Welcome to Laascaanood online
 
Hadaan nahay bahda Laascaanood online Waxaan idiin balan qaadaynaa inaan idinka haqab tirno wixii warar ah ee ka dhacaya aduunka dacaladiisa !
 
 
LAASCAANOOD NEWS AROUND THE WORLD
 
Wararka Somalida Maanta
 
 
Posted to the web 15:05 GMT Sep 24, 2002

 

MAXAMED CABDI XAASHI OO AH KU XIGEENKA C/LLAAHI YUUSUF AYAA KORMEERAY GOOBO MUHIIM AH OO KA MID AH BOSASO .

Bosaso 24 september 2002:
Maxamed Cabdi Xaashi oo ku magacaaban madax weyne ku xigaha maamulka Cabdullaahi yusuf, ayaa subaxnimadii Isniinta ku kallahay in uu kormeer ku soo kala bixiyo goobo kala duwan oo ay ka mid tahay Dekedda Bosaso. .

waa markii ugu horreysay taariikhdiisa intii uu ku jirey maamulladii kala duwanaa ee p/land oo arrintaan oo kale uu sameeyo, dadku fasiraado kala duwan ayey ka bixiyeen kormeerkaa, qaar waxay yiraahdeen waxaa muuqata in hoggaankii p/land isbedel ka jiro oo wax ku soo kordheen, dad ayaa iyaguna qaba in ay tahay xaaladda labada Garab ee hadda maamulka cabdullaahi yusuf ka dillaacay ay isu muujinayaan, sidoo kale, waxaa isna Goobo kale kormeer kaas la mid ah ku soo maray Axmed Cabdi Xaabsade, oo ku magacaaban Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdullaahi yusuf, isla markaana sheegta in uu yahay guddoomiyaha Xaaladda deg degga ah, waana kormeer taxadi ku ah kan Maxamed cabdi Xaashi.


 
 

 



 

 
 
 
 

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 


 
 

Kor u noqo ama Kulaabo Bogga Hore ee Laascaanood online/ Home
Copyright © 2002 by Laascaanood.com. 

All rights reserved.