Qadiyad laawe Qowsaar waa laga dhigan karaa.
Muhiim ma ahan Cida uu Qoraagu u
dhashay iyo Meesha uu ku dhashay ee waxaa muhiim ah Nuxurka ay Qoraaladiisu
xanbaarsan yihiin iyo Cida Qoraaladiisa xiiseysa ee ay Dantu ugu jirto,
waxana Dadka Qoraalka Qoraagaa xiiseeya ama ay Dantu ugu jirto lagu gartaa,
Sacabka iyo Mashxarada iyo Iidhehta ay Qoraalada Qofkaas la garab taagan
yihiin.
Tusaale ahaan, waxaa dhicikarta in Qof reer Puntland ah
oo aan garankarin meesha ay Siyaasada Somiliya marayso iyo waxa Somali
isku hayso iyo sida Somali isku haysato oo ay ka tahay halagaa sheego
iyo hebal Qabyaalada ma yaqaano ha lagu yiraah in uu qoro wax Dadkiisa
u daran Dadkalena u dan ah.
Waxaana badanaa dhacda in Qoraagaa dayeysan ay Qolo rabta in ay Qoraaladiisa
Danahooda ku qunsadaan ay helaan, sidaasna Qoraagii dayeysnaa uu Qawsaar
Dan gaar ah lagu qunsado u noqdo isaga oo waliba isu qabin in qaab Qowsaar
loo adeegsanayo
Waxa kale oo dhacda in Qof reer Puntland ah oo dhexdhexaad
iska dhig leh in uu Qadiyad Beelaha kale taageero oo uu dhinaca beelaha
kale ka soo jeesto, meeshii uu dhexdhexaad ka noqon lahaa, taasn waxa
keena Beelaha kale oo aan marna laga sugayn in ay Booskooda iyo Qadiyadooda
ka siqaan si meel dhexe la isugu yimaad iyo reer Puntland oo markasta
dhinaca kale u sii durkaan, ilaa ay sidaas
qowsaar Qadiyad Qabiil kale ugu noqdaan, meeshii ay dhexdhexaad ka noqon
lahaayeen.
Haddaba madaama Beelaha kale aan marna laga sugayn in
ay Booskooda ka dhaqaaqaan oo ay dhixdhexaad noqdaan waxaa hubaal ah haddii
ay helaan Qof reer Puntland ah oo Qadiyada reer Puntland cadaysin ka ah
oo aan wax Qadiyad ah lahayn, Qar cidla ahna jafaya, laakin in uu wax
qoro raba, in ay Qol gashanayaan oo ay Qadiyadahoodu ku qabirayaan, kana
dhiganaan Qowsaar Qadiyadooda ilaaliyana.
Waxaana taas ku tusaya markaad fiiriso Ashkhast ay Homepageyada
Xamar iyo Hargaysa iyaga oo aan is ogayn ay koobka Qoraaga iyo wariyaha
Sanadkii ina dhaafay ay siiyeen oo dhamaantooda marki la fiiriyo qoraaladaada
aad garanaysid in ay yihiin koox reer Puntland u dhalatay laakin ka dhiladeen.
Waxaana xaqiiq ah Faanka Homepageya Xamar iyo Hargaysa
ay Ashkhastaa faaniyaan aanay ka duwanayn heesta Dameerta kuu raran loo
qaado ee ah ;; Hagi hagi Dameeraadeey haasaawe malab e” maxaa yeelay
waxaa hubaal ah Qof Qabiil ahaan kuu Neceb oo Homepagekiisu caan ku yahay
Nacaybka Dadkaaga ama Qof Qoraaladiisa ay caan ku yihiin Nacaybka Dadkaaga
faanka uu qoraaladaada faanshay markaas aad tiisa ku raacdid oo aad adna
Dadkaaga wax ka sheegtid in ay ku tusayso in aad noqotay hayin uu rarto
oo aadan Dameertaas wax ka duwanayn.
