Laascaanood online

  Home |  Somalia map | Forum | | Suugaanta | Tacsida

Latest somali news

Kofi Annan oo ka hadlay arinta ka taagan Gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn.

Faraha oo ayaa laga qaadi doonaa dadka imaanaya UK ee ka yimaada wadamada Soomaalia deriska la ah.

Somalia's warlords: Feeding on a failed state.


 


Kofi Annan oo ka hadlay arinta ka taagan Gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn.

New York,USA,22 Jan,2004-Ninka madaxda ka ah golaha qaramada midoobay Mr Kofi Annan ayaa ka hadlay colaada beryahaan ka aloosantay gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn,colaadaas oo u dhaxaysa maamulada Puntland iyo Somaliland,kuwaasoo mid walbaaba ku dacwiyayo in ay goboladaasi ay maamulkiisa hoos tagaan.

Meelo badan oo ka tirsan gobolada SSC ayaa waxay maamulada Puntland iyo Somaliland soo dhoobeen malayshiyooyin ka amar qaata maamuladaas,kuwaas cabsi iyo welwel ku abuuran dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaanadaas. .

Qoraal uu soo saaray Mr Annan oo uu akhriyey ninka afhayeenka u ah oo lagu magacaabo Fred Eckhard ayaa waxa uu yidhi."Madaxa UN-tu Mr Annan waxa uu aad uga xun yahay colaada ay maamulada Puntland iyo Somaliland ka abaabulayaan magaalada Laascaanood,oo ah magaala madaxda gobolka Sool,colaadaas oo ah mid khatar keeni karta,isla markaana ku soo beegantay wakhti uu socdo shir la rabo in soomaalida colaadeedii lagu soo afjaro,hadii dagaalkaasi dhacana soomaalida u horseedi doonta dhibaato cusub".

Qoraalka uu soo saaray Mr Annan ayaa waxa uu ka dalbaday labada maamul ee Puntland iyo Somaliland inay "xaalada dejiyaan,oo ay joojiyaan inay xoog ciidan wax ku xaliyaan"isagoo codsanaya in ay arinta ku dhameeyaan wada hadal.
Colaadan ayaa bilaabatay kadib markii baarlamaanka Somaliland ay ansixiyeen in ay ciidamo u diraan gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn,si ay u soo xidhaan xuduudaha Somaliland,kadibna uu maamulka Puntland uu ciidamo keenay magaalada Laascaanood,halkaasna uu ka dhacay iska hor imaad dhexmaray ciidamada Puntland iyo malayshiyo uu soo aruuriyey Wasiirka reer Miyiga ee Somaliland Fu,aad Aadan Cade,taasina ay keentay inay halkaa ka dhacaan dhimasho iyo dhaawac labaduba.
Gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn ayaa waxay dhul ahaan dhacaan dhulkii uu gumaysan jirey ingiriisku xiligii gumaysiga,balse midowgii gumaysigii dabadiis,labadii qaybood ee soomaaliya 1 july 1960 ayaa la aasaasay dawlad soomaaliyeed oo la baabi,iyey dhamaan xaduudihii gumaysigu dhex dhigay soomaalida,markii dawladii dhexe ee soomaaliya burburtayna,ee colaada u dhaxaysa qabiilada soomaalidu bilaabatayna,waxaa qof walba tegey meeshii uu ku badbaadi karo oo uu reerkiisu dego,waxaana aasaasmay maamulo ku dhisan hab qabiil oo ay ka mid yihiin Somaliland(Isaaq) iyo Puntland(Harti/Daarood).Dadka dega goboladaas ayaa waxay isku reer yihiin dadka kale ee iyaguna dega gobolada kale ee Puntland.
Mr Annan ayaa ugu baaqay maamuladaasi,inay ilaaliyaan xaqa ay leeyihiin dadka shacabka ah,isla markaana ay xaqiijiyaan in gargaar la gaadhsiiyo dadkaas tabaalaysan,oo aanay hor istaagin caawimada u socota goboladaas.
Wuxuu kaloo Kofi Annan ugu baaqay dhamaan kooxaha soomaalida ah inay heshiis gaadhaan,oo ay ka midho dhaliyaan shirka hada uga socda wadanka Kenya,si loo helo dawlada Soomaaliyeed,loona dhameeyo colaada iyo dhiiga la daadinayo.
Shirka soomaalida uga socda Kenya,oo hada socday mudo Sanad iyo dhowr bilood ah,ayaa la isku mari la yahay,in la sameeyo sharci dadka lagu kala hago,iyo baarlamaan guud iyo weliba ergoyinka shirka ka qayb qaadanaya intay le,ekaan doonaan.
Laascaanood online,Nairobi,kenya.


