Make your own free website on Tripod.com
Welcome to Laascaanood online
 
Figradaha
 
 
The opinions contained in this article are solely those of the writer, and in no way, form or shape represent the editorial opinions of "Laascaanood Online"
BAAQ RASMI AH OO EEY SOO SAAREEN GUURTIDDA BEESHA BAH-RIIGHAYE.


BAAQ RASMI AH OO EEY SOO SAAREEN GUURTIDDA BEESHA BAH-RIIGHAYE. .



Beesha bahriighaye oo ka mid ah beel weynta naaleeye axmed,oo degta
goboladda Sanaaga iyo sool,kulan eey yeesheen 18/04/2004,iyagoo kala jooga dalka
gudihiisa, degmadda ceerigaabo,usa,uk,uae,china,iyo dalka sacuudiga,khadka teleefoonka si
toos ahna ugu xiriiraayey,kulankaas oo ku saabsanaa ka wada tashiga arrinta
dhisida ama boqridda garaad beesha naaleeye axmed,kulankaas oo eey ka soo qeyb-galeen, Cuqaasha,odayaasha,culimaau,diinka,iyo aqoonyahanka beesha bahriighaye,doodo kulul oo muddo 6-saacaadood ah qaatay,kadib waxaa si wada jir ah loo go,aansaday siddan:-
1-In aan marna laga qeyb-gelin,lana taageerin wixii danaha iyo midnimada
beesha
Naaleeye Axmed wax yeelaaya.
2-Waxaanu ka soo hor-jeednaa keenida,ama boqrida garaad aan ku imaan talo
Mideeysan ee beesha naaleeye acmed.
3-Waxaanu go,aansanay in aanu si buuxda u taageerno shirka beesha naaleeye
axmed
ee loo balansan-yahay in uu ka dhaco xudun bilaha soo socdda.
4-Waxaanu soo jeedineeynaa in arrimaha ceerigaabo hadda ka taagan wada
hadal,tolnimo
iyo danaha qoyska sidda eey ku jirto lagu dhameeyo,iyadoo aan la bedeli
karin mudada iyo
goobto hore loogu balamay.
5-Dowladda s/alnd,mucaaradka heer qaran iyo heer gobolba waa in eey faraha
kala baxaan Arrimaha xasaasiga ah ee beesha u gaarka ah,si aaney u dhicin waxyeelo ku
timaada Midnimadda iyo nabadgelyadda gobolka sanaag.
6-Waxaa arrin la yaab leh nagu noqotay iskaashiga aan caadiga aheyn ee dhex
maray
Xukuumadda Somaliland iyo wadaadada akhwaanka oo ku saleeysan burburinta
midnimada iyo nabadgelyadda beesha naaleeye axmed.
7-Waxaanu ku buurineeynaa dhammaan beelaha kalle in eey adkeeyaan balantii hore loo gaadhay,go,aankayagana taageeraan.
Baaqan waxaa soo saaray dad aad u badan oo meelo ka duwan ku nool oo ah cuqaal,odayaal,
Baaqan oo ah mid ku saleeysan midnimadda,talo wadaaga,iyo illaalinta danaha
beesha Bahriighaye gaar ahaan iyo naaleeye axmed guud ahaanba,ma diidana sameeynta
ama caleema saaridda garaad beesha naaleeye axmed yeelato,ee waa in si wada jir
ah,wada tashi leh,loo dhan yahay,si fiican looga baaraan dego garaadka lagu
xushaa,loguna Caleema saara,si uu u noqdo garaad kalsoonidda beesha oo dhan heeysta.
Culimaau-diinta iyo aqoonyahananada beesha Bah-riighaye ee saxiixay waxa ka mid ah:-
1-Caaqil,Axmed xasan max,d shibiin(Axmed-kheeyr) -Ceerigaabo.
2-Nuur adan garaase,
3-Eng,Maxamuud shire jaamaca garaase.
4-Yuusuf faarax taaqle.
5-Aqoonyahan,Cabdi xuseen mataan.
6-Aqoonyahan,Maxamuud saalax nuur(fagare).
7-Ibrahim xuseen mataan.
8-Maxamed xaaji faarax(faras cade).
9-Eng,Axmed siciid mataan.
10-Cap,Mxamaed maxamuud galeeyr.
11-Ganaraal,Maxamed maxamuud jaamac(boodhle), Usa.
12-Eng,Cabdalla muuse siciid.
13-Dr-dacar xasan goodcade.
14-C/laahi muuse xirsi(mask).
15-Maxamed aden garaase(qeylaweyne).
16-Maxamed faarax abukar.
17-Eng,Cusmaan maxamuud siciid.
18-Dr-ibrahim maxamed siciid shibiin.
ALLA MAHAD LEH.


Qoraalkan waxa na soo gaadhsiiyey: =DR-IBRAHIM MAXAMED SICIID SHIBIIN=


Powered by www.laascaanood
.com

 

Kor u noqo ama Kulaabo Bogga Hore ee Laascaanood online/ Home
Copyright © 2002 by Laascaanood.com. 

All rights reserved.