Welcome to Laascaanood online
 
Hadaan nahay bahda Laascaanood online Waxaan idiin balan qaadaynaa inaan idinka haqab tirno wixii warar ah ee ka dhacaya aduunka dacaladiisa !
 
 
LAASCAANOOD NEWS AROUND THE WORLD
 
News headlines
 
 

Weftigii Maamulka islu Magcaabay Somaliland oo lagu xabadeeyey Adhicadeeye

November 25, 2002. Laascaanood online,Laascaanood,Somalia.

Wefti ka socda Golaha wasiirada Somaliland oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Goleyaasha Baarlamaanka oo habeenimadii khamiistii la soo dhaafay socdaal hawleed oo kedis ah ugu kicitimay magaalada Laas-caanood ee gobolka Sool, ayaa is hortaag ku yimid ka dib markii ay ciidan hubaysani rabshad kala horyimaadeen weftigaas Tuulada Adhi-Cadeeye oo 30km dhinaca waqooyi bari ka soo xigta Laas-caanood.

weftigaas oo ka koobnaa shan wasiir iyo wasiir ku xigeen, oo kala ahaa wasiirada dib u dejinta Md.Cabdilaahi Xuseen Iimaan Dirawal, Cadaalada Md.Axmed Aadan Libaax Casoowe, Xanaanada Xoolaha Md.Saleebaan Yuusuf Cali Koore, Macdanta iyo Biyaha Md.Maxamuud Cabdi Faarax, Gashaandhiga Md.Maxamed Cali, wasiir ku xigeenka Duulista iyo hawada Md.Daahir X.Maxamed iyo xubno ka tirsan Goleyaasha Guurtida iyo wakiilada Somaliland.

waxa la sheegay in socdaalkooda ay ugu sii gogol xaadhayeen safar rasmi ah oo la filayo inuu Madxweynaha Somaliland Md.Daahir Rayaale Kaahin uu dhawaan ku tegi doono magaalada Laas-caanood kaas oo ka dambeeyay ka dib markii ay wefti balaadhan oo isugu jiray salaadiin, guurti, wakiilo, siyaasiyiin, iyo aqoonyahano oo toddobaadkii hore ka soo laabtay socdaal ay muddo ka badan laba bilood ku joogeen gobolka Sool arrimo la xidhiidha turxaan bixinta nabad gelyada beesha gobolka Sool iyo isu soo dhawaynta iyo soo jiidida beesha Sool iyo maamulka Somaliland.

Weftigan ayaa markii ay marayeen meel u dhaxaysa Tuulada Adhi-cadeeye iyo magaalada Laas-caanood waxa dagaal iyo rabshad kala hor yimid ciidan hubaysan,ciidankaas oo la sheegay in uu ka dambeeyey taliyahii hore ee ciidamada Somaliland ee gobolka Sool, oo dhawaan loo bedeley in uu noqodo taliyaha ciidanka gobolka sanaag, taas oo la sheegay in uu diday,oo ka cararay, lana yiraahdo Xasan Geerash. Waxa ay waftigaas ku soo noqdeen tuulada oog oo ay hadda ku sugan yihiin iyadoo wararka qaar sheegayaan in gaadiid laga qaaday,inkasta oo taasi ay tahay arrin la hubo. waxaa weftigaas lagu riday tacshiirado rasaas ah oo muddo ku socday, iyada oo ujeedada ciidankaasi ahayd in aanu weftigu gelin magaalada Laas-caanood balse cid wax ku noqotay falkaasi ma jirto.

Wararka aanu ka helnay magaalada Laas-caanood waxa ay sheegeen in weftigu markii ay la kulmeen falalakaas is hortaaga ah inay u kala qayb sameen laba qaybood kuwaas oo qaar ka mid ahi ay dib ugu soo noqdeen magaalad Oog, halkaas oo ay ku sugnaayeen ilaa xalay cawaysii sida aanu wararka ku helnay, kuwaas oo kala ah wasiirada dib u Dejinta, Gaashaandhiga, iyo Macdanta iyo Biyaha.

Xubnaha kale ee weftigaas oo ka kooban wasiirada Xanaanada Xoolaha, cadaalada, wasiir ku xigeenka Duulinta iyo Hawada iyo xubno Baarlamaan ah kuwaas oo iyagu ahaa xubnihii u dhashay gobolka Sool, waxa la sheegay in ay iyagu si dhuumasho ah ku galeen magaalada Laas-caanood oo ay hadda ku sugan yihiin , iyaga oo markii rabshadu la kulantay ka wareegay dhinaca Degmada Xudun. Mar aan maanta la xidhiidhnay magaalada Laascaanood,oo aan wax ka weydiiney qaar ka mid ah waxgaradka magaalada bal waxa ay ka og yihiin wararka sheegaya inay rabshado sababay dhimasho iyo dhaawac ay ka dhaceen magaalada,waxay noo sheegeen inaan wax iska hor imaad ahi aanu ka dhicin magaalada,balse ay maqleen wefti ay soo dirsatay maamulka Somaliland oo lagu rasaaseeyey dhinaca tuulada Adhicadeeye,halkaasna aan cidi dhaawac ku soo gaadhin.


