Welcome to Laascaanood online
 
Hadaan nahay bahda Laascaanood online Waxaan idiin balan qaadaynaa inaan idinka haqab tirno wixii warar ah ee ka dhacaya aduunka dacaladiisa !
 
 
LAASCAANOOD NEWS AROUND THE WORLD
 
News headlines
 
 
Posted to the web 13:05 GMT Nov, 21, 2002

 

Wararkii ugu danbeeyey ee maanta oo Khamiis ah(21/11) naga soo gaadhay magaalada Laascaanood.

November 21, 2002. Laascaanood online,Laascaanood,Somalia.

Waftigii ka socdey gobolada waqooyi galbeed oo isugu jirey Salaadiin,Guurti,Garaado iyo siyaasiyiinba oo mudo dhowr bilood ah ku sugnaa magaala madaxda gobolka Sool ee Laascaanood,ayaa galabnimadii Talaadadii(19/11)dib ugu noqday magaalada Hargeysa.

Warar uu maanta noo soo direy wariyaheena nooga soo warama goboladaas wariye Sheekh Aduun ayaa noo soo sheegay in waftigaasi markii ugu horeysey ee ay magaalada yimaadeen ay kulan ay la yeesheen Garaadada iyo cuqaasha gobolka Sool oo ay u sheegeen in ujeedada ay Laascaanood u yimaadeen ay tahay inay dhexdhexaadiyaan afar beelood oo xurgufi ka dhexeysey,iyo in ay sidii caadadu u ahayd dadka soomaaliyeed inay wada xaajood ku saabsan xaga nabad kuwada noolaanshaha la yeeshaan waxgaradka beesha Dhulbahante.Waxay dhamaan isimadii yimid magaalada iyo kuwii loo yimidba isku raaceen in wadaxaajoodkoodu uu ku ekaado arinta heshiisiinta beelahaas xurguftu ka dhaxayso,iyadoo weliba la gudoonsiiyey waraaq qoraal ah oo ay ku saxeexan yihiin dhamaan isimada gobolka Sool,qoraalkaas oo sheegayey in aan marnaba laga wada hadlin wax siyaasad ku saabsan.

Wuxuu kaloo weriyaheenu noo so sheegay in intii aanu weftigu ka ambabixin magaalada Laascaanood la qabtay xaflad,xafladaas oo ay ka soo qayb galeen weftigii ka socdey gobolada waqooyi galbeed,odayo ka kala socda beelihii la heshiisiinayey,iyo weliba qaar ka mid ah garaadada deegaankaas.Xafladaas oo lagu soo afjarayey xurgugtii ka dhaxeysey beelihii la heshiisiinayey,waxaana goobtaas ay beesha Fiqishini ku gudoonsiisey weftiga laba faras oo hadyad ah oo ay u sii dhiibeen Daahir Riyaale.

Waxaase lama filaan ku noqotay odayaashii iyo waxgaradkii soo dhoweeyey waftigaas waraysigii ay BBC-da laanteeda-afka-soomaaligu la yeelatay mid ka mid ah odayaashii martida ku ahaa magaalada Laascaanood mudada dhowrka bilood ahayd magaciisana la yidhaahdo Suldaan Muuse Jaamac Goodaad,waraysigaas oo uu ku sheegay inay ahaayeen wafti ay soo dirtay dawlada la magac baxday Somaliland,isla markaana ay dhaqaalaha ku baxayey intii ay meeshaas joogeen ay bixinaysey,iyagoo weliba qodi doona "biyo macaan".Mid ka mid ah ismida aadka looga tixgeliyo deegaankaas ayaa weriyaheena u sheegay in ayan haba yaraatee wax ku saabsan siyaasad aanay ka wada hadlin iyaga iyo weftiga u yimid,mana jiro baaq wadajir ah oo ay la saxeexdeen isimadaas u yimid,waxaana la isugu yeedhay shir deg deg ah dhamaan isimada Sool,shirkaas oo lagaga xajoonayo sidii laga yeeli lahaa ninkaas markii uu Laascaanood joogayna ahaa isin u yimid inuu wax dhexdhexaadiyo,markii uu Hargeysa tegeyna sheegtay inay ahaayeen niman uu soo dirsaday Riyaale.

Mar aan maanta khatka telfoonka kula xiriiray weriye madaxbaaan oo lagu magacaabo Faaiso Cabdi Dhalac oo ka mid ah wariyayaasha LaascaanoodRadio ayaa sheegtay in maanta(khamiis-21/11) mudahaar halkaasi laga abaabulaayo,mana jirto ayeey tiri awood somaliland keentay ama ay ku leeday degaankaasi.

Waxay kaloo Faaiso ay noo sheegtay in magaalda laascaanod xaaladeedu ay caadi tahay,waxaase xalay soo gaadhay magaalada Laascaanood gaadhi oo uu ku rakiban yahay sameecad weyn,gaadhigaas oo ka mid ah lix gaadhi oo loo kala diray lixda gobol ee ay sheegato xukuumada Riyaale inay maamulaan,gawaadhidaas oo ay la socdaan wariyayaal ka qayb qaadanaya ku baraarujinta dadka ee dhinaca diiwaangalinta doorashooyinka uu damacsan yahay inuu Riyaale ka sameeyo gobolada Sool,Sanaag iyo degmada Buuhoodle.Markii ugu horeysey ee uu gaadhigaasi isku dayey inuu dhex maro wadada laamiga ah ee magaalada dhexmara waxaa isla markiiba dhagax ku boobay dad aad u fara badan oo isugu jira dhamaan qaybaha kala duwan ee dadka magaalada ku dhaqan,wuxuuna gaadhigaasi si deg deg ah ugu baxay wada aada dhinaca magaalada Burco.

Hassan Dirie Jama,Laascaanood online

 
 

Kor u noqo ama Kulaabo Bogga Hore ee Laascaanood online/ Home
Copyright © 2002 by Laascaanood.com. 

All rights reserved.