Laascaanood online

  Home |  Somalia map | Forum | | Suugaanta | Tacsida

Latest somali news


 


Qaybtii ugu horeysey waftigii nabada ka dhex waday beelihii dhowaan xurguftu dhex martay oo gaadhay tuulada Dabataag.

.

Laascaanood,23-Apr 2004-Qaybtii ugu horeysey odayaashii isu xilqaamay inay dhexgalaan beelihii dhowaan xurguftu ku dhexmartay meelo ka mid ah gobolka Sool,ayaa maanta gaadhay tuulada Kalabaydh,markii danbena u sii gudbay dhinaca Dabataag. .

Odayaashaas gaadhay Dabataag oo uu horkacayey suladaan Suldaan Siciid Cismaan ayaa waxay horudhac u yihiin wafti balaadhan oo uu hormuud u yahay Gen Cade Muuse Boqor oo la filayo in uu ilaa berito gaadho deegaamadaas colaadu saamsaysay,si loo soo afjaro colaadaas dhextaala dadka walaalaha ah ee ku dhaqan deegaankaas.Gen Cade ayaa horay waxa uu u sheegay in uu joogi doona inta ay dhamaanayso howsha dib heshiisiinta ,isla markaana uu si cadaalad ah oo aan siyaasadaysnayn u wada hadalsiin doona labada dhinac..

Waxaa hawshaas ay wadaan Gen Cade iyo waftigiisu garab socda waan waan nabadeed oo ay iyaguna wadaan madaxda ismaamulka soomaalida ee Itoobiya,kana soo jeeda beelaha Hartiga,kuwaas soo qabanqaabiyey kulan maanta la filayo inuu ka dhaco tuulada Dharkeyngeenyo,oo qiyaastii 30km dhinaca koonfureed ka xigta tuulada Dabataag.Kulankaas ayaa sida la qorsheyey waxa ka soo qayb gelaya 50 oday oo ka socda ardaaga Bah-ararsame,iyo 50 oday oo iyaguna ka socda ardaaga Khayr Cabdi(Qayaad),odayaashaas oo dhidabada u aasi doona nabad waarta oo dhexmarta dadka walaalaha ah ee shaydaanku ka dhex shaqaystay.Hawlahaas is barbar socda ee nabadaynta labada ardaa ee xurguftu dhexmartay ayaa inta ay socdaan hawlahaasi waxaa amaanka iyo habsami u socodka sugi doona ciidamada Gen Cade iyo kuwo Itoobiyaan ah oo wada shaqyn doona. .
Dhanka kale roobab fiican ayaa ka da,ay tuulooyinkaas colaadu saamaysay,waxaana roobabkii da,ay arbacadii ay ka da,een meelaha ay ka midka yihiin Karin-Dabayl weyn,Karin-Gorfood Kabaydh,Dhumay,Dabataag,Dharkayn,Domco,Balicad,Saaxdheer,Wanaagsan,Marqaan,Xamarlaguxidh xidh-xidh,iyo meelo kale oo ka mid ah dhinaca hawdka,waxaa iyana roob fiican ka da,ay magaalada Ceerigaabo iyo nawaaxigeeda,balse waxaan weli roobabkii ka di,in meelo badan oo ka mid ah dhinaca nugaasha sida khaas ahaan deegaanada ku dhow degmada taleex,dhulkaas oo hada ay booqasho ku tageen haya,daha caalamiga ah ee qaxootiga caawiya iyo kuwo wadani ahba,dadkaas abaartu saamaysay oo xoolihii ka dhamaadeen ayaa waxa loogu baaqayaa hay,adaha caawimada bixiya iyo dadka ka soo jeeda gobolada SSC inay gargaar deg deg ah lala soo gaadho.

Laascaanood Online,Laascaanood,Somalia.

Kor u noqo