Welcome to Laascaanood.com
 

2 AGoosto Taariikh Lama Iloowaan ah

Waraysi taariikhi ah oo aanu la yeelanay halgame : Aadan Cartan

 


Halgame Aadan cartan

 

Gobannimada iyo Qarannimada maantay loxodka taal oo indhowgaratadu aay raqdeeda ku qaloombiyayaan ,waxaa jooga qaar kamid ah dadkii Gobannimadaas usoo tiil iyo tacab beelay naftoodiina u hibeeyey.
Dagaalkii Siyaasiga ahaa oo gumaysiga looga soo horjeeday waxaa majaraha u hayey xisbiga SYL oo dhidibada loo aasay 15kii May 1943 .Xisbigaas baaqa halkudhegga u ahaa ayaa ugu waynaa ereyga hannoolaato oo micnaheedu ahaa waa in qofku naftiisa u huraa sidii uu aayatiin iyo nolol sharaf leh ugu abuuri lahaa jiilka ka dambeeya.

Maantay waxaa Laascaanood online u suurogashay in aay Waraysi la yeelato mid kamid ahaa dhalinyaradii Mujaahidiinta ahayd oo naftiisa u hibeeyey Qarannimada laguna xukumay Toogashada .Mujaahidkaan oo ku nool dalkaan Sweden Magaalada Malmö wuxuu si taxane ah nooga sheekaynayaa dagaalkii 2dii Agoosto 1952 ka dhacay magaalada Kismaayo ,dagaalkaas oo noqday mid gumaysiga u xaqiijiyey in iraadada iyo rabitaanka Shacbiga aan la horjoogsan karin cadaadis kasta oo lagu sameeyo .

wareeysigii Aadan cartan iyo laascaanood online Sidatan buu u dhacay:

Laascaanood:Aaadan ,waxaan ka warqabnaa in aad kamid tahay dhalinyaradii waxyeeladu kusoo gaartay halgankii qaranimada ,waxaana doonaynaa in aan wax kaa waydiino faahfaahina aad naga siiso dagaalkii 2dii agoosto 1952dii ka dhacay magaalada kismaayo ,Sideebaa dagaalkaasi ku bilowday ,maxaa sababay:

