Make your own free website on Tripod.com
Welcome to Laascaanood online
 
Hadaan nahay bahda Laascaanood online Waxaan idiin balan qaadaynaa inaan idinka haqab tirno wixii warar ah ee ka dhacaya aduunka dacaladiisa !
 
 
LAASCAANOOD NEWS AROUND THE WORLD
 
Wararka Somalida Maanta
 
 

CIIDAMADA DARAAWIISHTA MAMAULKA PUNTLAND OO GAARAY TUULOOYINKA XINGALOOL IYO FIQIFULIYE .

Bosaaso,25 Feb 2003 War uu mar dhow na soo gaarsiiyey masuul sare oo ka tirasan maamulka puntland oo ku sugan magaalada boosaaso ayaa sheegaya in ciidamadoodu ay gareen degaankaaasi Xingalool si ay hawl gal ugu sameyeen. ciidanka Puntland ayaa warkaasi sheegayaa inay hubinayaan inaysan xuduudooda ku soo xadgudbin ciidan deegaankaas la sheegay in soomaaliland ay soo dhoobtay iyo waliba ciidamo mucaaradka Puntland oo goobahaas ku sugan.

Warar kale ayaa sheegaya in odayaal ka tirsan beesha Dashiishle ay gaareen deegaanka Ceerigaabo iyagoo halkaas u tagay sidii ay waan waan ula yeelan lahaayeen ciidamada mucaaradka ee uu hogaamiyo Cade Muuse oo haatan ku sugan deegaan beesha dashiisle. waxaa warar kale sheegayaan Ciidamada dawlad goboleedka Puntland ay gaareen Tuulooyinka Fiqi Fuliye iyo Sarmaaye. Tuulooyinkaas ayaa la soo sheegayaa in lagu arkay dhaqdhaqaaqa ciidamada Mucaaradka ah ee Cade Muuse hogaamiyo.

Dawlada la baxday Somaliland ayaa iyadu dhawr goor beenisay warar sheegayay inay soo hubaynayso waxii ka haray ciidankii Mucaaradka ee lagu soo jabiyay deegaanka dhuudo ee aaga degmada Qardho.

Xigasho:Mudugonline.com


 
 


 
 

Kor u noqo ama Kulaabo Bogga Hore ee Laascaanood online/ Home
Copyright © 2002 by Laascaanood.com. 

All rights reserved.