Laascaanood online

  Home |  Somalia map | Forum | | Suugaanta | Tacsida

Latest somali news


 


Magaalada Burco oo ay ka abuurantay xiisad u dhaxaysa dadweynaha reer Burco iyo maamulka Hargeysa.

.

Burco,Somalia 21-july 2004-Dawlada Somaliland ayaa shalay hor joogtsatay shirkii ay ku lahaayeen magaalada Burco qaar ka mida aqoonyahanka dalka iyo saddexda xisbi qaran kaasi oo lagu waday in uu ka furmo magaalada Burco maalintii salaasadii ay bishu ahayd20 julay 2004 waxana la doonaayayn lagaga wadao hadlo saamaynta uu shirka Kiiniya ku yeelan karo Somaliland hadii lagu soo sameeyo dawlada shirkaasi oo la doonayay in lagu qabto hotelka CITY PLAZA ee Burco ayaa waxa habeenimadii la dulgeeyay ciidan aad u hubaysan oo ay weheliyan gawadhida tikinikada ahi ee ay leeyihiin ciidanka bolisku. .

Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Cabdi Xusen Dheere ayaa bixiyay amarka lagu joojiyay shirkaasi magaalada Burco waxa kale oo Gobolka gaadhay ciidan uu hogaaminayo taliyaha ciidanka boliska Somaliland Maxamed Cige Cilmi laakiin taliyuhu wuu diiday in ay arintiisu taasi la xidhiidho. .

Waxa kale oo jirtay waraaqo lo qaybiyay dhamaan horeelada magaalada Burco oo lo sheegayo in aan hoteeladooda lagu qaban karin wax shira taasina ay sababtay in ay meel kale isku qaadaan dadka iyagu qaban qaabinaayay shirkaasi waxana ay isku dayeen in ay xaadh xaadhaan Beer ku taala duleedka Burco laakiin booliska ayaa qadar ka dib yimi goobtaasi oo hakiyay howshaasi taasina waxa ay soo afjartay shirkii ay wadeen aqoon yahanka Burco oo ay kuna marti qaadeen Xisbiyada dalka oo ayna ka soo qayb galeen wufuudii logu tala galay intoodii badnay.

Halkaa markii ay xaaladu marayso ayaa waxa ay Xisbiyadii iyo Gudidii qaban qaabadu iska dhex saareen min shan xubnood oo talo soo gaadha waxana ay u dhaqaaqeen halka hotelka CITY PLAZA HOTEL markii ay waxoogaa joogeen ayaa waxa si deg dega usoo galay G/Gobolka Togdheer oo uu weheliyo Taliyaha ciidanka Boliska waxana ay sheegeen in aan la ogolayn hasa yeeshe waxa ay bilaabeen buuq iyo muran ay isku jawaabaan Gudoomiyaha iyo rag ay ka mid ahaayeen Maxamed Xaashi Cilmi iyo waliba Axme Siilaanyo oo ku yidhi Gudoomiyaha (noogama lexejeclo badnid dalka ee orodo naga tag) laakiin taasi ma noqon mid qancisa Gudoomiyahha waxana isla markiiba goobtaasi loga yeedhay Xoghaya Xisbiga UDUB Maxamed Ismaaciil Bulaale oo dibada lola baxay laakiin aan isagu soo noqonin sidoo kale waxa ergada Burco joogtay ka mid ahaa Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Warabe arinta joojinta shirkani waxa ay ahayd mid lagu qaaday sharciga ah in aan dalka laga ogolayn wax shirar ah dhinaca siyaasada oo dhowr cisho ka hor la soo saaay. .

Kor u noqo