Laascaanood online

  Home |  Somalia map | Forum | | Suugaanta | Tacsida

Latest somali news


 


Wasiirka Waxbarashada ee Puntland oo tegey Hargeysa,kadib markii shaqadii wasiirnimo laga joojiyey maalmo ka hor.

.


©  Laascaanood online

Mr Hassan Dhiilood oo reer Hargeysa isu dhiibay.

Laascaanood,20,Feb,2004--Wasiirka waxbarashada ee maamul goboleedka Puntland Mr Xasan Maxamuud Dhiilood ayaa u galay maamulka Somaliland kadib markii mudo dheer ay isha ku hayeen ciidamada sirdoonka ee maamul goboleedka Puntland,iyadoo lagu tuhunsanaa in uu xidhiidh hoosaad uu mudo dheer la lahaa maamulka Riyaale.

Mar aan khadka taleefoonka kula xidhiidhnay madax ka tirsan maamulka Puntland ayaa waxay noo xaqiijiyeen in tegitaanka uu wasiirkaasi tegey ay timid kadib markii uun maalmo ka hor lagu sameeyey shaqo joojin,kadib markii laga codsaday in uu sharaxaad ka bixiyo qodobo fara badan oo lagu soo eedeeyey,kuwaas oo ay ka mid ahaayeen bal in uu sharaxaad ka bixiyo gacansaarka uu la leeyahay maamulka Riyaale,Taasina ay keentay in Madaxweye ku xigeenka Puntland Maxamed Cabdi Xaashi uu wax ka waydiiyo arimahan, kamase uu bixin wax jawaab ah oo la qaadan karo, markii laga waayay wax sugan ayaa Madaxweyne ku xigeenku waxa uu shaqadii ka joojiyay Mr Dhiilood. iyada oo lagu eedeeyay inuu gacan hoosaad la leeyahay Maamulka Riyaale. .

Mr Dhiilood markii lagu sameeyey shaqo joojintaas ayaa si uu jago uga raadsado maamulka Riyaale,ayuu wuxuu doorbiday in uu Hargeysa iska xaadiriyo,isagoo ku eedeynaya madaxda dawlad goboleedka Puntland in ay siin waayeen lacag iyo shidaal uu ku dagaal galo. .

Dhanka kale xaalada magaalada Laascaanood ayaa degen oo waxaa aad looga hadal hayaa suuqyada magaalada baxsadka ninkaa wasiirka ahaa,iyadoo dadka badankiisu ay ku macneeyeen baxsadka wasiirkaas mid la sugayey,oo mudaba la ogaa in uu u sii jeedo dhinaca Hargeysa. .

Laascaanood online,Laascaanood,Somalia.

Kor u noqo