Laascaanood online

  Home |  Somalia map | Forum | | Suugaanta | Tacsida

Latest somali news


 


Saraakiil iyo ciidamo ay wataan oo saaka soo gaadhay magaalada Laascaanood.

.


©  Laascaanood online

.

Laascaanood,20,Feb,2004--Wararka naga soo gaadhaya magaalada Laascaanood ayaa waxa ay sheegayaan in ay saaka barqadii ay soo gaadheen magaalada Laascaanood saraakiil badan iyo ciidankoodii,kuwaasoo horay uga tirsanaa malayshiyada Somaliland ayaa isaga yimid maamulkaasi dhul balaadhsiga wada.

Saraakiisha maanta soo gaadhay magaalada waxaa ka mid ah Jaamac Cali Askar oo ahaa ku xigeenkii taliyaha ciidanka gobolka Sool ee maamulkaasi,iyo Ina Quuje. .

Saraakiishan oo si heer sare ah loogu soo dhoweeyey magaalada,waxaa la dejiyey Hoteel iyaga iyo ciidankoodiiba,waxaana raga soo dhoweeyey a mid ahaa,gudoomiyaha gobolka Sool,mudane Ibraahim Jaamac Daad iyo Colonel Cabdirisaaq Afgaduud,Siciid Dheere iyo madax kale. .

Saraakiishan ayaan dhowaan la filayaa inay u waramaan saxaafada,iyagoo aan sheegin wakhti cayiman oo ay warbixin siin doonaan saxafada. .

Wixii war dheeraad ah ee soo kordha dib ayaan idinka soo socodsiin doonaa .

Laascaanood online,Laascaanood,Somalia.

Kor u noqo