Faraha oo ayaa laga qaadi doonaa dadka imaanaya UK ee ka yimaada wadamada Soomaalia deriska la ah.

London,UK,21 Jan,2004-Waxaa laga qaadi doonaa faraha dadka ka yimaada 5 wadan oo ku yeela geeska afrika ka hor inta aanay soo gelin UK,sidaas waxaa sheegay wasiirka socdaalka ee UK Beverley Hughes.

Arintan ayaa timid kadib markii Home Offiska ama xafiiska arimaha gudaha ee UK,ay ku dhaqaaqeen talaabo ay wax kaga qabanayaan dadka ka yimaada wadamada soomaaliya deriska la ah oo qaar ka mid dadka u dhashay wadamadaasi ay markay codsanayaan qaxootinimo sheegta inay yihiin Soomaali,isla markaana ka yimaadeen soomaaliya. .

Laga bilaabo bisha March ee sanadkan ayaa dadka u dhashay wadamada Ethopia,Djibouti,Ereteria,Uganda iyo Tanzania waxaa laga rabaa in qofka fiise dalbanaya uu farahiisa dhigo,farahaas oo la xafidi doono,si qofkaas fiisaha ku soo galay UK hadii uu is dhiibo markaa loo soo helo.Waxaa iyagana dhowaan arintaa lagu soo rogi doonaa dadka ka yimaada Kenya.

Waxaa kaloo iyana fara laga qaadi doonaa,dadka sita baasaboorada la siiyo qaxootiga ee ka yimaada wadamada kale.
Wasaarada arimaha gudaha ee UK ayaa sheegtay inay og yihiin dad badan oo ka yimid wadamada bariga afrika oo sheegtay soomaali,inay wadanka ku nool yihiin.Baadhitaan lagu sameeyey xaqa luuqada ay ku hadlaan dadka soomaalida sheegta ayaa tusaysa in 10% ay dadka soomaalida sheegtaa ay been sheegayaan.
Dadka qaxootinimada soo weydiista wadanka ingiriiska ayaa 3-dii bilood ee ugu danbeeyey sanadkii tegey kor u kacay 60%.
Hadaba sida ay sheegtay Wasiiradu waxay arintani keenaysaa inay yaraadaan dadka sheeganaya soomaalida ee ka yimaada wadamada kale ee Afrika,isla markaana ay ilaa 100 qof bishiiba wadanka ka saari doonaan,kuwaasoo been ka sheegay wadankii ay ka yimaadeen.
Laascaanood online,London,UK.


Somalia's warlords: Feeding on a failed state.

