Make your own free website on Tripod.com
Welcome to Laascaanood online
 
Hadaan nahay bahda Laascaanood online Waxaan idiin balan qaadaynaa inaan idinka haqab tirno wixii warar ah ee ka dhacaya aduunka dacaladiisa !
 
 
LAASCAANOOD NEWS AROUND THE WORLD
 
Wararka Somalida Maanta
 
 

Ayaan Xirsi oo metelaysa Salmaan Rushdie.


©  Laascaanood online

Ayaan daran Ayaan Xirsi Ali oo oday dhexda haysta.

Haag,Holland JAN 23 2003- Waxaa socda doorashooyinkii guud ee dalka Holand ,doorashooyinkan oo kuwii hore aad uga duwan.Waxaa sanadkii hore nin laga roone(gay) oo hadana hogaamiye xisib ahaa lagu toogtay meel gawaadhida la dhigto (Car park) 9 maalmood uunka hor doorashooyinku maalintay dhici lahaayeen,ninkaas oo caadaystey inuu aflagaadeeyo diinta muslinka iyo dadka ajnabiga ah ee wadankaas ku nool,balse waxa ilaahay u soo diray nimaanba muslin ahayn oo ah nin cad oo Holandiis ah kaasoo si fiican xabad ugala bogtay lagaroone Pim Fortuyn.Balse doorashooyinkan hada socda waxa soo baxday inan ayaan daran oo la yiraahdo Ayaan Xirsi Magan,inantaas oo ah 33 jir waxay wadankaas soo gashay 10 sano oo kaliya ka hor,iyada oo inan 22 jir ah,waxayse isla dhowr sano ka bacdiba bilowday inay nacdo dhaqankeedii iyo diinteediiba,iyadoo sanadkii 1994 kiiba idaacadaha kaga hadaaqday inay jeceshahay inay u lebisato sida Holandiiska,isla markaana sida ay hablaha muslimiinta ama soomaalidu u lebestaani ay tahay mid dumarka lagu cadaadinayo,balse wakhtigaas hadalkeedii Ayaan ayaandaran meesha lagama qaadan.

Ayaan waxay markii horey ku biirtay xisbiga PVDA,balse waxay xisbigaa ka baxday markii ay madaxda xisbigaasi ay u cuntami weydey figrada foosha xun ee ay Ayaan ka qabto dadka muslimiinta ah,waxayna ku eedaysay markay ka baxaysey xisbigaas in aanu xisbiga PVDA aanu ku adkayn dadka muslimiinta ah.waxayna ku biirtay xisbiga VVD,xisbigaas oo ah xisbi neceb muslimiinta iyo dhamaan dadka ajnabiga ah ee ku nool Holland.

Taas waxaa ka daran hadalada ay hada isticmaasho,hadaladaas oo ah kuwii uu ku hadli jirey ninkii lagaroonaha ahaa ee Pim Fortuyn,kuwaasoo ay tidhaahdo "Islaamku waa dad danbeeya oo weliba dumarka u daran,waxaana rabaa inaan intaan dumarka kaamam ku xareeyo aan baro sida loo noolaado,kadibna aan xoreeyo si ay ugu noolaadaan siday doonaan"

Ayaan ayaandaran waxay ka mid tahay dadka qaxootiga ah ee ku nool wadanka Holand,kuwaasoo ah ilaa 1.6 milyan,kuwaasoo lagu qiyaaso inay ka yihiin 10% dadka ku nool Holland.

Waxaa wakhtiyadan wadamada reer galbeedka ku soo batay dad muslimiin asalkoodu ahaa oo loo isticmaalo in diintooda iyaga lagu ceebeeyo,iyadoo iyaga la isticmaalayo,balse arintan soomaalida horey looguma aqoon,oo waxaa dadka soomaalidu ay caan ku ahaayeen inay difaacan diintooda meel kasta oo ay joogaan,doorashada hada Holand ka socota waxaa la isticmaalayaa Ayaan Xirsi,iyadoo ay durba nolosheedii adkaatay oo xataa iska daa inay arkaan dad soomaali ahiye ay xataa weriyayaashii reer galbeedku ku adag tahay inay qoftaas interview ka qaadaan sababo nabad gelyo awgeed,waxaa hadh iyo habeen waardiye ka haya ciidamada nabadsugida,waxaana looga baqayaa in la dilo.

