Laascaanood online

  Home |  Somalia map | Forum | | Suugaanta | Tacsida

Latest somali news


 


Guddoomiyahii hore ee gobolka Sool,Cabdirashiid Barkhadle oo xilkii maanta ku wareejiyey gudoomiyaha Cusub Maxmed Cawad(Tole).

.

Laascaanood,21 July 2004-Xaaflad si wanaagsan loo soo agaasimay oo uu guddoomiyihii hore ee gobolka Sool Dr. C/rashiid Barkhadle Warsame uu xilkii gudoomiyanimada ku wareejinayey guddoomiyaha cusub ee gobolka Sool Maxmed Cawad Baaruud (Tole) ayaa Saaka lagu qabtey xarunta Gobolka ee magaalada Laascaanood. .

Xafladan ayaa waxaa ka soo qayb galay madax badan oo ka tirsan maamulka Puntland oo ay ka mid ahaayeen,Taliyaha qaybta booliska ee gobolka Sool C/laahi Max’ed Cabdi Geelle(Farabadane), Ku xigeenka Duqa Magaalada Laascaanood Axmed Cabdi (Laangadhe),Taliyaha Saldhiga Booliska Cali Ismaaciil Faraax (Cali Qase),Golaha Guurtiga ee Gobolka Sool iyo odayaal iyo waxgarad kale.

Xafladaas waxa hadalo furitaan ah halkaa ka soo jeediyey Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Sool C/laahi Max’ed Cabdi Geelle(Farabadane), isagoo sheegay inay gacmo furan ku soo dhoweynayaan gudoomiyaha cusub, waxaa sidoo kale u mahad naqay Gudoomiyahii hore oo uu ku tilmaamay masuul xilkasnimo leh.

Waxaa iyaguna halkaas ka hadlay xubno ka tirsan golaha guurtiga ee Gobolka Sool ee Puntland ,waxayna u mahad celiyeen Gudoomiyahii hore Dr. C/rashiid Barkhadle oo ay ku timaameen in uu ahaa nin karti badan oo la yimi fir fircooni looga baahnaa gobolkan, waxayna ugu baqeen Gudoomiyaha cusub in uu iska tiiriyo xilkan loo magacaabey, waxaa kaloo ay u balan qaadeen inay la shaqayn doonaan Gudoomiyaha cusub haduu mutaysto.

Waxaa markaa kadib mikrifoonka lagu soo dhoweeyey gudoomiyahii hore ee Gobolka Sool C/rashiid Barkhadle oo halkaas ka jeediyey hadalo ay aad ugu farxeen dadkii xafladaas ka soo qayb galay ,waxuuna hadlkiisa ku sheegay C/rashiid in ay maanta tahay maalin ku haboon in xilka uu ku wareejiyo walaalkii Max’ed Cawad(Tole) oo xilkan loo soo magacaabey , waxaa kaloo gudoomiyahii hore sheegay in Max’ed ka nasiib badan yahay , waayo ayuu yidhi ma jirto cid aniga xilkan igu wareejisey iyo goobaan kula wareegay, waxaana xilkan qabtey iyadoo Xaruntu burbursan tahay Xaalada Gobolkuna aysan fiicnayn.

Wuxuuna intaasi raaciyey Guddoomiyihii Hore Dr.C/rashiid, in uu markii uu xilka qabtay waxqabadkii ugu horeeyey ee uu muujiyey uu ku bilaabay Xarunta gobolka oo iyadu ahayd meel ka guur ah, isaga oo la kaashanayo Ganacsatada Gobolka , waxaana ku guu laystay ayuu yidhi guddoomiyuhu in aan xafiiska gobolka ka dhigo meel nool, oo shaqaysa, iyada oo xilligiisii uu qalabeeyey, wuxuuna tilmaamay mudadii yarayd ee uu xilka hayey waxqabadkiisii in ay Taariikhdu qori doonto.

Waxaa kaloo uu Gudoomiyahii hore u mahad celiyey Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Sool Farabadne, Taliyaha Salidhagga Booliska iyo Golaha Guurtiga ee Gobolka Sool iyo Guud ahaan Dadweynaha Gobolka sidii wanaagsanayd ee ay ula shaqeeyeen mudadii yareyd ee uu xilka hayey, waxuuna u balan qaadey Gudoomiyahan Cusub inuu isla garab tagi doono hiil iyo hooba, waxuuna intaa ku darey oo uu madashii ka cadeeye in uusan aadi doonin Soomalind sida raga qaarkii yeelaan oo ay aadaan ayuu yidhi marka xilka laga qaado,ee aan ku sugnaandoono dalkayga una adeegi doono dalka iyo dadka.

Ugu danbeyntiina waxaa hadalkii lagu wareejiyey Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Sool Max’ed Cawad Baaruud(Tole), waxuuna ugu horeyn u mahad celiyey Gudoomiyhii hore sida wanaagsan ee uu dadka iyo gobolka ugu soo shaqeeyey iyo sida wanaagsan ee walaaltinimadu ku dheehan tahay ee uu xilkan ugu wareejiyey, waxaa kaloo oo uu balan qaaday gudoomiyaha cusubi in uu gobolka wax ka qaban doono, waxuuna ka codsadey dhamaan masuuliyiinta gobolka inay la shaqeeyaan sidii ay ugu fududaan lahayd xilkan muhiimka ah ee maanta loo dhiibay,kadibna waxaa halkaas labada masuul kula kala wareegeen Xilkii Gudoomiye nimada ee Gobolka Sool.

Dr C/rashiid Barkhadle ayaa mudo yar xilkan hayey,isagoo gudoomiyihii isaga ka horeeyey Ibraahim Jaamac Daad uu markii madaxweynaha Puntland Col C/Laahi Yuusuf uu xilaka a qaaday uu u galay Somaliland,isagoo dhowaana dib ugu soo noqday magaalada Laascaanood oo uu hada ku sugan yahay.Dadka ku dhaqan gobolka Sool ayaa waxay is weydiinayaan sababta sida deg dega ah marba gudoomiye cusub gobolka loogu soo magacaabayo,iyadoon wax eed ah oo lagu bedelo gudoomiyaha hore aan la haynin.

Laascaanood online,Laascaanood,Somalaia.

Kor u noqo