Make your own free website on Tripod.com

Laascaanood online

  Home |  Somalia map | Forum | | Suugaanta | Tacsida

Latest somali news


 


Waraysi Dhinacyo Badan Taabanaya Oo Aanu Layeelanay Madaxweyne Ku Xigeen Maxmed Cabdi Xaashi.

.

Mudane Maxamed Cabdi Xaashi.

Garoowe(RadioLascaanod)23-02-04:-Waxaanu waraysi dhinacyo badan taabanaya la yeelanay madaxweyne ku xigeenka Maxmed Cabdi Xaashi isla markaasna ah , sii haya xilka Madaxwenaha Puntland, mar aanu maanta galinkiidanbe ku booqanay Gurigiisa gaar ka ah ee magaalo madaxda Puntland Garoowe, waxaanu wax ka weydiinay su'aalo dhinacyo badan taabanaya ,ayna ka mid ahaayeen, arrimaha ku saabsan kordhinta xilliga xukumada oo lagu daray laba sano, ansixinta Xisaabiyaha Guud ee Puntland, wasiirkii dhawaan isu dhiibay maamulka Waqooyi Galbeen iyo arrimo kale oo kal duwan, waraysigiina wuxuu u dhacay sidan. .

Shabakada:- Madaweyne bal waxaad nooga wartaana baryahan danbe waxaa la sheegayaa in ay jiraan khilaafaad ku saabsan golaha xukuumada,gaar ahaana arrinta kordhinta jiritanka xukuumada ee labada sano lagu daray maxaa arrintaa khilaafaadka ah ee la sheegay ka jira?..

Madaxweyne Ku Xigeen, Maxmed Cabdi Xaashi:-Horta meelkasta oo dunida lagu dhaqan yahay,dawlad kasta oo ka dhisani had iyo jeer laba garab ayey isaga qaybsantaa ,tusaale ahaan dawlada maraykanka oo kale, oo ah dawlada aduunka ugu weyn,waad ogtihiinoo Ra'yiyo kala duwan ayey u qaybsan yihiin,inkastoo qaybsanaan tooda lagu tilmaami karin tan Afrikoo kale ka dhacda, waana laga yabaa in ay annagana taas oo kale jirto, inkastoo oo aanay aniga ii muuqan khilaafaad weyn oo hadda annaga na dhexyaalaa.

Korodhsiimada xageedana anniga waxaa ii muuqata arrinkaas Baarlamaanka ayaa iska lahaa, baarlamaankiina go;aan ayuu gaadhay,go'aankaasna Baarlamaanka uun ayaa loo nisbayn karaa laakiin dawladu wax iyada ay go;aanka gaadhay maaha..

Shabakada:-Xubno ka tirsan golaha wasiirada ayaa waxa ay ku doodayaan in kordhinta jiritaanka xukuumada, aanu codsigaasi golaha xukuumada oo dhan ka soo bixin, oo aad adiga kaligaa hordhigtay golaha wakiilada, dooda sidaas ah adigu sidee u aragtaa?. .

Xaashi:-Marka ugu horaysa wasiirada waxaa magacaabay madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigaynka isku hadaf ayaanuna ka duulaynaa, iyo danta shacabka Puntland, marka sharciga la raacayo, waxaase jirtay waa dhaweyd oo wasiiro badani jireen Boosaaso iyaga oo hawlo ku maqnaa , sidaa daraadeed waxaa jirin tiradii uu shirku ku qabsoomi lahaa ,markaana Baarlamaanku wuu fadhiyey waxayna na weydiiyeen in aanu ra'yigaya bixino , maadaama ay noo suurta galiweyday in aanu tiro dhamaystiran helo,markaa waxaa khasab noqotay in uu madaxweyne ku xigeenkii rayigiisa dhiibo,sidaas ayaana rayigayagii ku dhiibnay, wasiiraduna ay ku qanacsanaayeen,wax laysku diidayna ma aysan jirin.

Shabakada:-in aad kordhisaan xilliga jiritaanka xukuumada maxaa sababay?.
Xaashi:- Waxaa jira xilli adag, hadii aan dagaal na haysan, ama abaari waxay ila tahay uma aanu baahnaaneen in aanu wakhtiga kordhino, doorasho ayaanu geli lahayn, duruufahaas jira ayaana culayska nasaaray.

Shabakada:-waxaa jirtay in aad iyana dhawaan golaha wakiiladu ansixiyey xisaabiyaha guud ee Puntland,wasiirka maaliyada C/raxmaan Faroole uu sheegay oo kugu eedeeyey in ay ahayd arrin aad adigu ka danbaysay oo soo hordhigtay golaha wakiilada, arrintaasna maxaa ka jira?.

