Welcome to Laascaanood online
 
Hadaan nahay bahda Laascaanood online Waxaan idiin balan qaadaynaa inaan idinka haqab tirno wixii warar ah ee ka dhacaya aduunka dacaladiisa !
 
 
LAASCAANOOD NEWS AROUND THE WORLD
 
News headlines
 
 

Riyaale oo cararkii uu ka cararay Laascaanood kadib u kicitimaya Ceerigaabo,iyo Xaabsade oo maanta ku sii jeeda Laascaanood.


©  Laascaanood online

Riyaale oo cararkii uu ka cararay Laascaanood kadib u kicitimaya Ceerigaabo,iyo Xaabsade oo maanta ku sii jeeda Laascaanood.

Laascaanood,Somalia,09 December 2002 —Dagaalkii ba,anaa oo dad badani ku dhinteen ee maalintii Sabtidii ka qarxay magaalada Laascaanood kadib markii Riyaale uu si lama filaan ah magaalada ku soo galay ayaa ku beeray cabsi iyo wel wel dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaankaas.

Mar aanu maanta khadka taleefoonka kula xidhiidhnay magaalada si aan u baadhno xaqiiqda dhabta ah,waxay noo sheegeen in kadib markii uu Riyaale oo wata ciidan aad u fara badan oo ka badnaa 400 iyo gawaadhida gaashaaman oo ahaa ilaa 50 gaadhi uu subaxnimadii Jimcaha si lama filaan ah ku soo galay magaalada.Waxaa isla markiiba qabadsiiyey rasaas qaar ka mid ah ciidanka Daraawiishta ee Puntland oo ku sugnaa xarunta ciidanka booliiska ee magaalada Laascaanood,kadib waxaa Riyaale iyo ciidankiisii u gudbeen guryihii loo gogley oo ku yaaley badhtamaha magaalada,dhowr saacadood kadib waxaa waxaa weerar culus ku soo qaaday gurigii uu ku sugnaa Riyaale iyo ragiisu ciidnaka daraawiishta ee Puntland oo ku hubaysan gawaadhida gaashaaman,kadibna waxaa bilowday dagaal ba,an oo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa oo dhan.

Inkastoo uu Riyaale watey ciidan fara badan oo uu kala yimid Hargeysa iyo weliba gawaadhida gaashaman oo aad u fara badan,hadana waxay ciidamadiisii u babac dhigi kari waayeen ciidamada deegaanka kuwaasoo ay ka go,nayd inay naftooda u huraan sidii ay u difaaci lahaayeen dhulkooda.

Sida ay wararku nagu soo gaadhayaan waxaa ku dhintay dagaalkaas ugu yaraan ilaa 4 qof oo 3 yihiin ciidamada Puntland,midna yahay ciidankii Riyaale,dhaawacuna waa ilaa 8 ruux inta isbitaalka Laascaanood yaala,waxaa kaloo gacanta lagu dhigay mid ka mid ah ilaaladii khaaska ahaa ee Riyaale(kaasoo xidhan dharkii ilaalada madaxweynayaasha Somaliland) oo hada ay gacanta ku hayaan ciidanka daraawiishta ee Puntland,dhowaana loo qaadi doono xabsiga Garoowe, balse Riyaale iyo ciidnakiisii oo gawaadhida ku gurtay dhaawac fara badan,lama garan karo waxa ka dhintay iyo waxa ka nool toona.Si kastaba arintu ha ahaatee waxaa ugu danbeyn markii ay Riyaale iyo ragiisii u adkaysan waayeen deryanka rasaasta ay soo ridayaan ciidamada daraawiishta ee Puntland,ayaa waxa ay ka codsadeen qaar ka mid ah garaadada gobolku ciidanka puntland inay joojiyaan rasaasta si ninkan iyo ciidnakiisu uga baxaan magaalada iyaga oo bed qaba,Riyaalena waxa uu codsaday in hadii loo baneeyo wado uu ka baxo uu ka bixi doono magaalada,markaa waxa Riyaale iyo ciidankiisii ay mareen dhanka GEEDO QARSEY oo ah wadada u baxda Hawdka,maxaa yeelay waxaa laga xidhay wadadii dhinaca Burco u baxaysey,ugu danbeyntii waxay wadooyinka rafka ah ee hawdka jafaanba waxay guuro ku galeen Caynaba oo noqotay meesha ay isku aamini karaan,halkaas oo ay ku sugan yihiin,dhaawicii gawaadhida u saarnaana waxaa loo qaaday Burco .

