Make your own free website on Tripod.com
Welcome to Laascaanood online
 
Hadaan nahay bahda Laascaanood online Waxaan idiin balan qaadaynaa inaan idinka haqab tirno wixii warar ah ee ka dhacaya aduunka dacaladiisa !
 
 
LAASCAANOOD NEWS AROUND THE WORLD
 
Wararka Somalida Maanta
 
 

Isbitaalka Guud ee Magaalda Laasacaanood oo ka codsanaya jaaliyadaha SSH inay dhaqaale deg deg ah la soo gaadhaan.


©  Laascaanood online

Isbitaalka Dhexe ee Laascaanood

Laascaanood,20 Jan 2003 - Isbitaalka magaalada Laascaanood ayaa waxaa la soo deristay caqabad xaga dhaqaalaha ah,iyadoo ay yaraadeen dawooyinkii iyo daryeelka dadka buka ee ku jira Isbitaalka.

Isbitaalka oo hawlihiisa dib u dhac ku yimaadeen dhamaadkii sanadkii tegey,iyadoo ay isugu darsantay dhaqaalo xumo iyo colaad la soo deristay dadka deegaanka ku dhaqan ayaa waxa maalmihii u danbeysey laga dareemayey dhaqdhaqaaq cusub oo ay maamulka isbitaalku ku dardar gelinayaan hawlaha isbitaalka,iyagoo la kaashanaya odayaasha iyo waxgaradka deegaankaas ayaa waxa ay ka codsadeen dhamaan shacabka u dhashay deegaankaas meel walba ay joogaan inay la soo gaadhaan dhaqaalo deg deg ah.

Dhanka kale isku duwaha arrimaha caafimaadka ee gobalka Sool Dr. Muuse Geele ayaa jimcii gaaray magaalada Laasacaanood isagoo muddo bil ah ka maqnaa magaaladaasi,mar Dr Geele wax laga weydiiyey inay jiraan hay,ado samafal oo ay caawimo ka helaan inay jiraan iyo inkale,waxa uu xaqiijiyey inayan haba yaraatee jirin hay,ad ay ka helaan wax caawimo ah.

Isbitaalka ayaa waxa laga dareemi karaa dhaqaala xumada haysata,iyadoo ay halkaas jiifaan maalin walba bukaan u dhexeeya 150 ilaa 200 qof,kuwaasoo aan helin dawooyin ku filan iyo nafaqo xaga raashinka ah,iyadoo dadka ay eheladoodu raashin uga soo qaadaan guryahooda.

Daryeel xumada bukaanka dhakhtarka Laascaanood ayaa waxaa u sabab ah iyadoo aanu jirin maamul si rasmi ah uga taliya deegaankaan,iyo iyada oo dadka u dhashay deegaankaas ee dibadaha ku nooli aanay wax dhaqaalo ah soo gaadhsiin isbitaalka,waxaana maamulka gacanta hadda ku haya odayaasha deegaanka oo iskood isku xil saaray,kuwaasoo aan lahayn awood badan oo ay ku hawl galaan.


Danjiraha Soomaaliya Uga Wakiilka Ah Qaramada Midoobay Axmed Cabdi Xaashi Xasharo Oo Kulamo Gooni Gooni Ah Kula Yeeshay New York Danjirayaal Ka Socda Dalalka Caalamka.

Washington,USA,20 JAN 2003 - Danjiraha Soomaaliya uga wakiilka ah Qaramada Midoobay Axmed Cabdi Xaashi Xasharo ayaa kulamo gooni gooni ah la yeeshay danjirayaal ka socda dalalka caalamka isaga oo jooga magaalada New York.

Danjire Xasharo ayaa la kulmay safiirada jaamacadda Carabta, Ururka Islaamka, Ururka Midow Afrika iyagoo ka wadahadlay sidii ururadaasi ay mowqifkooda ku saabsan midnimada Somaaliya iya sahanka loogu jiro nabadeynta ay u sii xoojin lahaayeen.

