Make your own free website on Tripod.com
Welcome to Laascaanood online
 
Latest somali news.
 
 
Somali News.
Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac oo maanta gurigiisa qado sharaf ugu sameeyey waftigii nabadoonka ahaa ee uu horkacayey Gen Cade Muuse.


Gen Cadde Muuse Boqor.

Laascaanood,19-04-04 Waxaa maanta ka dhacay guriga Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac qado sharaf uu garaadku u sameeyey waftigii nabad doonka ahaa ee uu horkacayey Gen Cade Muuse iyo odayaal iyo waxgard badan oo u istaagay sidii ay u damin lahaayeen colaada ka aloosantay meelo badan oo ka tirsan gobolka Sool.
Waftiga Gen Cade iyo garaadka ayaa waxay islaa soo qaadeen sida ugu haboon ee loo soo afjari karo dhibaatada taagan,waxayna ugu horayn isla meel dhigeen in ilaa berito lagu dhawaaqo xabad joojin,lana qabto xaflad deg deg ah oo ay ka soo qayb galaan dhamaan waxgaradka labada beelood ee colaadu dhex taalo,iyo dhamaan dadka kale ee nabada jecel.
Waftiga ayaa horay waxay kulan ula soo yeesheen Garaad Cali Buraale oo u sheegay in uu diyaar u yahay in uu la shaqeeyo waftigan.
Waxaa iyagu horay isu xilqaamay odayaal iyo waxgarad ka yimid degmada Buuhoodle,oo iyagu isla markiiba gaadhay tuulooyinka Dharkayn,Saaxdheer iyo Dabataag,kuwaas oo ku kala dhex jira.

Gen Cade ayaa mar la weydiiyey in dhamaan qaybaha xurguftu u dhaxayso ay ogolaadeen in ay waftigiisu dhexdhexaadiyaan ayaa sheegay in ay Laascaanood u yimaadeen sidii odayaal nabad doon ah,balse aanay imaanshahoodu aanu habayaraatee wax siyaasad ah shaqo ku lahayn,maamulka Puntlandna ay ka madax banaan yihiin.

Laascaanood online,Laascaanood,Somalia.


Powered by www.laascaanood
.com

 

Kor u noqo ama Kulaabo Bogga Hore ee Laascaanood online/ Home
Copyright © 2002 by Laascaanood.com. 

All rights reserved.