Welcome to Laascaanood online
 
Hadaan nahay bahda Laascaanood online Waxaan idiin balan qaadaynaa inaan idinka haqab tirno wixii warar ah ee ka dhacaya aduunka dacaladiisa !
 
 
LAASCAANOOD NEWS AROUND THE WORLD
 
Wararka Somalida Maanta
 
 
Posted to the web 15:05 GMT Sep 21, 2002

 

Xubno Ka Tirsan Maamulka Col. C/Llaahi Yusuf Oo Ku Sugan Magaalada Gaalkacyo.

September 21, 2002. Laascaanood online,Laascaanood, Somalia.

Xubno ka tirsan golaha wasiirada ee maamulka Col. C/llaahi Yuusuf ayaa shalay tegay magaalada Gaalkacyo si ay u eegaan xaaladda halkaa ka jirta.

Xubnahaa ayaa wararka sheegayaan in ay kulamo la yeeshaan madaxda goobaha ay tageen si ay uga dhaadhiciyaan in ay taageeraan maamulka Col. C/llaahi Yuusuf.

Xubnahaan ayaa horay u soo maray Garoowe iyagoo ka soo kicitimay markii hore Magaalada Boosaaso.

Dhinaca kale, wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Col. C/llaahi Yuusuf oo la yiraahdo Maxamed Cabdi Xaabsade ayaa kulamo la leh Isimada gobalada Waqooyi Barri sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso.

 


 
 

 



 

 
 
 
 

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 


 
 

Kor u noqo ama Kulaabo Bogga Hore ee Laascaanood online/ Home
Copyright © 2002 by Laascaanood.com. 

All rights reserved.