Dhinaca kale waxaa shalay uu ka dhacay mudaharaad magaalooyinka Garoowe,Boosaaso iyo Gaalkacyo,mudaharaadkaas oo lagu taageerayo guusha ay gaadheen ciidamada daraawiishta ee Puntland lagana soo horjeedo fara gelinta ay Somaliland ku hayso deegaanka Sool,Sanaag iyo degmada Buuhoodle,dadka ku dhaqan magaalooyinkaas ayaa aad uga cadhaysan gardara cadaanka ah ee ay ku kaceen maamulka Riyaale,waxaana isna shalay soo galay magaalada Garoowe Axmed Cabdi Xaabsade oo wata ciidan fara badan oo wata gawaadhida gaashaaman,kuwaasoo la filayo inay maanta soo galaan magaalada Laascaanood,lamana garan karo meesha ay abaari doonaan.

Dhanka kale waxaa Riyaale oo ay weli dhegohiisa ka sii qaylinayaan dhibaatadii ka qabsatay Laascaanood uu isu qabanqaabinayaa safar uu ku tagi doono magaalada Ceerigaabo,magaaladaas oo iyadana la filayo inay ka dhici karaan iska hor imaad la mid ah kuwii ka dhacay Laascaanood.

Dhanka kale waxaa shalay la ururinayey dad fara badan oo lagaga tegey Laascaanood,kuwaasoo ay ka mid ahaayeen 10 weriye oo ka kala socdey idaacaha iyo taleefishinka Hargeysa,iyo weliba kuwo u warama idaacado caalami ah,weriyayaashaas ayaa inta la kaxeeyey waxaa loo geeyey madaxda Puntland oo ay ka mid yihiin rag ka tirsan labada gole ee Puntland,iyo madaxda ciidmada,waxaana loo dhiibay weriyayaashaas qoraalo loogu dhiibay odayaasha iyo waxgaradka reer Hargeysa,iyadoo loo sheegay inay joogi karaan magaalada inta ay doonaan.

Siyaasiyiinta reer Somaliland qaarkood ayaa waxay ku sifeeyeen safarka uu ku tegey Mr Riyaale gobolka Sool mid ay ka danbeeyeen dad lidi ku ah nabad gelyada dadka ku nool gobolada deriska ah,kuwaasoo ka soo bogsanayey dagaalkii qabiiliga ahaa ee umada soomaaliyed baday dhibaatada faraha badan,waxay siyaasiyiintaasi ku tilmaameen in la doonayey in Mr Riyaale halkaas lagu dilo si uu madaxtinimada ula wareego ninka ku haysta musharaxnimada madaxweynaha Somalilnad Mr Cabdi Aw-daahir oo ah nin u dhashay Hargeysa,meesha uu Riyaale ka soo jeedo gobolka Awdal,taasna waxaa cadayn u ah iyada oo gobolkaasi uu tagi kari waayey ala ha u naxariistee Maxamed Ibraahin Cigaal,markaa waxaa iska cadaa in halkaas iska hor imaad uu ka dhacayey hadii uu tago Riyaale.

Xaalada magaalada ayaa hada ku soo noqotay si caadi ah,waxaana dib loo furay meheradihii la xidhay,balse waxaa jirta cabsi laga qabo inay mar labaad dib u bilowdaan rabshadihii sababay dhimashada iyo dhaawaca.

Laascaanood,Somalia


Four die in attack on Somaliland leader .


©  Laascaanood online

Four die in attack on Somaliland leader .

HARGEISA, Somalia (Reuters) -- Four people were killed when Somali militiamen attacked a guest house sheltering the president of the breakaway enclave of Somaliland, who appeared to escape without injury, witnesses said on Sunday.