Aadan cartan :aad baad u mahadsan tihiin ,haddii aan sababta kuu dulmaro waxaa nasoo gaartay in uu kismaayo imaanayo oo kusoo fool-leeyahay Barasaabkii Cusbaa oo markaas Somaliya loo magacaabay ,waxaana xisbigii SYL goáamiyey in lasameeyo banaanbax lagu muujinayo waxa shacbiga reer Kismaayo aay doonayaan oo ah qaranimo iyo Gobannimo ,Magaalada kismaayo waxaay ahayd Magaalo Xisbiga SYL oo kali ahi uu muddo dheer ka furnaa ,markii dambe ayaa talyaanigu ka furay labo xisbi oo isaga dabadhilif u ah kuwaas oo loo yaqiin "Pro-italiano"waxaayna kala ahaayeen:
1-Xisbiga Progresista oo uu hoggaaminayey Muse Samatar
2-Xisbiga Afikaano oo uu Hogaaminayey Cabdiraxmaan dharbaaxo Wayne .
labadaas xisbi waxaa lasiiyey Ruqsad aay ninkaas Governatooraha ah kusoo dhaweeyn karaan annagiina waa naloo diiday .Waxaana Lixdii nin oo aanu soo diranay oo aan anigu kamid ahaa loo sheegay in wax muddaaharaad iyo banaanbax ah aan loo oggolayn Xisbiga SYL.
Laascaanood: maxaa dhacay markaas kaddib ,maxaa Ururkii SYL Sameeyey .
Adan cartan :Lixdayadii nin saddex kamid ah ayaa soo jeediyey in xaalka la dejiyo oo aan mudaaharaad aan la oggolayn lagu degdegin ,haasyeeshe shacbigii reer Kismaayo oo dhan wuxuu isugu yimid naadigii SYl waxaayna sugayeen amar in aay soo dhaqaaqaan ,waxaanu diyaarsanay tabeelayaal ,tabelle kasta waxaa loo xilsaaray 9 qof oo qofka sida afarna ka dambayso ,Afarna ka horreyso ,waxaan ku talogalnay haddii qofka sida tabellaha aay xabbadi ku dhacdo in kan ku xigaa uu tabellaha ka dhisado oo uu qaado sidaasna xaalku ku socdo.
Laascaanood :Maxaa ku qornaa tabellooyinka aad Sidateen :
Adan cartan :Tabelooyinka waxaa ku qornaa Soomaliya hanoolaato "Viva la Somalia"waxaa kale oo ku qornaa doonimayno xukunka talyaaniga ,waxaan rabnaa Gobannimo degdeg ah
Laascaanood: Aadan iga ralli ahaw waxaan kaa gooyey hadalkii aad wadaye bal noo sii faahfaahi sidii dagaalku u dhacay
Adan cartan: madaxdii SYL khudbooyin ayeey u akhriyeen dadweeynihii intii goobta muddaharaadka aan loo dhaqaaqin waxaana laga codsaday haweenka uurka leh ,dadka jirran iyo dadka waayeelka ah in aay guryahoodii ku noqdaan oo aanay ka qaybgalin muddaaharaadka maadaama dadku uu aad u farabadnaa ,hasayeeshe dadkii oo gobannimada u jidbaysnaa awgeed arintaasi ma hirgalin ,shacbigii Kismaayo degganaa oo midaysan oo horseedka SYL aay hogaaminayaan waxaay usoo dhaqaaqeen Goobtii banaanbaxa ,markii aanu maraynay via afmadow waxaa naga horyimid ciidan uu hogaaminayo Sarkaal talyaani ah oo la yiraahdo Morati wuxuuna nagu amray in aanu kala dareerno oo nin walba gurigiisii aado haddii anaan sidaas yeelina in nala ciqaabidoono.hadalkii ninkaas cidna dheg uma jalaqsiin shacbigiina iyagoo isku duuban oo safsaf u socda bayna siiwateen socodkoodii .Markii aanu joogsan waynay xabbado ayaa kor loo riday si uu argagax noogu dhaco oo aan u yaacno ,hasayeeshe cidina isma dhaqaajin .Nin Carab ah oo Askarta talyaaniga kamid ahaa oo la oran jiray Cawad Saalim ayaa tabellihii haweenku wateen kula dhegay iskuna dayey in uu ka faramaroojiyo oo ka qaado ninkaas carabka ah oo soomaalida uga darnaa gaalada ciilna loo qabay waa lagu soo qamaamay halkii ayaana lagu dhaawacay ,haweenkii ayaana isa siiraaciyey goobtii ayuuna ku dhintay .markaas kaddib hoggaamiyayaashii SYL waxaay ku qaylodhaamiyeen in askarta Soomaalida ah iyo cid Soomaali ah aan waxba la yeelin .Waxaa markii arintaasi dhacday durba loo yeeray oo goobtii yimid ciidamada degdegta u gurmada ee loo yaqiin "carabiniere Accelerato",markas waxaa bilaabmay dagaal fodda la isla galay waxaana halkaas ku dhaawacmay askar badan oo uu kamid ahaa sarkaalkii talyaaniga ee ciidamada hogaaminayey .Goobtaas annaga cidina noogama dhiman waxaa nooga dhaawac-
may dad aay kamid ahaayeen:
Diriye Warsame axmad "Fannag" oo labo wiil oo uu dhalay aay halka nala joogaan ,Maxamad yalaxoow Axmad "Caanoole" iyo nin kale oo la oran jiray Nuur oo aanu maqalay in uu isaga oo dhaawac ah baadiye u cararay kaddibna uu halkaas dhaawicii ugu dhintay .Ciidamadii talyaanigu markii aay arkeen in aanay u babacdhigikarin dadweeynaha qiiraysan ee reer Kismaayo ,khasaare dhimasho iyo dhaawac lehna uu soo gaaray waxaay Xamar uga yeerteen ciidamo gaashaan oo hub culus wata ,magaaladiina waxaa lagu soo rogay amar degdeg ah ,markaas kaddib fiidnimadii waxaa askartii bilaabeen in aay dadkii guryaha ugu galaan oo iyaga oo aan u aabayeelin rag iyo dumar midnaba soo uruuriyaan oo soo taxaabtaan dadweeynihii reer Kismaayo.Magaaladii Kismaayo dadkii degganaa waxaay u qaybsameen wax cararay oo magaalada ka baxay iyo wax xabbiska la dhigay oo askartu gaar ka hayso .