Sidoo kale waxa uu danjire Xasharo dhowr jeer la kulmay safiirka Sinigal u jooga Qaramada Midoobay,wadankaas oo uu dhowaan booqasho ku tegey Daahir Riyaale Kaahin iyagoo ka wadahadlay xiriirka labada dal wuxuuna safiirka Sinigal u cadeeyey mowqifkooda ee ku aadan Soomaaliya isagoo sheegay inay raacsan yihiin go’aanadii ka soo baxay Qamada Midoobay iyo ururka Midowga Afrika ee ku saabsanaa dhowrista midnimada Soomaaliya.
Wadanka Sinigaal waxaa dhowaan booqasho ku tegey Daahir Riyaale Kaahin oo aqoonsi u raadinaya Somaliland.

Sidoo kale danjiruhu waxa kaloo uu la kulmay sii hayaha safaaradda Masar iyo safiirka Urdun kuwaas oo iyaguna uga xog warramay sahanka nabad raadinta iyo taageerada ay u hayaan arrimaha Soomaalida.

Dajiraha ayaa la kulmay safiirka Shiinaha u fadhiya Qaramada Midoobay isagoo uga mahad celiyey taageerada ay siiyaan Shiinaha Soomaalida golaha ammaanka iyo ogolahaashaha ay shiinuhu ogolaadeen inay horumuud ka noqdaan arrimaha Soomaaliya.


C/LLAAHI YUUSUF: “Shirku waa inuu socdaa, waa in guul la gaadhaa, ninkii diidana waa in laga takhalusaa”.


©  Laascaanood online

Madaxweynaha Puntland,C/llaahi Yuusuf Axmed

NAIROBI,KENYA,20 JAN 2003-Madaxweynaha Dawlad goboleedda Puntland Col. C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa galabta 3:30kii ka soo degey garoonka caalamiga ah ee magaalada Eldoret. Waxaana halkaas ku soo dhoweeyey wefti uu hogaaminayo madaxweyne ku xigeenka Puntland Mudane. Maxamed Cabdi Xaashi oo kala ahaa Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee baarlamaanka Puntland Mr. Kulan, Wasiirka caddaaladda Puntland Cawed Casharo, Wasiirka dib u heshiisiinta Puntland Mudane Jinni Boqor. Waxaa kaloo soo dhoweeynta Col. C/llaahi Yuusuf ka qayb galay saraakiil ka socota gudiga farsamada IGAD, gudoomiye ku xigeenka ururka SPM/SRRC/NAKURU mudane Cadillaahi Cismaan Maxamuud, Cabdillaahi Sheekh Ismaaciil oo ka mid ah la gudoomiyaasha isbahaysiga SRRC, Mudane. Cumar Aadan Dhebed oo ah gudoomiye ku xigeenka maamulka Gobolka Hiiraan, Gudoomiyaha RRA Mudane Xasan Maxamed Nuur Shaati Guduud. Haween iyo odayaal ka socda ergooyinka ka qayb gelaya shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee Eldoret iyo dad kale oo aan yarayn.

Col. Cabdillaahi Yuusuf oo ay safarkiisa ku wehelisey marwadiisa Xaawo Cabdi Samatar ayaa markii uu saxiixay buugga marti sharafta kaddibna weriyayaasha kula kulmay qolka martida ee garoonka Moi international airport ayaan nasiib u yeeshay inaan weeydiiyo dhawr su’aalood oo ay ugu horaysey bal inuu madaxweeynuhu iiga warramo nabad gelyada guud ee Puntland, wuxuuna ku jawaabay:

“Bismillaahi Raxmaani Raxiim, Nabad gelyada guud ee Puntland aad iyo aad ayeey u wanaagsan tahay, waana meesha ugu xasiloon geyiga Soomaaliyeed maanta, Midda kale intii aan Soomaaliya jirey dalka Kenya doorashaa ka dhacday, dawlad cusub baa dhalatay, aad iyo aad baan ugu hambalyaynayaa madaxweeynaha cusub, golihiisa wasiirada iyo baarlamaanka intaba, dawladdii horena waan u mahad celinayaa waayo iyagaa markii hore hawsha qaban-qaabada shirka gacanta ku hayey oo waddey”.

