Welcome to Laascaanood online
 
Hadaan nahay bahda Laascaanood online Waxaan idiin balan qaadaynaa inaan idinka haqab tirno wixii warar ah ee ka dhacaya aduunka dacaladiisa !
 
 
LAASCAANOOD NEWS AROUND THE WORLD
 
News headlines
 
 

WARARKII UGU DANBEEYEY EE XAALADA MAGAALADA LAASCAANOOD.


©  Laascaanood online

Laascaanood oo xasiloon maanta.

Laascaanood,Somalia,11 December 2002 —Xaalada magaalada Laascaanood ayaa hada xasiloon kadib markay magaaladaas ka dhaceen dagaalo ba,an,dagaaladaas oo bilowday kadib markii madaxweynaha Somaliland Daahir Riyaale Kaahin oo wata ciidan fara badan oo ku hubaysan gawaadhida gaashaaman uu guuro ku soo galay magaalada,dagaalkaas oo markii danbe sababay in Riyaale iyo ciidankiisiiba ka baxaan magaalada,waxaa hada magaalada gacanta ku haya ciidanka daraawiishta Puntland,kuwaas oo ay soo xoojiyeen ciidan fara badan oo uu watey Wasiirka arimaha gudaha ee PL Axmed Cabdi Xaabsade.

Daahir Riyaal markii uu ku nastay degmada Caynaba ayuu si uu isaga maydho dhibaatadii ka soo gaadhay Laascaanood,ayaa waxa uu isku qaaday dhanka magaalada Ceerigaabo.markii uu Ceerigaabo tegeyna kalama kulmin wax iska caabin ah dadka ku dhaqan deegaankaas oo badanaa ay isku ehel yihiin dadka ku dhaqan deegaanka Sool,balse wararka naga sooo gaadhaya magaalada Ceerigaabo ayaa sheegaya in ka hor intaanu soo gelin Riyaale magaalada Ceerigaabo laga sii hormariyey ciidan fara badan kuwaasoo wado walba oo magaalada marta ay tubnaayeen ciidanka daacada u ah Riyaale oo kala yimid Hargeysa,waxaana fasax la siiyey dhamaan ragii ka soo jeeday gobolada Sool iyo Sanaag ee ka tirsanaa ciidanka Somaliland ee ku sugan Ceerigaabo,kuwaasoo fasaxa loo siiyey arimo nabad gelyo awgeed.

Mar uu qudbad u jeedinayey dad isu soo baxay ee ku nool magaalada Ceerigaabo waxa uu Mr Riyaale ka jeediyey halkaas hadalo colaadeed oo ay ka mid ahaayeen"dadka reer Somlailand waa inay isu diyaariyaan dagaal","Nin maalin kasta xaafadiisa dab ku shida ayaa duulaan nagu soo qaaday. Awood muu lahayn hase yeeshee dadka ayaanu u tudhnay" iyo hadalo kale oo muujinayey saansaan colaadeed,kuwaasoo ay dad badan oo deegaanada gobolada Sool iyo Sanaag ay ku macneeyeen colaad la rabo in la dhex dhigo dadka walaalaha ah ee is dhalay ee 12-kii sano ee la soo dhaafay ku wada noolaa nabada iyo xasiloonida,mana cada ujeedada dhabta ah ee uu Riyaale ka leeyahay diyaarinta colaadan uu hurinayo,waxaana uu Riyaale amar ku bixiyey in dhamaan raga ka tirsan maamulkiisa ee ku sugan magaalada Laascaanood ay si deg deg u soo galaan Hargeysa.Daahir Riyaale ayaa hada ku sugan magaalada Burco,halkaas oo uu uga sii gubdi doono Hargeysa.

Waxaa durba laga dareemi karaa sida lagu yiqiin soomaalida in magaalooyinka Hargeysa iyo Burco la colaadinayo dadka asal ahaan ka soo jeeda gobolada Sool,Sanaag iyo Degmada Buuhoodle,oo waxay wararku sheegayaan in xabsiga la dhigay dad badan oo uu ka mid yahay nin ganacsade ah oo lagu magacaabo Goonyo Cali Shire Oo la dhashay Abaanduulaha ciidamada daraawiishta PuntlandL Cabdisamad Cali shire,markii danbesa waa la sii daayey ninkaas,waxaa kaloo ay wararku sheegayaan in dadka u dhashay deegaamada Sool iyo Sanaag oo horey u joogey gobolada waqooyi galbeed ay qaar badan oo ka mid ihi ay ka soo baxeen deegaamadaas iyagoo ka cabsi qaba colaada oo sii fida.

