Laascaanood online

  Home |  Somalia map | Forum | | Suugaanta | Tacsida

Latest somali news

Odayaasha iyo waxgaradka deegaanka Yagoori oo ku amray malayshiyadii Somaliland inay ka guuraan magaalada.

Shirkii Soomaalida oo la filayey in uu beriti dib u furmo oo dib-u-dhac ku yimid.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Maxamed Cabdi Xaashi oo ku eedeeyey mar in Jabuuti ay colaad ka dhex hurinayso dadka walaalaha ah ee reer Puntland iyo Somaliland.


 


Odayaasha iyo waxgaradka deegaanka Yagoori oo ku amray malayshiyadii Somaliland inay ka guuraan magaalada.

Yagoori,25 Jan,2004-Wararka naga soo gaadhaya magaalada Yagoori ee gobolka Sool ayaa sheegaya in ay odayaasha iyo waxgaradka deegaankaasi amar kama danbays ah siiyeen malayshiyooyin beryahan isku urursanayey deegaanka Yagoori,kuwaas oo u badan qaar laga soo ururiyey Boorame iyo Waqooyi galbeed,kuwaas oo lagu amray inay sida ugu degdegsiiyaha badan uga baxaan magaalada.

Go,aankan ay qaateen odayaasha iyo waxgaradka deegaankaasi ayaa yimid kadib markii ay rag ka socda maamulka Hargeysa oo adeegsanayaa rag dhuuni qaatayaal ah oo ka soo jeeda deegaanka Sool ay isku dayeen inay colaad dhex dhigaan dadka walaalaha ah ee ku dhaqan deegaankaas.

Waxaa malayshiyooyinkaas ka muuqda darxumo iyo niyadjab aan la qiyaasi karin,kuwaas oo ku urursan meel magaalada geeskeeda ah oo aanay awoodin in ay magaalada koob shaah ah ka cabaan,iyagoo ka cabsi qaba inay naftooda waayaan haday magaalada dhex maraan,iyo iyagoo ka wareersan sidii lagu soo dagaal geliyey oo ahayd in qaranimo la difaacayo,taas oo ay ogaadeen inay ku sugan yihiin dhul dad aan raali ka ahayn.

Dhanka kale wararkii ugu danbeeyey ayaa sheegaya inay malayshiyooyinkaas taageersan Somaliland ay u xidhxidhan yihiin in ay u guuraan dhinaca magaalada Jidbaale,halkaas oo noqon doonta xarunta lagu ururin doono malayshiyooyinka taageersan Somaliland,si ay u abaabulaan guluf colaadeed oo lala beegsado gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn.

Faratoon oo isagu ku guul daraystay in uu taageero ka helo beesha uu ka soo jeedo si dagaal uu ku qaado ayaa maamulka Hargeysa ka joojiyeen wax alaale iyo wixii taageero ah ee la siin jiray,iyadoo taageeradii oo dhan loo wareejiyey dhinaca Fu,aad Aadan Cade oo isagu u xusul duubtay in uu dhiig badan daadiyo.

Fu,aad oo isagu ka soo jeeda deegaanka Xudun ayaa laga soo saaray degmadada Laascaanood,kadibna degmada Xudun oo uu isku dayey in uu taageero ka helo ayuu ku guuldaraystay.Hadaba maadaama maanta lagu amray in uu Yagoori ka baxo,xaguu fooda saari doonaa?.

Kor u noqo


Shirkii Soomaalida oo la filayey in uu beriti dib u furmo oo dib-u-dhac ku yimid.

Nairobi,Kenya– Shirkii soomaalida uga socday magaalada Nairobi oo la filayey i uu furmo maalinta berito(isniinta 26 JAN) ayaa dib u dhac ku yimid,lamana sheegin xiliga uu furmi doono.

Kulankaas oo ay ka soo qeyb geli lahaayeen madaxweynayaal ka tirsan dalalka Igad oo ay ka mid yihiin Kenya iyo Itoobiya, wakiilada Beesha Caalamka, Safiirada dowladaha Midowga Yurub, Mareykanka, Jaamacada Caranta iyo dhamaan hogaamiyayaasha Soomaalida ayaa lagu soo xiri lahaa laguna dhawaaqi lahaa inuu furmay wejigii seddexaad ee ugu danbeeyay shirka Soomaalida oo ah awood qeybsiga. :

Dib u dhacan ku yimid xafladii la filayey in la qabto ayaa la sheegay inay ka dhalatay madaxweynaha Yugandha Yuweri Musaveni oo ah Gudoomiyaha Urur Goboleedka Igad isla markaana furay shirka wada tashiga hogaamiyayaasha Soomaaliyeed ay ee heshiiska lagu gaaray oo ka cudur-daartay inuusan ka soo xaadiri karin shirkaas oo dib loogu dhigo sida ay sheegeen ilo ku sugan magaalada Nairobi.

Berito ayaa waxay ku soo beegantay maalintii uu Musaveni xilka Uganda qabtay,waxaase sida ay noo sheegeen ilo lagu kalsoon yahay in la rajaynayo in xafladaasi ay suurto gasho maalinta talaada oo bisha janaayo tahay 27-ka.
Dhanka kale rag uu ka mid yahay Muuse Suudi Yalaxow,Cabdirisaaq Biixi,Cismaan Caato iyo dagaal oogayaal kale oo iyagu horay uga cadhooday shirka ayaa maanta axad(25 jan) soo gaadhay magaalada Nairobi,si ay uga qayb qaataan shirka wejigiisa sadexaad.Barre Hiiraale ayaa la filayaa in uu isna soo gaadho Nairobi saacadaha soo socda.
Cabdiwaaxid Cawil,Nairobi
Laascaanood online

Kor u noqo


Madaxweyne ku xigeenka Puntland Maxamed Cabdi Xaashi oo ku eedeeyey mar labaad in Jabuuti ay colaad ka hurinayso dadka walaalaha ah ee reer Puntland iyo Somaliland.

Garoowe,Puntland,25 Jan-Madaxweyne ku xigeenka Puntland Maxamed Cabdi Xaashi ayaa shalay shir jaraa,id oo uu ku qabtay magaalo madaxda maamul goboleedka Puntland ee Garoowe eedayn ugu soo jeediyey dawlada Jabuuti in ay ku dadaalayaan in ay colaad ka dhex huriyaan dadka walaalaha ah ee reer Puntland iyo Somaliland,iyagoo leh dano gaar ah.

Dhanka kale Mr Xaashi waxa uu sheegay in ay jiraan dad ka shaqaynaya bur burka Puntland,isaga oo tilmaamay in jiraan qaybo kala duwan oo meelo badan jooga oo ku midaysan bur burinta Puntland.

Xaashi ayaa ku booriyey in ay dadka reer Puntland ay u diyaar garoobaan difaaca dhulkooda,iyo iyagoo mar walba ilaalinaya nabada iyo deris wanaaga ay la leeyihiin beelaha kale ee soomaaliyeed.

. Laascaanood online,Garoowe

Kor u noqo