Welcome to Laascaanood online
 
LAASCAANOOD NEWS
 
Wararka Sool,Sanaag iyo Hawd
 
 

Warbixin ku saabsan shirkii ay jaaliyada beesha Dhulbahante ku yeesheen magaalada Århus ee dalka Denmark.

Aarhus Denmark 27.10.2002.

Århus - Waxaa 27-kii bisha Oktoobar ee sandkan 2002 lagu qabtay magaalada Århus ee cariga Denmark shir aad u qiima badan shirkaas oo ay isugu yimaadeen jaaliyada beesha Dhulbahante ee Denmark.

Waxaa ugu horeyntiiba hadalka furay Maxamed Muse (Haybe) oo ahaa afhayeenka shirka ,waxa uu Mr Haybe warbixin gaaban oo uu kaga waramayey ujeedada shirka ka dib ku wareejiyey shir gudoonka Maxmed Cabdi Galaydh oo ku furay shirka wacdi iyo erayo kale oo qiimo badan, kadib waxaa la guda galay ajendihii kale ee shirka.

Xasan Xaji Cilmi oo ka waramay sida loo aasaasay jaaliyada SSH ee Denmark ayaa shaaca ka qaaday in ururka SSHDA-Denmark ee magaalada Århus ay dad kooban ka hirgeliyeen bishii april ee sannadkan, kaas oo durba hanaqaaday lehna xubno wax qabadkiisuna ay ku xidhnaan doonto sida loo hir geliyo, wuxuu kale oo wax ka taabtay wax qabadkii hore ee jaaliyada, Xasan isaga oo hadalka sii wata wuxuu aad ugu tuuntuunsaday in ugu horayn innaga gudaheena uga baahi badanahay wax qabad dhulkii ah “isaga oo ula jeeday isku xidhka jaaliyada iyo in dadku fahmaan wax-qabadka dhaliisha la yareeyo cidii wax qabanaysa gacan ayaanu siinaynaa, cidii wax nala qabanaysana gacan baan ku soo dhawaynaynaa” ayuu yidhi.

Kadib waxaa hadalkii qaatay Ciise Garaad Soofe Duraan oo ka waramay mawduuc aad loo xiiseeyey oo halkaa ku soo bandhigay warbixino kala duwan oo ay ka mid ahayeen:

  • waxqabadka jaaliyada Dhubahante ee debedaha, waxqabadka SSHDA iyo ujeedooyinkeeda iyo marxaladihii ay soo martay
  • Shirka Nairobi, shan teleconference ee dhexmaray Jaaliyadaha Dhubahante ee dunida dacaladeeda “eeg summeryga hoose”
  • Xidhiidhkii ay sameeyeen Jaaliyada Dhubahante iyo Isimadu iyo ga’aanadii Isimada “eeg summeryga hoose”.

Warbixintaas oo dheerayd kadib waxaa hadalkii la wareegay Cabdillahi Ciise Oog oo si faahfaahsan uga waramay waxqabadkii jaaliyada Dhulbahante ee Denmark oo isugayn waxqabadka jaaliyadu noqday US $18343 lagasoo bilaabo 1999.

Axmed Maxamed Kaarshe oo ku sigtay inuu fadhiga ka dhaco sidii Gabyow ayaa halkaa ka jeediyey erayo qiiro leh.

Warbixinada halkaa laga soo jeediyey oo aad u badnaa waxaa ka mid ahaa erayo iska soo daba noqnoqonayey oo farta ku fiiqayey nabadgelyada oo dadka qaar ku tilmaameen in Magaala madaxda Dhulbahante (Laascaanood) looga caagay amaan darro ayna dadkaasi yihiin kuwo hubka aad ugu xaragooda oo ay u geli waayeen dadkii wax ku oolka ahaa iyo wax garadkiiba.

Waxaa shirka looga hadlay in si wanaagsan looga hirgeliyo Ururka dalkan Denmark iyo waqooyiga Yurub, shirka Holland oo la filayo inuu dhaco December, Arimaha nabadgelyada iyo shirwaynaha dhulbahante ee la soo jeediyey sidii looga qayb qaadan lahaa. Waxaa halkaa lagu doortay gudi 7 qof “3 odayaala, 2 dhalinyaro ah iyo 2 haween ah”. Oo ka qaybqaata fandraising laysku afgartay in la sameeyo iyo weliba ka qayb qaadashada qabanqaabada shirka beesha SSH oo dhawaan lagu qaban doono Holland.

Summery:

October 14.2002 Ogle Abdirashid Sources:Abdirashid Ogle
October 19.2002 Ahmed Hassan Sources: Ahmed Hassan
October 19.2002 Moh'oud Dirie Abdi Garaad Saleebaan iyo Maxamed Cabdi Xaashi Sources:
Mohamoud Dirie Abdi, 0ttawa
October 24. 2002 Ahmed Hassan Sources: Ahmed Hassan
October 26.02 Fmireh@aol.com waraysigii maxamed Cabdi Xaashi Sources: Farah Mire

Wixii aan ka tegay ama aan qalday waxaan rajaynayaa in ay i saxaan asxaabtayda kale.

Contact: "Jama Aden(jaamac ruush)" jamaaden@hotmail.com
Attached SSHDA-Denmark draft Danish version.


 


 
 

Kor u noqo ama Kulaabo Bogga Hore ee Laascaanood online/ Home
Copyright © 2002 by Laascaanood.com. 

All rights reserved.