Welcome to Laascaanood online
 
LAASCAANOOD NEWS
 
Wararka Sool,Sanaag iyo Hawd
HODO MIDWIFE MATERNITY CLINIC IN LASANOD.
 
 

Waraysi aan la yeelanay Aamina Hassan Kurtin oo ah maamulaha guud ee hospitaalka dumarka ee gobolka Sool (HODO MIDWIFE MATERNITY CLINIC IN LASANOD) .

From: cabdirashiid maxamuud
cabdirashiid5@yahoo.com
Date: Sat, 2 Nov 2002 22:11:16 -0800 (PST)

Bismilaahi Raxmaani Raxiim
ASALAAMA CALAYKUM WARAXMATU LAAHI WABARAKAATUH

Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan halkan kagasheekeeyo ama aan soo gudbiyo waraysigii aan layeelanay Aamina xasan kurtin oo ah maamulaha guud ee hospitaalka dumarka ee gobolka sool (HODO MIDWIFE MATERNITY CLINIC) Aamina oo joogta Nairobi hada, ayaan waxaan u waraysanay sidatan .

cabdirashiid:asaasayaasha hospitalka yay ahaayeen?

Aamina: Waxaa kamid ahaa dadka asaasay hospitalka

  • Aamina Xasan Kurtin,Nurse, Mid Wife
  • Zahro Barkhadle Warsame,Mid Wife
  • Nasro Xasan Xussen,Mid Wife
  • Shukri Faarax Mahamed,Mid Wife
  • Quman Cabdi Cali,Mid Wife

cabdirashiid:Goorma ayaa la,asaasay hospitaalka?

Aamina:Waxaa la,asaasay 31/9/1998,waxaana lagu aasaasay magaala madaxda gobolka Sool ee Laascaanood.

cabdirashiid: maxay ahayd sababtii aad u,asaasteen ?

Aamina:Markii aanu aragnay baahida wayn oo magaaladu uqabto meel dumarka lagaga umuliyo taas oo ahayd mid aad iyo aad loogu baahanyahay isla markaasna aysan jirin meel hawshaas ugaar ah oo lagu qabto ayay arintaasi noqotay mid lagama maarmaan ah taas ayaa waxaa ay nagukaliftay inaanu hawshaas uquno isla markaasna kama aysan jirin hospitaalka wayn daryeel arintaas ugaar ah, waayo xataa baahida kale ayaa ahayd mid uusan kafaynkarayn tan iyo intii dawladu dhacday, tan dumarkana daaba, markaas ayaa waxaa nugu soodhacday in aan ka asaasno magaalada dhexdeeda meel ay Dumarku ku dhalaan, Ilaahay mahadiis waxay noqotay hawl kadhexmuuqatay umada dhexdeeda. taas ayay ahayd tii nagu kaliftay umadana aanu kafaydnay dayac badan oo kajiray dhinacaas Ilaahayna waxtar wayn kadhigay.

cabdirashiid: Shaqadiinu ma waqti koobanbaa?

Aamina:Hospitaalku waa furan yahay habeen iyo maalinba waayo hawshan ayaa waxay tahay hawl aan kukoobnaankarin maalin ama habeen, takale waxaa laga yimaadaa tulooyinka gobolka dhamaan markaas marka loo eego hawshan baahida loo qabo ayaa waxay kadhigaysaa xataa hadii lahelo shan meelood oo kale aysan kafayn karayn baahidaas taasi waxay keenaysaa in la helo meel furan habeen iyo maalinba .

cabdirashiid: hadii markaas laydiin kayimaado dhamaan deegaanka gobolka oo dhan maxaay shaqadiinu kafaysaa ama aad ka qabataan ?

Aamina:Waxyaalaha uu qabto hosptaalku ama uu awooda uleeyahay waxaa kamid ah.

  • Normal labaur: foosha caadiga ah.
  • Forceps delivery: bira ku soo saarid ilmaha lagu soo saarayo.
  • Indued delivery: kafoolin ilaa uu kadhasho ilmuhu.
  • Nooca qaliinka noqda: qaybtan waxaa loogudbiyaa gobolada kale sida Hargayza,Garoowe,ilaa iyo Burco dhamaan kiisaska nagu adkaada waxaanu ugudbinaa goboladaas.

cabdirashiid:Malintii iyo hameenkii intee ayaa ku dhasha?

Aamina:Waxaa ku dhala hal dumara ilaa labo

cabdirashiid:Wax caawimaada ama kaalmo ah makaheshaan meela?

Aamina:Wax caawima ah oo toosa meela kama helo waxaanu waxku qabanaa wixii hadba kasoo baxa meesha gaar ahaan xaga Daawooyinka iyo marba baahida gaarka shayga looqabo taas ayaana ah shayga laf dhabarka ka ah.

cabdirashiid:Meesha hospitaalku kuyaal maguryo hanti ahbaa mise waa kiro takale dhismaha hospitaalku intee ayuu kakoobanyahay?

