Welcome to Laascaanood online
 
Figradaha
 
 
The opinions contained in this article are solely those of the writer, and in no way, form or shape represent the editorial opinions of "Laascaanood Online"
Xalka Somaliland iyo Puntland waa isku dar.
By:Sandheere


Xalka Somaliland iyo Puntland waa isku dar.

inkastoo Soomaaliya loo qaybiyey qaybo badan sababtuna ay ahayd iyagoo si toos ah uga hor yimid danihii reer Yurub,khaas ahaan Ingiriiska oo isagu dalka soomaaliya gacanta ku hayey badankiisa,isla markaana doonayey in soomaali isagu noqdo cida mar walba xidhiidhka la leh,hadii dawlad la siiyo iyo hadii kaleba.Hase yeeshee Soomaalidu colaadi soo dhexmartay ingiriiska ayaa marnaba noqon weydey mid ay garaysteen,iloobeena xasuuqyadii uu gaystay,aakhirkiina keentay kala fogaansho etc.

Isaguna kama raynee waxuu maleegay khiyaamadiisii iyo lugooyooyinkii lagu yiqiin,dalkuu xukumayna wuxuu ka dhigay wuxuu xabashi ku wareejiyo iyo wuxuu keenyaan siiyo,marka laga reebo British Somaliland ama British protectorate oo u qaybsanayd labo qaybood."Occuppied Territory " oo ahayd intii Daraawiish iyo dadkii la socday ay degenaayeen,isla markaana diiday in ay heshiis protectorate ah ingiriis la saxeexdeen kadib markii xitaa daraawiish laga adkaaday iyo qayb dadka degenaa ay ingiriiska la galeen heshiis ah in ay u noqdaan maxmiyad (Biritish subject),iyadoo sidan xaaladu tahay baan xoriyad raadin ah oo ay ka midaysnaayeen reer waqooyigu,ha ahaadeen kuwii ingiriis la dagaalamay iyo kuwii la saaxiibka ahaa oo ay ka wada qayb galeen culimo iyo salaadiin iwm. .
Hadaynu wax ka xusno culimada waxaan la ilaabi karin SHeekh Bashiir iyo Skeekh Cismaan Nuur(ilaahay ha u naxariistee).Dhanka salaadiinta Garaad Cali Garaad Jaamac,dhanka siyaasiyiinta Marxuun Maxamed Ibraahim x.Cigaal,dhanka suugaanyahanada abwaankii inooga tagay suugaanta dhaxal galka ah ee Tima-cade(r.t.c),Faarax Oomaar iyo rag badan oo kale oo aan halkan lagu soo koobi karin,taasoo keentay israacii gobolada waqooyi iyo kuwii koonfureed,waxaana si toos ah meesha uga dumay deyrkii ay gumaystayaashii ku kala dhexdhigeen soomaali iyadoon soomaalidu raali ka ahyn,lagana tala gelin,waxaana la sameeyey xuduud caalamku aqoonsan yahay,waayo waxaa markan danbe jirey(United nations) oo uu yeeshay dalka la magac baxay Jamhuuriyada Soomaaliya,waxaana qalin lagu duugay qodobka loo yaqaan(The article of integration).

Qodobkan oo ah kan hor taagan inay Somaliland ictiraaf ka helaan dunida,mana filayo in somaliland ay kordhinayso haday ciidankoodu geeyaan xudiidihii aan caalamku aqoonsanayn iska daa soomaalidee.Markhaatina waxaa u noqonaya hadlka ka soo yeeraya caalamka xitaa ingiriiskii sameeyey baan ku dhiiran karin inuu jebiyo sharciga qeexaya midowga soomaaliya,hadaba maxaa keenay in arintan sidan loo og yahay laga dhigo mid keenta in arinta siden loo ogyahayeenii garaad keenya laga dhigo mid keenta in ku naf waayaan boqol qof oo hadeer nool? .

waxaa indheer garatada badan oo somalyeed garanwayan mesha ay martay garaadkeenii karqaadashadenii ,soomaalinimadeenii,daresnimadeenii islanimadeenii, bini-aadanimadii mid uun la tixgalen jirey?.

Bal yaa ii sheegi kara waxa ay ku le,anayaan boqolaalka dhalinta ah ee uu adeegsanayo siyaasiga dantiisa iyo kursigiisa uun eeganaya.Waxaa xaqiiqo ah in lagu jiro xiligii suubanuhu sheegay ee uu ku tilmaamay in uu imaan doono xili uu qofka waxa dilaya iyo kan la dilayaba aanay midna garanaynin,waxaa keenay dilka meesha ka dhacay.Nin caqil ahaa oo soomaaliyeed qarnigii hore ahaa baa laga hayaa sadex anigaa ka soo dayriyey(dagaal-sokeeye,dedaal naagood iyo deris midgood)waxayna ku yimaadeen sadexdan arimoodba isagay soo mareen.Tan kale horta yaa garan karaya haday haday xabadi qaraxdo meel ay ku joogsan doonto iyo intay qaadan doonto? .

Maxaase lagaga xisaabtamay maatada la rabo in lagu dhex diriro iyo qasaaraha loo gaysan doono dadkan ciidamada dhinacyada laga soo dhigay?.

Sow ma odhan karno wax lexejeclo ah iyo wax wanaagsantoona uma hayno maamulada jira,maatada reer Sool,Sanaag iyo Cayn? waxaa iga talo ah,marka hore ha ogaadaan nimanka madaxda sheeganayaan in aan laga aqbalayn mar marsiiyo aan caqliga geli karin,ilaahna wuxuu kula xisaabtami doonaa waxay sameeyeen shar iyo khayrba,aadanihiisuna waa arkayaa.Dadka reer sool,Sanaah iyo Hawdna waxaan leeyahay hadaad dhinacna raaci weydaan keena xal oo ku khasba labada dhinacba inay ama midoobaan,ama idinka baxaan oo aad aduunka u sheegtaan inaad gobol gooni u taagan tihiin,sida ismaamulada Beledweyn iyo Jowhar oo kale.waxaan filaya in caqligu shaqayn doono. God bless Somalia AAMIIN!!AAMIIN!!AAMIIN. .

Mahadsanidin


Powered by www.laascaanood
.com

 

Kor u noqo ama Kulaabo Bogga Hore ee Laascaanood online/ Home
Copyright © 2002 by Laascaanood.com. 

All rights reserved.