PARIS,FRANCE- Political solutions have been found for several longstanding conflicts in Africa in 2003 - in the Democratic Republic of the Congo, Liberia and Burundi. The political arrangements in these countries may not necessarily usher in permanent peace and stability, but they at least afford an opportunity to work toward such goals.
Unfortunately, this is not the case for Somalia, where anarchy, violence and chaos have prevailed for 15 years. A national reconciliation conference - the 13th of its kind - has been sitting in Nairobi for 15 months, unable to cobble together a transitional government. As usual, all possible solutions are stymied by warlords, warmongers and wannabe presidents.
. Who are these foes of peace and reconciliation in Somalia? .
The warlords are the worst of the lot. They carry primary responsibility for the agony of the Somali people. They frustrated the United Nations peacekeeping operation in Somalia in the early 1990's, and since then have been undermining all efforts to pacify the country or to set up an effective national government. Their armed militias have murdered hundreds of thousands of Somalis and forced more than a million into exile. .
The warlords have neither an ideology nor a political agenda. Their actions are solely driven by the pursuit of illicit enrichment and war booty. The individual fiefdoms they have carved out are used as a base for the exploitation of confiscated properties, plantations, ports and airports, as well as for drug trafficking, the issuance of fishing licenses for foreign concerns and for arms trade. .
Because of the fortunes made by the first few warlords after the ouster of the dictator Muhammad Siad Barre in 1991, their numbers have been increasing in the last few years. In the capital, Mogadishu, there are no less than six warlords, each controlling a different section of the city and its rural hinterland. .
The warlords are opposed to the creation of effective central or provincial governments, because of the danger such authority would pose for their illegitimate businesses. None of them, of course, would refuse if offered to head such a government, but none would accept a government led by another. .
Then there are the warmongers, the financiers and business allies of the warlords. They run the plantations and manage the ports and airports; they organize the drug-trafficking and arms trade; they establish contacts with foreign companies for banana exports and fishing licenses. They promote the image of the warlords to the outside world as "faction leaders" or "clan elders," and generally put their racketeering activities in a positive light. Every year or two, they print new banknotes which are exchanged against the dollars or euros received by the impoverished population as remittances from relatives abroad. .
The warmongers are as loath to have a peaceful settlement of the Somali crisis as the warlords. An end to the chaos and warlord-created fiefdoms would sound the death-knell for their insidious power. .
Then there are the legions of wannabe presidents. Some of these have already anointed themselves - at present, between Mogadishu and the self-declared states of Puntland and Somaliland, there are no less than five presidents and several prime ministers. .
Others are perpetual candidates for leadership. At the national reconciliation conference held in Djibouti in 2000, a transitional Parliament of 254 members was selected and charged with the task of electing the president of a provisional government. Forty-five of the deputies, almost one-fifth, immediately submitted their candidacies for the post. .
The same circus is being re-enacted at the neverending Nairobi talks, with more than 60 declared candidates among 365 delegates. Most of the pretenders are disciples of the deceased dictator, Siad Barre, under whom they had served. They dream of a lifetime presidency and instant wealth. Whoever among the wannabe presidents does not win the keys to the shop will do everything in his power to thwart its exploitation by others. .
Somehow, Somalis will have to find a solution to their sorrowful predicament. They will have to find in themselves as well as in their history and culture the wherewithal to overthrow the yoke of their homegrown oppressors. .
The odds of this happening are long unless they get a helping hand from other countries, especially their neighbors, as well as from Europe and the United States. Such assistance should no longer be in the form of futile reconciliation conferences, but should focus on criminal prosecution, sanctions and isolation of those responsible for the unending chaos and conflict in Somalia. Die-hard warlords will never reconcile or disarm unless forced to. In the absence of a credible legal system in Somalia, only coercive measures by the international community could help bring to an end their criminal and murderous enterprises. The freezing of the warlords' ill-gotten assets, travel bans on them and their families, sanctions on foreign corporations doing business with them and the establishment of an international commission of inquiry on massacres and mass murders committed by them and their armed thugs would go a long way to pave the way for a real peace in Somalia. .
Equally effective would be targeted assistance to those regions and areas where peace and stability have been secured through civilian-based governance. Helping those relatively calm provinces develop new institutions of self-government and laying the groundwork at the local level for democratic structures and mechanisms would serve as a powerful incentive for others to follow. On the basis of such self-governing units, a new Somali state could be established, perhaps with a federal structure. Attempts to find a magic formula for a rotating presidency among Somalia's warlords, warmongers and wannabe presidents are doomed to failure. .
Warlordism breeds not only domestic terrorism and mayhem, but can provide a useful cover for international terrorist activities. The sooner the Somali people are helped to get rid of warlords, the faster another potential safe haven for terrorists will have been removed from the map. .

. The writer Abdulqawi A. Yuusuf,is general editor of the African Yearbook of International Law and a former lecturer in law at Somali National University, Mogadishu.
Laascaanood online,Nairobi,kenya.

Kor u noqo