Welcome to Laascaanood online
 
Hadaan nahay bahda Laascaanood online Waxaan idiin balan qaadaynaa inaan idinka haqab tirno wixii warar ah ee ka dhacaya aduunka dacaladiisa !
 
 
LAASCAANOOD NEWS AROUND THE WORLD
 
News headlines
 
 

Khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo ka dhacay magaalada Laascaanood,kadib imaanshihii Xaabsade.


©  Laascaanood online

Ilaa 5 qof ayaa ku dhintay shil baabuur oo ka dhacay Laascaanood.

Laascaanood,Somalia,09 December 2002 —Iyadoo dadka ku dhaqan magaalada Laascaanood ay ka soo kabanayeen khasaarihii uu keenay dagaalkii ka dhacay magaalada sabtigii,ayaa waxa maanta magaalada soo galay ciidan lixaad leh oo ku hubaysan gawaadhida gaashaaman oo uu hogaaminayo wasiirka arimaha gudaha ee dawlad goboledka Puntland Axmed Cabdi Xaabsade.

Wararka aan ka helay magaalada Laascaanood ayaa wax ay sheegayaan in ugu yaraan ay halkaas ku dhinteen 5 qof,dhowr iyo toban qofna waa ku dhaawacantay kadib markii gaadhi ka mid gawaadhidii ay ciidanka daraawiishtu wateen oo ahaa gawaadhida xamuulka,nooca loo yaqaan jeemiska oo uu qori weyn saarnaa,uu markii uu marayey goolada laamiga uu goostay bireygii(fariinkii),halkaasna uu cagta mariyey dhowr qof oo laamiga marayey,kadibna uu galay maqaaxi laga cabo shaaha oo ku taala laamiga dhiniciisa,dadkaas dhintay oo 3 ka mid ahi waxay ahaayeen ciidankii gaadhiga saarnaa,inta kalena waxay ahaayeen dadkii ku sugnaa dhismaha gaadhigu ku dhacay,waxaa dhaawacmay dad badan oo qaar ka mid loo qaaday dhinaca Boosaaso,badankoodiise la dhigay hosbitaalka Laascaanood.

Dhinaca kale Daahir Riyaale oo booqasho ku tegey shalay magaalada Ceerigaabo ayaan wax dhibaato ah kala kulmin magaaladaas,halkaas oo laga cabsi qabay inay ka dhacaan iska hor imaadkii ka dhacay magaalada Laascaanood oo kale,balse Riyaale kuma sii hakan Ceerigaabo,e arimo nabad gelyo awgeed,wuxuuna isla shalay u ambabaxay dhinaca magaalada Burco,halkaasoo uu uga sii gudbi doono Hargeysa.

Dhanka kale waxaa uu Riyaale ka dalbaday ciidan dhinaca magaalada Hargeysa,oo waxaa ciidan xoojin ahi uu isla maantaba soo gaadhay tuulada OOG,ciidankaasoo aan la garan karin inay ka cabsi qabaan in ay ciidamada Puntland ay ku soo fidaan dhinaca Burco iyo in ay u soo baxaan dhinaca magaalada Laascaanood si ay u aargoostaan.

Wararka naga soo gaadhaya dhinaca Boosaaso ayaa iyaguna sheegaya in madaxweynaha maamul goboleedka Puntland C/laahi Yuusuf Axmed uu ka baqday safar uu ku tegi lahaa Eldoret oo aan la garan karin sababta uu baaqday,balse loo badinayo colaada ka oogan gobolka Sool,wuxuu C/laahi Yuusuf maanta soo gaadhay magaalada Qardho halkaas oo uu kula kulmay saldhiga ciidamada daraawiishta ee Puntland saraakisha ciidanka,wararka qaarkood ayaa sheegaya inuu u soo jeedo dhinaca magaalad Laascaanood,halkaas oo ay ciidamadiisu uga xoog roonaaden kuwii Riyaale.

Waxaa Axmed Cabdi xaabsade iyo wafdiga uu hogaaminayay oo ka koobnaa wasiiro,wasiiro ku xigeeno,iyo qaar ka mid saraakiisha ciidamada dawlad goboleedka Puntland ayaa magaalada Laascaanood u tagay si ay halkaasi uga bilaabaan arimo nabadeed kadib markii maalintii sabtidii uu halkaas ka dhacay dagaal dad badani ku dhinteen,in kaloo badanina ku dhawacantay,dagaalkaasoo bilowday kadib markii madaxweynaha Somaliland Daahir Riyaale Kaahin uu booqasho lama filaan ah ku soo galay magaalada.Waftiga Xaabasade ayaa shalay ka soo boqoolay magaalada Boosaaso .

Laascaanood,Somalia


 


 
 

Kor u noqo ama Kulaabo Bogga Hore ee Laascaanood online/ Home
Copyright © 2002 by Laascaanood.com. 

All rights reserved.