Ayaan oo ka dhalatay reer soomaaliyeed oo caan ah,aabaheedna yahay nin caalim ah oo si weyn loo qadariyo ayaa su,aasha is weydiinta leh waxay tahay,maxaa ayaan qaaday? Ayaan ma lacag doon baa? Ayaan miyaanay ku quus qaadan,ninkii sideeda kibrey ee muslinka aflagaadada ka dayn waayey meeshuu ku danbeeyey (Pim Fortuyn).Waxaan ayaan leenahay Ayaan ayaandaran.

  • Inkastuu kalaho ama kob dheer fuulo
  • bad kaluun ku jira kolay ku tahay amase koob shaah ah
  • qof waliba wixii loo katibay waa la kulansiine
  • ragoow!!Ayaaneey kibirka waa lagu kufaaye kaa ha la ogaado.

  • Ismaaciil Mire,ilaahay ha u naxariisto.


    Refugees Shift to the US Hits a Snag .

    NAIROBI, 23 Jan 2003 - Plans to resettle some Kenyan-based Somali refugees in the US will be delayed by the on-going security checks on immigrants, the International Organisation for Migration said yesterday.

    Media liaison officer for the intergovernmental agency Sasha Chanoff said in a statement that the earliest such settlement could begin was in May, "but that is only a loose estimate."

    The statement added: "The US immigration officials will not visit Kakuma next month, but will start interviewing cases in mid to late March."


    230,000 Face Starvation in Refugee Camps, Says UN Body.

    NAIROBI,23, JAN- More than 230,000 refugees in the country face starvation, the United Nations High Commission for Refugees has said.

    The UN agency said the camps most affected by acute food shortage were Kakuma and Dadaab in Turkana and Garissa respectively.

    There are 130,000 refugees in Kakuma and 82,700 in Dadaab.

    Speaking at the Home Affairs and National Heritage ministry, UNCHR country representative George Okoth-Obbo said the organisation was in dire need of food aid.

    "The stocks are expected to dry up by early February, hence we need more food aid to save the situation," said Mr Okoth-Obbo.

    Minister Moody Awori said the government would help the organisation seek food aid from GTZ and other non-governmental organisations.

    Mr Awori announced that the government will soon enact a new law to govern refugees in the country.

    He said the government would continue taking part in peace initiatives in Somalia and Sudan to bring stability in the region.

    Once the legislation was enacted, the minister said, the government would strictly follow the United Nations Charter on Refugees.

    "After enacting legislation we will create a department headed by a director or commissioner-general to ensure refugee rights are respected," said Mr Awori.

    Mr Okoth-Obbo said a new law would harmonise all rules and regulations governing the refugees like in developed countries.

    "There is need for legislation to clarify rights and obligations of refugees and establish a management structure to care for them," said Mr Okoth-Obbo.

    The new law should spell out refugees' right to freedom of movement and employment, he said.

    The country representative urged the government to conduct a registration exercise of refugees living in Nairobi and other major cities.

    The organisation estimates that between 50,000 and 80,000 refugees live in Nairobi.

    In Kakuma, the daily ration has been reduced from the recommended 2,167 kilo calories, to 1,700 Kcal a person.

    Cases of child malnutrition are rising, with an estimated seven out of every 10 children affected according to the World Food Programme.


     
     


 
 

Kor u noqo ama Kulaabo Bogga Hore ee Laascaanood online/ Home
Copyright © 2002 by Laascaanood.com. 

All rights reserved.