Aamina:Majirto guryo hospitalku leeyahay waxaa u kiraysan guryo ijaar ah waxayna kakooban yihiin 5 qol, shantu waxaay kalayihiin:

  • Qolka dhalmada lagusameeyo.
  • Labo jiifka ah.
  • Farmasiga daawada.
  • Qolka shaqaalaha

cabdirashiid:Intee ayuu le’egyahay isku filaanshihiinu iyo horumarkiinuba dhankastaba hanoqotee?

Aamina:Majirto isku filaan aanu gaadhnay waayo marwalba waxaanu u baahanahay dayac tir dhankastaba ah hanoqoto xaga qalabka ,xaga guryaha ,xaga daawada dhankastaba, marwalbana wixii awoodayada ah waanu qabsanaa horumarna waxaanu kusheegikaraa wuxuu maanta yahay hospitaalku, meel maanta dhamaan deegaanka gobolka lagaga xidhan yahay, taasina waxay kutahay waxqabadkiisa uu u leeyahay bulshada marka la,eego baahida wayn oo kajirta dhankaa, taas ayaa horumar la,orankaraa waayo waxaa muuqata inay waxbadan baahidaasi dadka ka faydantey, waloowba yaysan ahaanin mid 100% kafaysay baahidii umada ama dadka haysey .

cabdirashiid: Majiraan cid waxtar aad karajaynaysaan ama horumarin waxkastaba ha,ahaatee bulshada ama dad waynaha gobolka ?

Aamina:Sida aad ogtihiin maanta dadka soomaalidu maaha dad markoodii hore ka dhisan xaga xadaarada iyo asaaska bulshanimaba ha noqoto xaga ganacsiga ,wax wada qabsashada guud si,loo gaadho dan caam ah calaa iyo xaal maaha dad aytaasi asaas u tahay xataa hadii ay cilmi ahaan u gaaran way la,yihiin uma laha dhaqan ahaan waayo qofku waxaa dhici karta in uu shay wanaag ah samayntiis uu dhaqan ku garto kuna fahmo taasi ay keento in uu ku dhaqaaqo shaygaas samayntiisa walowba yuusan cilmi u lahaane takale oo maanta jirtaa waxaa weeyaan, dadka gobolkani maaha dad dhaqaale haysta waa dad xoola dhaqata ah, duruuf adagna maanta gebi ahaan burburka dalka umada lawadaaga mana jirto duruufta marka la,eego ceeb ay kuleeyihiin dhankaa waayo dadka ayaa duruuftaa adagi waxbadan iska hortaagaysaa markaa taa waa aragtida aan kaqabo, dadka maanta wadankii ku nool miyi haku noolaado amaba magaalaba, lakiin dadka iyagu kunool dibadaha ayagoo xataa kala ah dabaqado dhan kastaba ku kala duwanaadeene waxaad moodaa inaysan waxbadan dadka waxtar ama wacyi galin guudba aysan kaga dhex muuqan umada gobolka degan dhexdeeda markaa aragti ahaan way fiicnaan lahayd waxtar caaynkaasi in uu bulshadayda nooga yimaado, waanuna ka rajaynaynaa marwalba inay gartaan iskaashi ay ku gaadhaan horumarkooda dhankastaba iskaashigaasina waa ka maanta bulshooyin badani oo deriska ahi ay waxbadan oo dhibaata ah ku dhaafeen ama kaga badbaadeen meela badana ay ka anfacday.

cabdirashiid: maxaad codsanaysaan?

Aamina:Hospitaalku wuxuu u baahanyahay wax kasta oo horumarkiisa kor u qaadaya si uu umada u anfaco baahi dhan kastaba ah ayuu qabaa sida:

  • xaga horumarinta cilmiga
  • Xaga qalabka.
  • Xaga daawo helida.
  • Xaga dhismaha uu helo meel hanti ah.
Sikastaba hanoqotee, waanu u baahanahay waxtar dhan kastaba ah in aanu ka helo walaalahayo mar kastana ay gartaan baahida bulshadooda iyo iskaashiga umadooda.

cabdirashiid:Intaas ayaanu kusoo gabagabaynaynaa waraysigii aanu layee lanay maamulka guud ee hospitalka dumarka(HODO HOM MID WIFE ) ee magaalada las,nod Amina hasan kurtin oo aanu kula kulanay Nairobi 20/10/2002.


 


 
 

Kor u noqo ama Kulaabo Bogga Hore ee Laascaanood online/ Home
Copyright © 2002 by Laascaanood.com. 

All rights reserved.