Laascaanood online

  Home |  Somalia map | Forum | | Suugaanta | Tacsida

Latest somali news

 
Xarunta wadaada xerta ee magaalada Yagoori oo ay hareereeyeen malayshiyo daacad u ah Somaliland.

Laacaanood,23 Jan,2004-Wararka naga soo gaadhaya magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in ka aloosantay magaalada Yagoori ee gobolka Sool qalalaase kadib markii malayshiyooyin ay ururiyeen laba wasiir oo kala ah Wasiirka wasaarada Horumarinta reer Miyiga Fu,aad Aadan Cadde iyo Wasiiru Dawlaha Wasaarada Dib u dejinta Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) ay iska horyimaadeen dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaankaas,kuwaas oo diidan joogitaanka ay malayshiyóoyinkaasi joogaan magaaladooda.

Sheekh Maxamed Rabiic oo ah wadaad madax u ah wadaadada loo yaqaan Timoweynta oo xaruntoodu ku taalo magaalada Yagoori ayaa waxa uu ka mid yahay culimada magaalada,isagoo weliba haysta ciidan lagu qiyaaso ilaa 200 oo askari oo ku hubaysan hubka tiknikada ah,hubkaas oo ay ka mid yihiin labo taangi iyo hubka kale ee culus ayaa halkaas ku sugnaa ilaa iyo intii burburkii soomaaliya bilowday,balse waxa wadaadka iyo xertiisa soo food saartay maalmahan xaalad colaadeed oo ay wadaan maamulka Somaliland,arintaas oo sii xoogaysatay maalamahan,kadib markii ay malayshiyada taageersan Somaliland oo ay horkacayaan Faratoon iyo Fu,aad ay hor dhigeen ciidan,qaar ka mid ah dhismayaasha xerta kuwaas oo ka dalbaday inay hubka soo wareejiyaan,hadii kale xoog lagaga qaadi doono,iyagoo ku eedeeyey wadaadka iyo xertiisu inay taageersan yihiin Puntland.Ciidanka wadaadka ayaa ku gacan saydhay inay hubkooda wareejiyaan. .

Wadaadka ayaa sida wararku nagu soo gaadhayaan xidhiidh la sameeyey Dahir Riyaale isagoo ka codsaday in uu joojiyo colaada uu ka hurinayo gobolka Sool,Sanaag iyo Cayn,uuna iska hor keenin dadka walaalaha ah ee ku dhaqan gobolada deriska ah,diinta muslinkana ay mamnuuc ku tahay in la weeraro dad muslimiin ah.

Dhanka kale madaxda Puntland ee ku sugan magaalada Laascaanood ayaa kulan ay yeesheen waxay go,aamiyeen in ciidamo sida ugu degdegsiiyaha badan loo gaadhsiiyo magaalooyinka Yagoori iyo Guumays,oo ciidamada Puntland ee ku sugan aaga hore ee Adhicadeeye la geeyo Guumays ilaa xadka u dhexeeya Somaliland iyo Puntland.

Odayaasha iyo waxgaradka deegaanka yagoori ayaa is hor taagay isku day ay isku dayeen Faratoon iyo Fu,aad inay kaga helaan taageero colaada ay ka dhexhurinayaan dadka walaalaha ah ee ku dhaqan gobolka Sool,iyagoo u sheegay ina aanay marnaba aqbalayn colaad lagu qaado Laascaanood,halkaas oo ay ku sugan yihiin dadkoodii.

Kor u noqo