Haddaba iyada oo ay waayahaan danbe ay reer Puntland ku
badnaayeen Raga Sandareero(laalush) Sacab u dhigasho darteed u heermaan
oo sidaas sidii Innan la Yaalka lagu yaqiin Xamar iyo Hargaysa Sandareero
la yaal ugu noqdaan, kuwaas oo sidii Biidhiqaatayaasha lagu yaqaan si
xishood la´aan ah wax Dadkooda u daran Dadkalena u dan ah ugu hadaaqaan,
ayaad hadda waxaad moodaa in ay reer Puntland hadda ku soo badanayaan
qaar Qoraa isku sheegaan oo Qadiyado Dad kala Qowsaar ahaan ugu adeegaan
iyaga oo waliba Qaarkooda si bareer ah Qowsaarnimo loogu boqray oo loogu
caleemo saaray in uu Sannadkii tagay kobka Qowsaarka koobaad qaato.
Waxaana cad in Beelaha Somaliyeed ay xaga Qadiyada adayga
aad ugu kala gadisan yihiin oo Beelaha kale aan laga helayn Dad Qadiyada
Beeshooda cadaysin ka ah oo Qadiyad Beel kale lagu cayminkaro sida reer
Puntland laga helo waxanay Beelaha kale ee Somaliyeed ay leeyihiin Qadiyad
aan Qofna ka dhaqaajin karin waxaana taas ku tusaya.
1. Qoraalada Beelaha kale Qadiyad bay ku salaysan yahay.
2. Warka ay Warbaahinta Beelaha soo tabinayaan Qadiyad buu ku qotamaa.
3. xataa Lacagaha meesha ay ku xawishaan qabyaalad kama marna.
4. Dukaanka iyo Mukhaayad beel kale iskama dhex habsadaan.
In ay arintu sidaas tahay iyo in kale bal u dhabogal BBCda
Laant Afsomaligu siday Warka u soo tabiso in ay Qabyaalad ka maran tahay,
waxaad kale oo aad u
Bal u dhabo gashaal Qaabka Homepageyada Beelaha kale iyo Radiyoyaasha
Beelaha kale ay Warka u soo xushaan iyo waliba Qaabka ay u soo tabiyaan
waxaa hubaal ah haddii aad fiiro dheer tahay in aad garankartid in ay
u shaqeeyaan Qaabk ah Xamar iyo Hargaysa xashxash iyo wixii xunba Puntland
baa leh.
Marka maadaam beelaha Somaliyeed ee kale ay Qadiyadoodu
sidaas u adag yihiin waxay guul la taaban karo ka soo hooyeen.
1. Xaga baayac Mushtarka iyo Xawaaladaha maxaa yeelay waxay Bayac mushtarka
Beelaha kale haystaan Dad Rukun joogta ah oo reerkooda ah iyo kuwa dool
ah oo reer Puntland u dhasheen sidaas ayey Xawaalaha iyo baayac mushtarka
Beelaha kale ku baraareen meesha kuwa reer Puntland ay ku baaba´aan.
2. Sidoo kale xaga warbaahinta iyo Qoraalada ayey ka horumareen ilayn
Nuxurka Warka ay soo tabiyaan Qadiyadoodo ayuu ku salaysan yahay oo isku
wax bay difaacayaan, taas oo keentay xataa Beenta ay soo tabiyaan in ay
run u ekaato ;;been fakatay run ma qaarto.
Waxaana hubaal ah in Qof Qadiyad leh aanu Dhari aan Qadiyadiisu
ku jirin qooraansan oo sidaas laga sugayn Beelaha kale in laga helo
1. Calooshi u shaqaystayaal Cidaha kale hoos cararan.
2. Iyo Qorayaal dhexdhexaad is ka dhigaan oo dhinaca kale la safta.
3. iyo waliab Qoraa Qowsaar ah iyo Siyaasi sSandareero la yaal ah.
4. Waxaan kale oo aan laga sugayn in ay Qadiyadood mar kaliya ka Il duufaan
oo ay qoraan wax Qadiyadooda ku qaloocan
Haddaba Inkasta oo Qoraalada iyo Qaylada Calooshood u
shaqaystayaasha iyo Qowsaarada reer Puntland ay Dameerta ka qaylo dheer
yihiin haddana waxaa hubaal ah Qof Qadiyad kale lagu caynshay wuxuu qoro
in lagu qoslo mooyee in aanay qiimo kale lahayn, Qadiyada reer puntland
u ragaadayn maxaa yeelay arintu waa Dameer Dadkale u raran Dhawaaqeed
dhan iiga du.
Mahadsanidin
jagne
jagne3@hotmail.com