Dhanka kale waftigii uu hogaaminayey wasiirka arimaha gudaha ee dawlad goboleedka Puntland Axmed Cabdi Xaasbase ayaa weli ku sugan magaalada,ciidan fara badan oo la socday weftigaas ayaa saldhig ka samaystay garoonka diyaaradaha ee magaalada,halkaas oo ay hore saldhig ugu ahayd ciidamada taabacsan Riyaale.

Khilaafka siyaasadeed ee gobolada Sool,Sanaag iyo degmada Buuhoodle ayaa madaxdii Somaliland ee Riyaale ka horeysey wax badan ka ilaaliyeen deegaankaas isku dhac keeni karay dagaal. Dad badan oo ku dhaqan gobolada waqooyiga soomaaliya ayaa aaminsan in talaabada cusub ee uu qaaday Riyaale ay la xiriirto arin siyaasadeed oo la xiriirta doorashooyinka Somaliland oo siyaasi walba isku muujinayo inuu isagu yahay nin sugi kara nabad galyada gobolada goboladaas hanana kara gooni isku taaga Somaliland taas oo khatar gelin karta nabada deegaanadaas. wax garadkaas ayaa aaminsan in Riyaale oo isagu ka soo jeedo beelaha laga tirada badan yahay ee Awdal uusanba Daacad ka ahayn goo'ni isutaaga Somaliland oo uu ujeedada uu colaada u abuurayo ay tahay inuu kursiga sii xajisto,oo laga takhaluso doorashooyinka la damacsan yahay inay ka dhacaan Somaliland,taasoo keeni karta in Somaliland noqoto koox kale oo Somaliyeed sida kuwa Muqdisho oo kale.

Laascaanood,Somalia

WAFTIGA PUNTLAND KA JOOGA ELDORET OO KU HANJABEY INAY SHIRKA KA BAXAYAAN HADII AY BEESHA CAALAMKU KU GUUL DARAYSATO INAY JOOJISO WEERARADA AY CIIDAMADA SOMLILAND KU HAYAAN PUNTLAND.


©  Laascaanood online

Puntland oo ku hanjebaysa inay shirka ka baxayaan.

Laascaanood,Somalia,11 December 2002 —Wafdiga dawlad goboleedka Puntland uga qayb galaya shirka dib u heshiisiinta soomaalida ee ka socda magaalada Eldoret ee cariga Kenya ayaa ku hanjabay in ay ka bixi doonaan shirka Eldoret haddii beesha caalamka ku guul dareysato in ay joojiso weerarada ay ciidamada Somaliland ku hayaan Puntland.

Maxamed Cabdi Xaashi oo ah madaxweyne ku xigeenka maamulka Col. C/laahi Yuusuf iyo Axmed Cawad Xaashi Xasharo oo labaduba ka soo jeeda deegaamada Sool iyo Sanaag ayaa sheegay in ay ka baxayaan shirka haddii aan la joojin faragalinta ay ku heyso Somaliland deegaamada Puntland.

"Daahir Riyaale ayaa amray ciidamadiisa in ay Puntland ka soo weeraraan gobalka Sool" ayuu yiri Maxamed Cabdi Xaashi oo wariyayaasha kula hadlayey magaalada Eldoret.

"Halkii ay ka soo qeyb gali lahaayeen shirka dib u heshiisiinta ee haatan ka socdo Eldoret ayaa maamulka Somaliland uu doortay in uu soo wado colaad iyo daandaansi uu ku hayo Puntland"ayuu yiri Maxamed Cabdi Xaashi.

Axmed Cawad Xasharo ayaa isna ugu baaqay Somaliland in ay ciidankeeda kala baxdo gobalka Sool iyo Sanaag,hadii kale buu yidhi Xasharo wixii ka yimaada waxaa masuuliyadeeda qaadi doona Riyaale.

Somaliland ayaa iyana sheegtay in Puntland ku soo duushay magaalada Laascaanood.

Eldoret,Kenya


 


 
 

Kor u noqo ama Kulaabo Bogga Hore ee Laascaanood online/ Home
Copyright © 2002 by Laascaanood.com. 

All rights reserved.