Laascaanood : Dadkii maxaabiista ahaa cidi ma ka dhimatay ...
Adan cartan: Haah ,xabbiska dhexdiidiisa waxaa lagu toogtay nin Somalidu aad u jeclayd kana mid ahaa horseedka Gobannimada waxaana magaciisa la oran jiray Injineer Maxamad Jaamac .ninkaas oo ku caan baxay geesinnimo waxaa markii xaafiiska la keenay uu diiday in uu iska dhigo calaamaddii SYL oo u xirnayd .markuu diiday in uu caalaamadda iska siibana waxaa dharbaaxay nin sarkaal ah isaguna dharbaaxo xoog leh oo jawaab ah buu ku dhuftay sarkaalkii isla markiina waxaa sarkaalkii amray in la dilo waxaana lagu furay baas oo laba ayuu u kala goáy ,waxaa kale oo la damcay in la toogto iyagana labadii nin oo kale oo lala soo xiray Inj. maxamad Jaamac hasayeeshe nin Soomaali ah oo askarta talyaaniga kamid ah baa buntikhii oo cabbaysan soo wareegsaday isagoo ku hanjabay in haddii labadaas nin la dilo uu baas marinayo cidda disha ,ninkaas meeshii baa lagu qabtay dib dambana looma arag ,waxaana loo malaynayaa in habaynimo inta lala baxay la khaarajiyey.

Laascaanood :adigu xilligaas xaggee ku sugnay
Adan cartan:Anigu waxaan kamid ahaa dhalinyarada talyaanigu magacyadooda loo geeyey oo uu raadinayey dhuumasho ayaana ku jiray ,waxaana dhacday in nin aanu isku fiicanahay oo la oran jiray Soleman Faarax "Soleman Gaal" uu xaaskiisa iigu soo dhiibay lacag isaga oo igula taliyey in aan dalka dibadda uga cararo hasayeeshe waxaan u sheegay in aanan meelna u socon oo diyaar u ahay haddii loo baahdo in aan naftayda huro .

Ugu dambaystii waxaan gacanta u galay gumaysigii talyaaniga aniga iyo dadkii ila xirnaaba waxaa lagu sameeyey jir dil "torture" hal toddobaad wax raashin ah nalama siin ,waxaa nala ku khasbay in aanu biyaha badda cabno ,waxaa dhaw qof oo aan ku jiro maadxa loo galinayey biyaha barkadda iyadoo la doonayey in aanu ama qirano in aan dilnay cararbkii goobta ku geeriyooady ama cidda dishay ama gacan ka gaysatay aanu sheegno

Laascaanood:Waxaa dagaalka agoosto ku caanbaxay oo taariikhiisa ku jirta in haween badan aay xabbiska ku umuleen kaddib markii iyaga oo sidkoodii dhammaaday aay dagaalka ak soo qaybgaleen ,sidee arintaasi u dhacday.

Adan cartan:Haweenka Xabbiska dhexdiisa ku dhalay waa badan yihiin waxaana kamid ahaa
1-Timiro Cukash oo gabar dhashay gabadhaas oo Agoosto loo baxshay ,waxaana nasiib darro ahayd in gabadhaasi aanay arag aabaheed Bombolo oo talyaanigu cirbad sun ah ku dhuftay oo uu dilay.
2-waxaa kale oo kamid ahayd haweenay la oran jiray aamintooy oo iyana gabar dhashay
3 -waxaa kale oo iyaduna xabbiska ku dhashay mahado Cali haweenay la oran jiray

Laascaanood:dadkii faraah badnaa oo aad sheegtay in lasoo xirxiray meeqa ugu dambaystii ayaa talyaanigu kala haray .

Adan cartan:Ugu Horreyn waxaa lala soo haray 105 qof oo la tuhunsanaa ,kaddibna waxaa la sameeyey wax la lagu magacaabay maxkamd oo uu xeer ilaaliye ka ahaa qareen talyaani ah oo la oran jiray carlo Barisco
dadka waxaa farta ku fiiqayey booliskii iyo nimankii pro-italyanka ahaa ,ninka aay tilmaamaana waa harayey kii kalana waa alsiidaynayey ,nin kamid ahaa ciidamadii xamar laga keenay oo la oran jiray maagciisa Ciise Caymooy ayaa gacnwayn ka gaystay sidii uu uga dhaadhicin lahaa booliiska iyo xiisaanlayda Soomaaliyeed in aanay ku marag furin dadka walaalahood ah oo aanay uga hiilin gaalaad gumaysatada ah .
Waxaa loo baahan yahay in aan halka ka xuso in aay jireen dad badan oo gacan nasiinayey intii aanu xirnayn waxaana kamid ahaa maxamad Nuur Cadde oo kamid ahaa dadkii damiinta dibadda ku joogay " Piede libero"
wuxuuna noo soo sheegi jiray marka xukunku dhacayo .
Dadka Waxaa lagu maxkamadaynayey meel banaan ah oo la ooday ,waxaana SYL Xamar kasoo dirtay Xaaji baraako si uu maxkamadda u dhegaysto ,waxaana dadka loo haystay dambiyada ugu waawayn aay ahaayeen sagaal rag ah iyo haweenay la oran jiray Fadumo Faahiye cawad waxaana maxkamad ku sheegta nala soo hor istaajiyey annaga oo jeebaysan .Maxkamadda waxaa lagu qaadayey fagaare dadweeynuhu aay daawanayeen waxaana meeshaas lgu wareejiyey qoryaha qandalka la yiraahdo askartuna teendhooyin bay ka taagteen meeshaas .

