Laascaanood online

  Home |  Somalia map | Forum | | Suugaanta | Tacsida

Latest somali news

Shir balaadhan oo shalay ka dhacay yagoori .

Horn of Africa nations pledge to fight terrorism.


 


Shir balaadhan oo shalay ka dhacay magaalada Yagoori .

Yagoori,24 Jan,2004-Waxaa shalay galab yagoori ka dhacay shir balaadhan oo dhexmaray odayaasha beesha degta yagoori oo ay ka mid yihiin Caaqil Axmed cabdi Cawke(hoolif) iyo wafti ka socda maamulka somali land oo uu ka mid yahay xoghayaha ururka haatan utaliya maamulka somali land Max'ed Imaaciil (Dhegaweyne) iyo isimo ay ka mid yihiin Borqor Max'ud Cali Carab.

Shirkan oo ka dhacay xerada ay xerta timo wayntu ku leedahay yagoori ayaa waxa qado sharaf ugu sameeyay waftigii ka socday labada dhinacba shiikha hogaamiya xerta sheekh Max;ed Rabiic.

Waxaana ugu horayn halkaa ka hadlay Caaqil Axmed hoolif oo isagu ku bilaabay hadalkiisa hadalo kul kulul oo uu ku canbaaraynayo warar dhawaan la'isla dhexmarayay oo sheegayay in ay qaar ka mida cuqaasha beeshu ay dalbadeen in lagu wareejiyo hubka mas;uuliyiinta beesha ee ka tirsan maamulka soomali land, Wuxuuna yidhi ha'istaago ninka aanu hubka ku wareejinay, waxaa kale oo uu Caaqilku amaan u soo jeediyay xerta iyo shiikhooda oo uu sheegay in ay aamaano ugu dhiibten iyagu shiikha isla markaana aysan hadeer soo gaadheen hadaan sidaa la yeelin. .

Caaqilka oo hadalkiisa sii wata ayaa hadalkii waxa uu u weeciyay dhinaca qoladii ka socotay somali land waxuuna sheegay in ay tahay in runta la isu sheego hubkanina uu yahay mid beeleed isla markaana aysan lahayn somali land iyo puntland midna.
Waxaa kale oo uu sheegay axmed hoolif in ay yihiin nimankan soo horfadhiyaa niman isaaqa' isaaqna ay qolo waliba hubkeeda haysato arintan oo markiiba uu qiray nin ka tirsan waftiga somali land, waxa kale oo uu intaa ku daray in ay ka guuraan magaalada yagoori aysan raalina ka ahayn in ay isku jebiyaan wiilashooda .
Waxaa kale oo iyana hadalo soo jeediyay o dayaal ka tirsan beesha oo iyana maray wadadii axmed hoolif.
Intaa ka dib ayaa waxaa hadalkii qaatay boqor Max'ud Cali Carab Waxa uu ninkaa isimka ahi ku dheeraaday Deris wanaaga iyo dhaqanka ka dhexeeya isaaq iyo dhulbahante isgoo sheegay in ay marka ay ugu yartahay ay isaga dhaleen Dhulbahantuhu, ayna sinaba u kala maarmayn dadkani.
Nimankan ka socday dhinaca somali land ayaa waxay ubadnaayeen ninman ka tirsan xerta oo iyagu doonayay in ay xerta ka dhaadhiciyaan in ay hubaka ku wareejiso beesha waxaana halkaa ka cadaatay in ay mas;uuliyiinta beesha ee ka tirsan somali land ay ku andacoodeen in ay xertu ka hortaagantahay hubka, taas ayaa keentay in ay beeshu halkaa ka cadayso mowqifkeeda ku aadan hubkan, waxaana halkaa ka baxay u jeedadii ay wateen nimanka ka somali land.
si kastaba ha ahaato waxaa halkaa ka baxay u jeedadii ay ku doonayeen nimanka ka socday somali land ee ahayd in ay hubkaa gacanta ku dhigaan oo ayna u adeegsadaan duulaan ay ku soo qaadaan maamul goboleedka puntland.
Dhinaca kale mawqifka ay odayaashu iska taageen arintan ayaa waxa aad u soo dhaweeyay dadwaynaha degaanka oo iyagu goostay in ay gacanta ka hadlaan hadii ay arintu si kale u dhacdo
Xigasho:Widhwidhonline.


Horn of Africa nations pledge to fight terrorism.

UNITED NATIONS- Countries from the Horn of Africa at a UN-sponsored meeting have pledged to fight terrorism and transnational organised crime which, they said, posed a threat to the region.
They made the pledge at a workshop on "International Cooperation on Counter-Terrorism and the Fight against Transnational Organized Crime," in Khartoum, Sudan which ended on January 19.
Experts from Ethiopia, Eritrea, Kenya, Somalia, Sudan and Uganda - members of the Inter-governmental Authority on Development (IGAD) and observers from Algeria and Egypt joined the UN Office on Drugs and Crime (UNODC) to help IGAD members with the ratification and implementation of a dozen international legal instruments against terrorism.
The "Khartoum Declaration" also called on UNODC and the Office of the UN High Commissioner for Human Rights (UNHCHR) to develop joint technical assistance programmes on counter-terrorism while fully respecting human rights .
It encouraged the IGAD Member States to use the assistance of the International Criminal Police Organization (INTERPOL) to ensure an adequate exchange of information in the area of counter-terrorism and transnational organized crime.

Kor u noqo