Warbixin ku saabsan go'aamo uu soo saarey M/ C/laahi Yusuf

November 25, 2002. Laascaanood online,Boosaaso,Somalia.

kadib markii cabdullaahi yusuf, ka soo laabtay shirkii Madasha Eldoret ee dib u heshiisiinta somalida, isagoo u sheegay war-baahinta qaarkeed in uu fasax ka soo qaatay muddo dhan 10 cisho, ayaa shir deg deg ah la yeeshay xubnaha Mamulkiisa, waxayna falan qeeyeen amuuro badan oo ay ka soo saareen go'aammo, waxayna kala ahaayeen qodobadasi kuwaan hoos ku qoran:

1. Ugu horreyntii wuxuu maamulkiisa warbixin ka siiyey arrinta shirka eldoret ee dib u heshiisiinta somalida, wuxuuna u sheegay in uu ka qabo rajo wanaagsan in ay halkaa ka soo bixi doonaan maamul soomaaliyeed, oo weliba laga yaabo in hoggaanka sare ee maamulkaas ay ku soo baxaan shakhsiyaad reer p/land ah, laaiin uusan magacaabin.

2. Waxaa kaloo laga hadlay is-haysiga maamulkiisa, waxaana la go'aamiyey in xeer ilaaliyaha maamulkiisa uu go'aan ka soo saaro arrintaa iyada ah, ciddii eeddeeda yeelatana lagu oogo.

3. Arrinta ku saabsan Maxaabiista oo isugu jira Rag maamulkiisa ka tirsanaa iyo kuwa kale, waxaa la go'aamiyey oo la isla oggolaaday in Maxkamad la soo taago oo ciddii denbi yeelata lagu qaado, ciddii kalena la sii daayo, iyadoo aan raggii laga xir xiray maamuliisa xil danbe loo dhiibayn, sida hadalka loo dhigay.

4. Arrimaha Sool iyo Sanaag, waxaa la isku afgartay in halkaa loo diro wafdi maamulka Cabdullaahi yusuf ah, isla markaana deg deg looga hortago in aan Sanadiiq doorasho soo gaarin Gobolladaas, waxaana la qorsheeyey sida ay u badan tahay in uu wafdi uu hoggaamindoono Mr. Axmed Maxamed Xaabsade Xaabsade oo ku magacaaban Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdullaahi yusuf in halkaa loo diro.

5. Arrinta lacagta Faalsada ah, waxaa la isku afgartay in la baadi doono inta maqan lana soo qabto, wixii hadda la hayana Bankiga Bosaso lagu shubo oo lala wareego, waxaa lagu sheegay lacagtaas 31 (soddon iyo kow ) bilyan, waxaase la sheegay in Ismaaciil Garaad waan waan kaga jiro in lacagtaa lagu soo shubo gacanta Maamulka Cabdullaahi yusuf sida ugu dhaqso badan, lana siiyo mushqaayad (commision).

6. Arrinta ku xaabsan Xaaladda deg degga ah, waxaa iyana la go'aamiyey in waqtigeedii dhammaaday oo mas'uulkasta hawshiisa qabsado.

7. Arrinta Dekedda Bosaso, waxaa la go'aamiyey cid aan shati ka wadan wasaaradda Ganacsiga in aanay waxna ka dhoofin karin waxna ka soo rogi karin.

8.Arrinta ku saabsan Garowe, waxaa la go'aamiyey in maamulkiisu dhaqso ugu guuro Garowe, oo ahaan jirtey magaalo madaxdii D/G/p/land oo muddo aan maamul fariisan, waa markii labaad oo maamulka C/laahi Yusuf go'aan ku gaaran in lagu noqfo Garoowe .

9.Arrinta Deegaanka Dhuudo, oo ay ku sugan yihiin Ciidan ka amar qaata maamulka Jaamac Cali Jaamac waxaa maamulka Korneylku go'aamiyey in dagaal lagu qaado goobtaas. Waxaana uu sheegay Cabdullaahi yusuf in dhaqso ku tegayo degmada Qardho, laakiin waxaa laga hor mariyey in si deg deg ah loogu yeeray Cabdullaahi Carays oo ah Taliyaha Daraawiishta Maamulka Cabdullaahi yusuf si uu warbixin ciidan uga keeno halkaas, isagoo Caawa shir gaar ah labada kornayl ay wada yeelanayaan.
dhammaan arrimahan kor ku xusan qaybtood ayaa laga yaabaa in aanay si deg deg ah natiijo looga gaarin.

Bal aan eegno Natiijada arrimaha qaarkood oo si aad ah fiiro gaar ah loo siinayo sida arrinta Dhuudo oo la qorsheeyey in la Weeraro Heshiiskii Xabbad joojinta Eldoret kadib.

Note: Yusuf Musse
Bosaso Puntland

Source:Puntlandstate

 
 

Kor u noqo ama Kulaabo Bogga Hore ee Laascaanood online/ Home
Copyright © 2002 by Laascaanood.com. 

All rights reserved.