Aniga waxaa la igu xukumay dil ,sagaalkii qof oo kale oo aay kamid ahayd faadumo Faahiye Cawad waxaa lagu xukumay min 16 sano xarig. marka halkaa aay joogto waxaan rabaa in aan kuu sheego in arin la yaab leh aay maxkamadda meeshii lagu qaadayey aay ka dhacday markii dilka la igu xukumay waxaa mashaxaarday haweenkii ,qaarna waxaay bilaabeen in aay dahabkoodii igu soo daadiyaan .Aniga qudheydu waa faraxsanaa aniga oo isku arkayey in aan ahay ninkii ugu horreeyey oo gobannimada darteed loo daldalo ,waxaan kale oo maskaxdayda ku jirtay in meesha la igu toogto la iiga dhisidoono tallo la igu xasuusto .Islaan waayeel ah oo dhar iyo dahab dusha iga saarta oo aad u mashxaradaysay baa waxaa u yeeray gaalkii i dilka igu xukumay wuxuuna waydiiyey sababta aay u mashaxaradayso oo aay u murugoonwayday ,wuxuuna ku yiri ma taqaan wiilkaas dilka lagu xukumay ,waxaay tiri waan aqaan ,waxaa gaalkii ku yiri : "Haddaba ma col baad tihiin ninkaas aad dilkiisa ku faraxday "Waxaay hawenaydii ugu jawaabtay gaalkii in aan ahay nin aay aad iyo aad u jeclaahy ,waxaana kasii jeclaan lahaa in maantay wiilasha aan dhalayna dil lagu xukumo oo gobannimada aay u dhintaan intii kaneeco cuntay aay u dhiman lahaayeen gaalkii aad buu ula amakaagay haweenaydaas da´da ah fekerkeeda waddaninimo .

Laascaanood:Waxyaabihii xusuusta kugu reebay intii aad xabbiska ku jirtay maxaa kamid ahaa
Adan cartan:Waxaa jiray in markii nala xiray annaag iyo haweenka isku dhisme nala dejiyey ,haweenku dhismaha kore ayeey ku jireen aanaguna midka hoose waxaa xasuus mudan gabadh kamid ahayd ciidamada xabiska ee magaceeda la oran jiray Faadumo Cali Bidhe ayaa muujisay hawl geesinnimo oo waddaninimo ku dheehan tahay waxaay nooga soo qaadi jirtay eheladayada iyo xisbiga SYLba fartiimaha loo baahan yahay ,waxaay warqadaha kusoo xiri jirtay kubabkeeda ,marka aay qaybta haweenka usii socoto baa mid annaga naag mid ah intuu jaranjarada isku dhejiyo kasoo goosan jiray gabadhaas warqadahaas lugteeda ku xiran .markii dambe baa Faadumo Cali Bidhe laag shakiyey waxaana nasoo gaartay in la doonayo in la beddelo ,arintaas haddii aay dhacdana waxaa annaga iyo haweenka xiranba noogu sugnayd dhibaato culus waayo waxaa goílahaa xiriirkii aanu la lahayn eheladayada .markii aanu muddo raggayagii xirnaa arintaas ka doodaynay waxaan fakarnay arin aanu isku raacnay oo aanu aakhirkii ku guulaysanay ,waxaanu haweenkii niri waxaad qaadataan biyo wasakh ah iyo qashin oo ku daadsha Faadumo Cali Bidhe kana soona cayriya haddii aay inii timaaddo arintaas in la samaynayo waan ogaysiinay Faadumo.Hablihii Maxaabiista ahaa markii Faadumo u tagtay waxaay ku daadiyeen wasakh waxaayna ka jeexjeexeen dharkii banaanka ayeeyna usoo tuureen ,waxaayna sameeyeen mudaaharaad aay ku doonayaan in gabadhaas laga beddelo ,raggayagiina waxaanu ka codsanay taliyaha xabbiska in gabadhaas si degdeg ah looga beddelo haweenka ,arintaasi waxaay keentay in jawaabtu noqoto in aan Faadumo Cali Bidhe waligeed xabbiska laga beddelayn arintaas oo aanu si aad ah ugu faraxnay .

