Laascaanood online

  Home |  Somalia map | Forum | | Suugaanta | Tacsida

Latest somali news


 


Dharkayn Geenyo oo ay ku sii qulqulayaan duqay iyo Isimaba si loo soo gabagabeeyo dhibaatooyin xalkooda horey loo gaadhey.

.

Laascaanood,27-July 2004-

Waxaa magaalada Dharkayngeenyo ku qulqulaya dad badan oo isgu jira maamulka Puntland, Maamulka Soomaalida Itoobiya iyo isimo ka kala socoda Sool iyo Cayn, kawaasi oo lagu casumey inay markaati ka ahaadaan  gunaanadka dhacdooyin dhiig ku daatay oo bishii may dabayaaqadeedii lagu soo afjaray isla halkaasi.

 

Saaka ayaa waxa magaalad Laascaanood ka amaba Baxay isimo iyo odayaal iyo weliba masuuliyiin uu horkacayey Gudoomiye ku xigeenka gobolka Sool Sulub Cali Gaas, waxana weli sii socda gaadiidka ku sii jeeda magaalada Dharkayn Geenyo oo ku taala xadka Soomaalida iyo Itoobiya dhica galbeedna kaga aadan magaalada Laascaanood todobaataneeyo kilo mitir.

 

Wefti ka socda degmada Bookh ee kililka Shanaad ayaa isna la sheegay inuu soo gaadhey  halkaasi iyagoo qayb ka mid ah magaaladaasi ay hoos tagto degmada  Bookh horeyna u balan qaaday inay talaabo ka qaadi doonaan cida fulin weyda heshiiska xukunkii horey loogu ridey laba beelood oo colaadi ay dad badan naafaysay iyo duunyaba ku dhex martay tuulada Dabataag oo aan waxba ka durugsanayn halka haatan kulanka loo daleeyey.

 

Labada beelood ee wada degan degaankaasi ayaa si aad ah ugu dadaaley ina ay fuliyaan heshiiskii horey halkaasi loogu gaadhey iyadoo haatan magaalooyinka dhamaan si caadi ah loo wadayaal.

 

 

Xoolo tiro badan ayaa xukunka labada dhinacba ku jira taasina waxaa la filayaa inay soo afjaritaanka hashani ay qaadato waqti maalmo ku siman Xigasho:Radiolaascaanood.com

Kor u noqo