Ingiriiska guda iyo dibedba, waxaana mihiim ah in la
qaado tallaabooyinkan:
- Haddii ay jiraan wax qaranimo iyo midnimo Soomaaliyeed ka fekerayaa, waa
arrin dadka soomaaliyeed oo dhan u taal inay bannaan baxyo ka dhigaan
Ingiriiska iyo dalalka Europe iyo waqooyiga America iyo dalka Somalia
gudihiisa deegaanada Puntland iyo koonfurta Somalia lagu caddaynayo inaysan
jirin wax la yidhaahdo xuduuddii ingiriis ka tegey ee ay Somalia maanta ka
jiro waaqic kale.
- Dadka deegaanada SSC iyo weliba magacooda iyo deegaanadooda kale ee
ballaadhan (Puntland) iyaga tallaabooyinka kore waa lagama maarmaan inay ku
dhaqaaqaan waayo si toos ah ayay u taabanaysaa, waayo, waxaa shillalka ama
miiska saarani waa deegaanada ay doonayaan inay soomaali wax kula wadaagaan.
Shirka ka Socda Nairobi:
Waxaan si kooban u leeyahay ragga maanta halkaa hoggaamiyaasha ka ah,
khiyaamo iyo tabco la isla doon doono wax soconaya ma aha, waxaa loo baahan
yahay heshiis iyo is aamin dhab ah, waxa is hayaana waa idinka ee shacabka
ma aha. Isu tanaasula, Inkastoo ay dimoqraadiyadda ka hor imanayso, haddana
ceedhinka ku heshiiya oo ku qaybsada cid idinku haystaa ma jirto, intaan
xubno baarlamaanba la soo xulin ku heshiiya jagooyinka sare xubnaha aad u
garataan Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha iyo cidda qabanaysa jagooyinka
dawladda uu Ra'iisul Wasaaruhu soo dhisayo. Ku ballama oo axdi ku gala inaad
kalsooni, ixtiraam, is qancin iyo is qaddarin ku wada shaqaysaan. Xaalka oo
dhan aad ku waddaan is faham iyo is qancin ( Consensus). Muddada ku meel
gaadhka ee 5ta sano markay dhammaato ha inoo ahaato doorasho iyo ninba
xeeshii innagoo intaa ka horraysana sii baranayna sida loogu qanco oo loogu
kala hadho codka iyo is xulufaysiga caafimaadka qaba. Maanta haddaad
doontaan waa idiin furan tahay gole madaxtooyo oo ka kooban 5 qof kana kala
socda habka 4.5ka aad ku heshiiseen (Afarta beelood iyo badhka waxa loo
bixiyey). 5taas qof midba sannad ayuu noqonayaa guddoomiyaha golaha si uu u
qaabilo wufuudda dalka imanaysa, safiirada IWM. Hawlaha oo dhanna waxaa lagu
guddoominayaa wadajir. Dalka iyo shacabkiisu waxay u baahan yihiin inay ka
baxaan dhibta iyo jaahwareerka. Walaalayaal dhulka iyo khayraadka yaal
innagu wada filan oo inaga badan, waxaynu u baahan nahay caddaalad, nidaam iyo
sharci. Soomaalidana waxaa lagu yaqiin xurmo, deeqsinimo iyo geesinimo ay ku
samayso tanaasul dhinac walba u dan ah.
Maxamuud,
aanheshiinno@hotmail.com