Laascaanood:Sidaan la socono waxaa la idiin soo gudbiyey markii dambe xabsiga Xamar ,bal arintaas wax yar noo dulmar .
Adan cartan:Markii xamar naloo qaadayey waxaa silsilado culus naloo ka xirxiray gacmaha iyo lugaha ,waxaa nala ku riday baabuur qafilan horayiyo gadaalba waxaa naga socday ciidamo gaashaaman ,labo maalmood ayaana xabsiga xamar naloo soo waday iyaad oo aan wax cunto ah nalasiin ,waxaana xabsiga dhexe oo Xamar nala keenay goor maqribnimo ah waxaana naloo diiday in aanu qubaysanno ,ama cidi nala hadasho,Nin Somali ah oo Saajin ah oo magaciisa la oran jiray Maxamad Xassan Hilowle "Carabduur" ayaa markii gaaladii tageen nagu yiri qubaysta wixii aay doonaan talyaanigu ha igu sameeyeene ,ninkaas arinkaas uu sameeyey waa lagu ganaaxay waana la beddelay ,waxaana subaxnimadii tobankayagii qof loo gudbiyey qolalkii ciqaabta oo loo yaqiin sheelada oo ahaa qolal sidii foornada rootiga lagu dubo u samaysnaa .
Laascaanood:Maadaama aay muddo dheer ka soo wareegtay maxasuusan kartaa magacyadii sagaalkii qof oo xabbiska dhexe oo xamar kugula xirnaa .

Adan cartan: walaal ,sidee baan u illoobaa magacyadii dadkii aanu isla soo jabnay ,islana soo silicnay magacyadoodana si fiican baan u xusuustaa waligayna illoobimaayo waxaayna kala ahaayeen:

1-Maxamad yalaxow Axmad"Caanoole"
2. Bulle Yaxye Abiibakar
3-Cabdi Maxamad "cabdi Goodir"
4-Saalax dheere
5-Khaliif Ismaciil Baajir
6-Maxamad Xassan
7.Abuukar Shiikh Cabdulqaadir
8-Nuur Maxamad Warfac
9- Faadumo Faahiye Cawad
Laascaanood:Waxaanu ka warqabnaa in idinka oo aan muddadii xabbiska dhammaysan la idinsii daayey arintaasi habkee bay ku dhacday

Adan cartan: Dawladdii Daakhiliyadda ahayd waxaa raiisulwasaare ka noqday Cabdullahi Ciise oo isla markaana sii hayey jagada wasiirka Caddaaldda,Cabdullahi Ciise oo awalba wax uga jiray ololihii ka socday Kismaayo iyo xamar oo la doonayey in nala kusii daayo .Cabdullahi Ciise iyo talyaanigu arintayada waa isku qabdhaafeen cabdullahi Ciisana wuxuu ku hanjabay in uu jagada iska casilayo haddii aan nalasiidayn isaga oo u sheegay in aanu nahay maxaabiis xagga siyaasadda ah .Intii aan nala siidayn toddoba bilood kahor waxaa lasiidaayey haweenaydii nala xirnayd Faadumo Faahiye Cawad .

Ugu Dambaystii cabdullahi Ciise Warqad buu u qoray dawladda talyaaniga ugu sheegayo in aaysan wadashaqayn dhexmari karin dawladda Daakhiliga ah oo isagu madaxda ka yahay iyo talyaaniga haddii aan nala siidayn.

Governatoorihii Soomaaliyaha xilligaas waa la beddelay mid Cusub baana la magacaabay labaduna waxaay joogeen dalka talyaaniga ,waxaana wakhtigaas dalka talyaaniga kusugnaa Wasiirkii ganacsiga ee dawladda Daakhiliga ahayd Mudane Xaaji Faarax Cali Cumar oo talyaanigii u dhiibay nuqul ka tirsan codsigii Cabdullahi ,waxaana arintaasi keentay in xilwareejintii labadaas nin arintayadii lagu soo qaado Governatoorihii la beddelayna uu saxiixo amarkii warqadihii nala kusii daynayey.
Waxaa bishaarada arinkaas nasoo gaarsiiyey Maxamad aaden Yusuf Muro oo imminka jooga dalka Beljo iyo Alla ha u naxariistee Xassan Bayle oo xabbiska noogu yimid .

Waxaa Markii nala siidaynayey Xabbiska noogu yimid maadx iyo xildhibaano farabadan oo aay hoggaaminayeen Mudane Cabdullahi Ciise Raiisulwasaarihii Dawladdii daakhiliga ahaa iyo Mudane aadan cabdulle Cusmaan

Lasoco Qaybtii Ugu Dambaysay dhawaan.