Militiamen loyal to the government of the rival territory of Puntland raided the entourage of the Somaliland leader on Saturday when he visited a town disputed by the two enclaves.

The Somaliland president, Dahir Riyale Kahin, had travelled to the town of Las Anod to visit local leaders, marking the first official visit by a Somaliland President to the town since Somaliland declared its independence in 1991.

Leaders of Puntland, which borders Somaliland in the north of Somalia, said they were opposed to Kahin's presence on what they consider their territory.

"We could not have fulfilled our operation if it did not have the support of our people," said the deputy interior minister of Puntland, Ahmed Aden, who was among the leaders of the attack. "We are fighting for the unity of Somalia," he told Reuters by telephone.

The identity of the casualties was unclear, although witnesses said one was a former governor of the town. Dahir and his entourage fled during the fighting, witnesses said.

Leaders from Puntland, as well as other factions and a shaky transitional government based in the Somali capital Mogadishu, are holding peace talks in Kenya aimed at ending a decade of anarchy in the country.

The United States fears the lack of strong central authority in Somalia, a lawless Horn of Africa state in the grip of rival warlords, could provide an ideal haven for militants.

Washington has set up sea patrols along with Britain, France and other countries to search for members of Osama bin Laden's al Qaeda network who they fear might try to flee there.

Source:CNN


MADAXWEYNE KU XIGEENKA PUNTLAND OO WARSAXAAFADEED DEG DEG AH ELDORET KA SOO SAARAY .

Eldoret,Kenya 8/12/2002 - Madaxweyne ku xigeenka dawlad goboleedka Puntland mudane Maxamed Cabdi Xaashi oo ku sugan magaalada Eldoret ee uu shirka dibu heshiisiintu ka socdo ayaa shalay war saxaafadeed uu soo saaray ugu baaqay ciidamada iyo wefdiga Somali land ee uu Daahir Riyaale hogaamanayey inay si deg deg ah uga baxaan gobolka Sool.

Maxamed Cabdi Xaashi war saxaafadeedkiisa wuxuu ku yidhi: “intii ay ka soo qayb qaadan lahaayeen shirka dibu heshiisiinta Soomaalida ee Eldoret ka socda, maamulka waqooyi galbeed waxay ka doorteen inay gobolka Sool ciidamo nabad gelyada liddi ku ah soo dhoobaan”. Wuxuu kaloo sheegay inay sabtidii maamulka waqooyi galbeed ciidamo hubaysan oo ay taageerayaan in ka badan sodon gawaadhida dagaalka ah oo uu Daahir Riyale gadh wadeen ka yahay si xoog ah ku soo galeen magaalada Laas caanood, taas oo uu sheegay inuu maxsuulkeedu noqday dhimasho iyo dhaawac dadka deegaankaas soo gaadhay.Isagoo sheegay inay magaalada Laascaanood markaa gashay xaalad deg deg ah .

Wuxuu kaloo qoraalkiisa ku caddeeyey inuu maamulkiisa Puntland ugu baaqayo hogaamiyayaasha waqooyi galbeed inay si deg deg ah ugala baxaan ciidamadooda iyo wufuudooda uu Riyaale hogaaminayo haddii kale ay qalaasaha halkaa ka dhaca ay masuuliyadeedu garbaha u fuuli doonto Mr. Kaahin iyo maamulkiisa. Ugu dambayntii wuxuu war saxaafadeedkiisa Maxamed Cabdi Xaashi ku sheegay inay dawladdiisa Puntland ugu baaqayso xubnaha bulshada caalamka inay si xeel dheer ula socdaan fara gelinta ay Somaliland soo cusboonaysiisay oo ay sameeyaan ficilo dhan ka ah talaabada aan macquulka ahayn ee maamulka Somaliland ka timid.

Waxaan soo koobnay oo Somaali u rogney ereyadii war saxaafadeedka ku qoraa .


 


 
 

Kor u noqo ama Kulaabo Bogga Hore ee Laascaanood online/ Home
Copyright © 2002 by Laascaanood.com. 

All rights reserved.