Laascaanood online

  Home |  Somalia map | Forum | | Suugaanta | Tacsida

Latest somali news


 


Ergo Hargeysa U Joogtay Sii Deynta Boqor Buurmadow Oo Ku Guuldareysatay Siideyntiisa.

.

Hargeysa, 22-Feb 2004-Ergo ka kooban Salaadiin iyo odayaal dhaqameed ka soo jeedo beesha uu ka dhashay boqor Cusmaan Aw-Maxamuud Buurmado oo magaalada Hargeysa u yimid sidii loo deyn lahaa boqorka ayaa la sheegayaa in dadaalkooda ay ku guuldareysteen.. .

Wafdigan oo labo todobaad ka hor yimid Hargeysa ayaa xalay shir jaraa'id oo ay qabteen ku sheegeen in ay ku laabanayaan deeganadii ay ka yimaadeen kaddib markii ay ku guuleysan waaayeen ujeedadii ay u yimaadeen ee aheyd sii deynta boqorka.

Wafdigan oo ay kala hogaaminayeen Suldaan Maxamuud Guuleed Mire iyo Suldaan Maxamed Cabdi Mire oo labaduba ka mid ah madax dhaqameedyada Somalilnad kana soo jeeda madax dhaqmeedyada boqorka ayaa sheegay inaysan wax qabilaad ah ka helin madaxweyne Riyaale oo ah ninkii ay kala hadli lahaayeen sii deynta boqorka.
Shirkaasi jaraa'id oo ay xalay goor dambe ku qabteen hotelka ay dagaanaayeen ee National ayuu Suldaan Maxamuud Guuleed ku sheegay in wafdigooda ay u yimaadeen labo arrimood oo kala ah furdaaminta xarriga boqorka iyo xaaladda ka taagan gobalka Sool si mowqif mideyn looga qaato.
Suldaanka Maxmuud Guuleed ayaa sheegay in taariikhda ay xusi doonto isagoo sheegay in Hargeysa lagu qaabili waayay.
Dhinaca kale, shir ay saakay qabteen koox qurba joog ah aya sameeyay urur la baxay Somaliland Birtish society iyagoo sheegay inay ka shaqeynayaan aqoonsi u raadinta Somaliland.
Waaxaana dadkii ka qeybgalay ka mid ahaa Maxamed-Rashiid iyo Raaqiyo Oomaar.

Kor u noqo