Laascaanood online

  Home |  Somalia map | Forum | | Suugaanta | Tacsida

Latest somali news

Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadoow)Oo Xabsiga Hargaysa loo taxaabay .

Baashe Cali Jaamac oo ku xidhan magaalada Hargeysa.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Maxamed Cabdi Xaashi oo ku eedeeyey mar in Jabuuti ay colaad ka dhex hurinayso dadka walaalaha ah ee reer Puntland iyo Somaliland.


 


Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadoow)Oo Xabsiga Hargaysa loo taxaabay .

Hargeysa 27 Jan 2004-Wararka naga soo gaadhaya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in xalayto xabsiga loo taxaabay Boqor Cismaan Aw maxamuud (Buurmadow),oo ka mid ah oday dhaqameedada beesha Habar Jeclo. Boqor Buurmadoow ayaa ka mid ah odayaasha fara ku tiriska ah ee ka shaqeeya nabada,kaasoo maalmahan ka waday sidii uu u baajin lahaa dagaal dhexmara kooxaha iska soo hor´jeeda ee ku hardamaya gobolka Sool.Boqorka ayaa ka mid ahaa odayaal dhaqameedyo ku guulaystay soo afjaridii colaadii u dhaxaysay kooxihii ku hardamyey awooda Puntland ee ay kala hogaaminayeen C/llaahi Yuusuf iyo Cade muuse Boqor .

Mr Buurmadow ayaa maalmahan ku sugnaa magaalada Yagoori,isagoo halkaas kula shiray odayaasha iyo culimaa,udiinka degmada Yagoori,iyagoo kawada xaajooday sidii loo baajin lahaa colaad laga dhex huriyo dadka walaalaha aha ee wada dega gobolada Sool iyo Togdheer.

Dhanka kale waraysi uu siiyey wariyayaasha ku sugan magaalada Hargeysa ayuu wuxuu eedayn u soo jeediyey boqor Buurmadoow maamulka Riyaale,isagoo ku eedeeyey inay diidan yihiin nabada,isla markaana ku dadaalayaan sidii ay colaad u hurin lahaayeen.

Mr Buurmadoow waxa uu warbixintiisa ku sheegay in uu hayo heshiis ay wada gaadheen Riyaale iyo Ismaaciil Cumar Geele,heshiiskaas oo dhigayey in la hakiyo waxyaalaha ka soo degaya dekeda Berbera,iyadoo xoolaha iyo waxyaabaha kale ee laga dhoofiyo Somaliland la geeyo dekeda Jabuuti,iyo in ay gobolada Sool iyo Sanaag ka go,aan Somaliland inta aanu dhamaan shirka Nairobi.

Laacaanood online,Hargeysa.

Kor u noqo


Baashe Cali Jaamac oo ku xidhan magaalada Hargeysa.

Hargeysa,Somalia,27 Jan 2004– Mr. Baashe Cali Jaamac, ka mid ah siyaasiyiinta gobolka Sool ayaa la dhigay xabsi ku yaala magaalada Hargeysa,isagoo la qabtay kadib markii uu ka soo degey madaarka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa isaga oo ku sii jeeda dhinaca magaalada Laascaanood,kana yimid dalka Imaaraadka carabta.

Mr Baashe oo mar ka noqday wasiir Somaliland,marna isu sharaxay madaxweynaha Puntland,kana mid ahaa ragii ay xulafada ahaayeen Jaamac Cali Jaamac,ayaa la qabtay maalintii khamiistii aan soo dhaafnay,isagoo aan ilaa hadana ka bixi karin magaalada Hargeysa.

“Markii muddo laba saacadood ah, la igu hayay ayaan askartii meesha I keentay waxa aan su’aalay Dembiga la igu haysto, hase yeeshee, askartii waxay iigu jawaabeen madaxdii naga sarraysay ayaa imanaysa ee sug,” ayuu yidhi Baashe Cali Jaamac isaga oo ay ka muuqato cadho fara badan.

markaan halkaa ku xidhnaa mudo ayaa nin sheeganaya in uu yahay madaxa ciidamadaas i qabtay i igu yidhi "sow ma tihid Wasiir Puntland ah, yaadse isu soo sheegtay imaatinkaaga Hargeysa?".Intii aanan u jawaabin ayaa qaar ka mid dad meesha tubnaa u sheegeen in aanan xil ka haynin Puntland,balse aan u socday reerkaygii oo ku sugan Laascaanood.
Mr Baashe ayaa weydiiyey ninkaas sababta lagu soo xidhay,wuxuuna ku jawaabay ninkaasi “Waxa madaxda iga sarreysa igu amartay in lagu soo xidho, waadna xidhan tahay, ilaa iyagu ay kuu imanayaan, maarkaas ayaa Askartii waxa ay igu bilowday baadhis jidhkaygii iyo alaabtaydiiba, kadibna ii taxaabeen Qolka Xabsiga ee Saldhigga” ayuu yidhi Mr. Baashe, waxana uu intaas raaciyey; “Hase yeeshee muddo markii aan xidhnaa ayaa qolkii la iga soo saaray, waxaana la igeeyay xafiiska taliyaha oo ay fadhiyeen Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mr. Ismaaciil Yare, Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland iyo rag kale oo odayaal dhinacayga ka socda.
Mr Baashe ayaa hada ku sugan xaalad qalafsan,isaga oo aan ikhtiyaar u lahayn in uu u baxo meeshii uu u socday,isaga oo ilaa iyo hada sida wararku nagu soo gaadhayaan ku sugan xabsiga booliiskiisa ee magaalada Hargeysa.
Laascaanood Online, Hargeysa.

Kor u noqo


Madaxweyne ku xigeenka Puntland Maxamed Cabdi Xaashi oo ku eedeeyey mar labaad in Jabuuti ay colaad ka hurinayso dadka walaalaha ah ee reer Puntland iyo Somaliland.

Garoowe,Puntland,25 Jan-Madaxweyne ku xigeenka Puntland Maxamed Cabdi Xaashi ayaa shalay shir jaraa,id oo uu ku qabtay magaalo madaxda maamul goboleedka Puntland ee Garoowe eedayn ugu soo jeediyey dawlada Jabuuti in ay ku dadaalayaan in ay colaad ka dhex huriyaan dadka walaalaha ah ee reer Puntland iyo Somaliland,iyagoo leh dano gaar ah.

Dhanka kale Mr Xaashi waxa uu sheegay in ay jiraan dad ka shaqaynaya bur burka Puntland,isaga oo tilmaamay in jiraan qaybo kala duwan oo meelo badan jooga oo ku midaysan bur burinta Puntland.

Xaashi ayaa ku booriyey in ay dadka reer Puntland ay u diyaar garoobaan difaaca dhulkooda,iyo iyagoo mar walba ilaalinaya nabada iyo deris wanaaga ay la leeyihiin beelaha kale ee soomaaliyeed.

. Laascaanood online,Garoowe

Kor u noqo