Welcome to Laascaanood online
 
Hadaan nahay bahda Laascaanood online Waxaan idiin balan qaadaynaa inaan idinka haqab tirno wixii warar ah ee ka dhacaya aduunka dacaladiisa !
 
 
LAASCAANOOD NEWS AROUND THE WORLD
 
News headlines
 
 

Dagaalo ba,an oo maanta ka dhacay Laascaanood,kadib markii Riyaale soo galay magaalada.


©  Laascaanood online

Ugu yaraan 4 qof ayaa ku dhintay,dad badanina waa ku dhaawacmeen dagaal maanta ka dhacay Laascaanood.

Laascaanood,Somalia,07 December 2002 —Dagaalo ba,an oo dad badani ku dhinteen ayaa maanta ka qarxay magaalada Laascaanood,dagaalkaasoo bilowday kadib markii wafti uu hogaaminayo madaxweynaha Somaliland Riyaale uu safar beryahanba la hadal hayey inuu ku yimaado magaalada uu saaka waaberigii ku soo galay magaalada si lama filaan ah.

Kadib markii la ogaaday in Riyaale ku sugan yahay magaalada isagoo wata ciidan fara badan oo uu horkacayo Daa,uud Yaasiin Maxamuud(Dawaca jiqil) oo ah gudoomiyaha uu Riyaale u soo magacaabay magaalada Laascaanood,iyo Ina Caydiid Dhabdhable oo isagana loo magacaabay taliyaha ciidamada ee gobolka Sool ayaa waxaa isla markiiba weerar ba,an ku qaaday ciidamada darawiishta gurigii uu ku soo degey Riyaale,iyo dhamaan goobihii ay ku sugnaayeen raga Hargeysa laga soo diray,ciidamada daraawiishta Puntland oo uu hogaaminayo Axmed Aadan Carab ayaa ahaa kuwo aad u hubaysnaa,waxaa dadka magaalada dhegohoodu maqleen daryanka rasaasta oo khal khal gelisay shacabka magaalada,taasoo abuurtay in dad badani ka yaacaan magaalada iyadoo loo baxay dhinaca tuulooyinka ku dhow magaalada.

Sida ay wararku nagu soo gaadhayaan waxaa ku dhintay dagaalkaas ugu yaraan ilaa 4 qof oo uu ka mid yahay gudoomiyihii Puntland u fadhiyey magaalada ala ha u naxariistee Rooble Cabdulle Sarweyne,dad badanina waa ku dhaawacmeen.

Kadib markii laga xoog roonaaday ciidamadii uu watay Riyaale ayaa waxay si deg deg ah oo hal haleel ah ay uga baxeen magaalada,iyagoo ku dhacay wadadii ay ka yimaadeen ee Hargeysa,ciidamada daraawiishta ayaa weli ku sii daba jira intii ka hadhay ciidamadaas magaalada soo weeraray,waxaa wararkii ugu danbeeyeyna ay sheegayaan in Riyaale uu cararkii ku tegey Hargeysa isagoo sita dhaawac fara badan.

Mar ay BBC-du waraysi la yeelatay Wasiirka arimaha gudaha ee Puntland mudane Axmed Cabdi Xaabsade oo wax laga weydiiyey waxa uu ka og yahay dagaaladaas magaalada ka dhacay waxa uu Xaabsade ku jawaabay in ay magaalada weerar ku soo qaadeen ciidamo Somaliland ah oo uu watay Riyaale,waxaa markii aan ka war helay imaanshaha Riyaale aan amar deg deg ah ku siinay ciidamada deegaanka ee Puntland inay ka safeeyaan magaalada dadkaas ku soo duulay,ciidamadiina waajibkoodii waa ay guteen,waxaana u sheegayaa buu yidhi xaabsade nimankaas reer Somaliland ee soo weeraray magaalada in dhulku qaybsan yahay oo loo bahan yahay in nin walbaaba ku sugnaado deegaankiisa,oo aan lagu soo xad gudbin dhulka Puntland.

Imaanshaha waftigan oo beryahanba laga hadal hayey magaalada Laascaanood ayaa waxay ku soo beegantay iyada oo xiisad siyaasadeed ay ka aloosan tahay deegaamada Sool,Sanaag iyo Buuhoodle,iyadoo ay halkaas uga soo horeeyeen waftiyo badan oo ka tirsan maamulka Somaliland,waftiyadaas kala duwan oo u ololaynaya doorashooyinka ay dawlada la magac baxday Somaliland ka qaban qaabinayso deegaankaas,balse sida aan wararka ku helayno waxaa gebi ahaanba hada magaalada gacanta ku haya ciidamada daraawiishta ee Puntland,waxayna la wareegeen dhamaan dhismayaashii dawlada ee magaalada Laascaanood.

Dhinaca kalle, isimada,odayaasha,iyo waxgaradka degaanka ayaa ku hawlan sidii xaalada magaalada loo dejin lahaa,maadaama ay carareen nimankii ku soo duulay magaalada,loona aasi lahaa dadka dhintay,inta dhaawaca ahna loo dabiibi lahaa

Wararka oo faahfaahsan,insha,alaah dib baan idiinka soo shegi doonaa.Inaa lilaahi waa inaa ileyhi raajicuun,ilaahay ha u naxariisto dadkaas lagu laayey gardara cad,janadiisi fardowsana haka waraabiyo.AAMIIN!!!AAMIIN

Laascaanood,Somalia


 


 
 

Kor u noqo ama Kulaabo Bogga Hore ee Laascaanood online/ Home
Copyright © 2002 by Laascaanood.com. 

All rights reserved.