Xaashi:- Run weeye aniga ayaa soo hordhigay golaha wakiilada, sababtuna waxa weeye ,sharciga marka hore in la fahmo ayaa wanaagsan,ninka xisaabiye madaxbanaan doonayaana waa nin leh xoolaha dawlada hala ilaaliyo, nin kaleh xisaabiye madaxbanaan yuu jirina waa nin leh xoolaha dawlada sidii la doono halaga yeelo, aniga sharaf ayey ii tahay in aan ku adkaystay xisaabiye madax banaan hala helo,si dawladu mid kaligeed wax iska wadata aanay u noqone , ee loo la xisaab tamo.

Shabakada:- Hada ma waxaad leedahay wax khilaafaad ah oo golaha xukuumada dhexyaalaa ma jiro, gaar oo ku saabsan xisaabiyaha guud?.

Xaashi:- Anigu wax colaadi naga dhaxaysaa ma ogi, laakiin maamulka waxaa laga yaabaa, sida loo maamulayo lacagta in aanan si uwada arkin, taasna waxaan u arkaa maamulka oo qofba si u arko, ee wax colaad na dhaxtaal uma arko, waana wax caadiya.

Shabakada:-Hadaan u leexano dhinaca xiisa hada ka taaga Puntland iyo maamulka waqooyi galbeed, wax dhexdhexaadin ah miyaa jira oo ay wadaan dawladaha deriska ah si loo soo afjaro xaalada colaadeed?.

Xaashi:- Anigu intaan ogahay ma jiraan,hasa yeeshee waxaa jira xidhiidh ay nala soo sameeyeen qaar ka mid ah bulshada caalamka,labada meelood ee soomaaliya nabada ka ahaana waxay ahaayeen Puntland iyo anigu deegaanka aan u aqaan Waqooyi galbeed, caalamkuna waa jecel yahay in aanay khilaafaad iyo colaadi dhex marin , wuuna nagula taliyey, annigu wax aan intaa ahayn oo aan ogahay ma jirto.

Shabakada:- Warar ayaa sida la sheegay dhawr jeer ay mas'uuliyiin ka tirsan Puntland siiyeen warbaahinta, sheegaya in ay Itoobiya wado dhexdhexaadin labada dhinaca, ma waxaad madaxweyne leedahay arrintaas waxba kama jiraan?.

Xaashi:- Annagu ma gardarin, had iyo jeerna arrintan gar ayaanu leenahay , haatan hadii la helayo dhinaca gardarada wada cid runta u sheegta waxba kama qabno, laakiin anaga iyo Maamulka Waqooyi Galbeed wax aanu isku haynaa ma jirto, oo aanu isku haysano, waayo waa soomaali, soomaaliyana dawlad ayaa u dhalanaysa, ama ha jeclaado ama yuusan jecaane, ama ingiriis hala tashado ama yaanu la tashane, wadanku soomaaliya ayuu noqonayaa.

Shabakada:-Madaxweyne waxaa jirta arrin dhawaan la soo gudboonaatay dawlada, arrintaas oo ahayd , waxaa jirtay in wasiirkii waxbarashada Xasan Maxmuud Dhiilood uu dhawaan isu dhiibay maamulka Waqooyi Galbeed , arrintaasi sidee ayey xukuumada Puntland saamayn ugu yeelatay?.

Xaashi:-M/k/x:- Horta dad badan oo reer Puntland ah oo jaleeca dhinaca maamulka W/G waa iska jiraan , anigu waxaan qabaa mid ka mid ah kuwass ayuu ahaa, oo jaleecu xagaas u qaaday iyo Hargeysa , isaga laftarkiisu nin xunoo , xad-dhaafa ma ahayn , siyaasada uun baa ka xumaatay uma arko si kale, wuu deg dega, annigu waxaan u arkaa wax khalkhal ah oo ay na gelisay ma jirto, maalin walba agtayada waxaa taagan kuwo reer sool ah oo leh anagu somalilad ayaanu nahay ,haduu mid ka mid ah noqday kuwaas wax dhibaato ah anagu uma aragno. dhiiloodna muddo dheer qaadan mayso in aanu aragno isaga oo agtayada taagan, waxaanuna aamin sanahay in aanu dhabbada xaqqa aha ku taaganahay.

Shabakada:- Difaaca deegaanka Jiida hore maxaad u qorshayseen?.

Xaashi:- Horta dawla ayaanu nahay oo difaacu waa xil iyo waa jibaad na saaran, ummaddii dalka lahad ayaa difaacaysa, kuna kal soon in ay cadowga ka difaacayaan, haduu ka joogi waayo dhabada qaldan ee uu marayana, shicibkayaga oo naga garab dagaalamaya iyo annaguba waa ku filan nahay,nin kasta oo gardaro ku socdana aanu ka adag nahay oo bur burinayno.

Shabakada Warbaahimta Sool, Sanaag, Iyo Cayn.

Radiolaascaanood.Garoowe Somalia.

Kor u noqo