Laascaanood online

  Home |  Somalia map | Forum | | Suugaanta | Tacsida

Latest somali news


 


War deg deg ah:Gudiga khilaafaadka oo maanta qaybiyey xubnihii beesha Daaroodka uga mid noqon lahaa baarlamaanka dawlada Soomaaliya.

.

Wasiirka arimaha dibada ee Kenya,MR Kolonzo.

Nairobi:-Wararka aan ka helay magaalada Nairobi ayaa sheegaya in Gudiga xalinta khilaafaadka kulan ay yeesheen maanta ay qaybiyeen xubnihii baarlamaanka beesha Daarood,kuwaas oo gebi ahaanba ka koobnaa 61-xubnood,ayaa waxa maanta qaybiyey gudigaas,oo ay ka mid yihiin 5-xubnood oo Daarood ah,iyo 20-xubnood oo soomaalida kale ah.

Wararkan oo aan ka helay ilo lagu kalsoon yahay oo ku sugan madasha shirka,ayaa noo xaqiijiyey in xubnahaas maanta qaybintooda hoosta laga xariiqay,iyadoo loo gudbiyey IGAD IYO Dawladaha safka hore ee shirka maamulaya.Qaybintsaas ayaan weli si rasmi ah loogu dhawaaqin,balse qaybtii waxay u dhacaday sidan hoos ku taxan:

1-Harti =27
2-Mareexaan =14
3-Absame =12
4-Leelkase =5
5-Awrtable =3

Gudiga khilaafaadka ayaa waxaa la filayaa ilaa berito inay si rasmi ugu dhawaaqaan qaybtaas beesha Daarood,ka soo gaadhay 275ka-xubnood ee baarlamaanka Soomaaliya ka koobnaan doono.
Markii qaybintaas sida ay u dhacaday suuqa soo gashay,ayaa waxaa magaalada Nairobi,iyo maadasha shirkaba laga dareemayey dhaqdhaqaaq iyo shirar gooni gooni ah oo ay beeluhu si gaar ah u yeelanayeen,iyadoo beelaha qaarkood ay ka muuqatay cadho laga garan karo wejiyadooda.Waxaa la filayaa in dhowaan si rasmio ah loogu dhawaaqo qaybintaas.
Cawil Cabdi
Laascaanood online,Nairobi,Kenya

Kor u noqo