Su’aal: Intii aad ku maqnayd Puntland waxaa kugu qabsaday dagaaladii Laascaanood iyo Dhuudo ka dhacay, dagaaladaasi hadda xagee ayeey ku dambeeyeen?.

Col. C/llaahi Yuusuf: Laascaanood annagu kamaanu dagaalamine shacabkii deegaanka ayaa dagaalamay, ninkii isagoon cidna ruqso uga qaadan meesha iska soo galay iyagaa iska saaray. Puntland baa wax weerartay iyo Puntland baa wax dishey waxaasi wax jira ma aha, shacabkii baa ku kacay, shacabkii baa iska eryey. Xaq bayna u lahaayeen inay sidaas yeelaan, ninkii gar-darro ku yimaadana in sidaa loo galo waxay ila tahay inay xaq tahay. Dhinaca kale niman shufta ah ayaa kacay oo dadkii nafta u keenay, wadooyinkii isu taagey, hantidii dadweeynaha dhacay, dadkii inay laayaan bilaabay, sal dhigyo shuftanimo ah Puntland gudaheeda ka samaystay, kuwaas waanu sifaynay, wax yar oo ka hadhayna Somaliland bay galeen, Waxaanuna rejaynayanaa inay wax yar ee hadhay ay nabad qaataan, annagu nabad baanu ugu baaqnay, hubkana ay iska soo dhiibaan, nabadna qaataan, dadkoodana la mid noqdaan.

Su’aal: Arintii lacagta iyo dhibaatooyinkii ka dhashay maxay ku dambeeyeen?.

Col. C/llaahi Yuusuf: Arrintii lacagta waa la xaliyey, waxaanu nimankii keenay ku khasabnay inay iyagoon la khasbin si ikhtiyaar ah u soo xareeyaan, waa la soo xareeyey dawladdaana gacanta ku haysa, Bangiga dawladay taal, dhaqaalihiina wax dhibaato ah oo ay u geeysatey ma jirto, wax sicir barar ah oo dhacay ma jiraan, mana aqbalayno wax caynkaas oo kale ah oo sharci darro ah, oo dhaqaalaha wax yeelaya oo dadka noloshiisa wax yeelayaa inay dib dambe Puntland uga dhacaan.

Su’aal: Shirka Eldoret ka socda oo aad mar hore si kedis ah uga tagtay ka warran rejadiisa?.

Col. C/llaahi Yuusuf: Dadka Soomaaliyeed rejo weyn bay shirkan ka qabaan, waxayna shirkan ka sugayaan inay dawlad qaran ka soo baxdo, markii aan ka tegayey shirkana si xasiloon baan ku tegey, fasax baan qaatay, ruqsaa la I siiyey, hawlo dalka ka jirey awgood baanna u tegey, waxaana halkan noo joogey ergadii Puntland iyo madaxweyne ku xigeenkii, anigana shaqooyin gudaha ah ayaa la iiga baahday, wax dhibaato ah oo kalena ma jirin, wax shirka ku saabsan oo aannu shirka saluugaynayna ma jirin, qalalaase culus oo Puntland ka jireyna ma jirin, arrimo maamul oo runtii awel iyagoo qabyo ah aannu ka soo tagnay ayaan u aaday inaanu soo xalino. Haddana arimihii muhiimka ahaa ee nalooga baahnaa waan soo dhamaynay, waxaanuna u soo noqonay shirka, waayo ergadaan ka mid ahay, inaan raga ka qayb gelaya kala shaqeeyo sidii shirka guul looga dhalin lahaa ayaan u soo noqday. Dadweeynihii aan ka imidna raalli bay ku ahaayeen, waxayna sugayaan shirkani dhamaadkiisa inay dawlad qaran Soomaaliya uga soo baxdo.

Su’aal: Haddii ay hogaamiyaasha ururadu ku guul darraysteen inay ka midho dhaliyaan 14 shir, maxaa idinla gudboon inaad shirka Eldoret la timaadaan?.

Col. C/llaahi Yuusuf: Dadka shirka jooga oo dhami wada hogaamiyayaal urur ma aha, anigu Puntland ayaan ka imid, madaxweyne ku xigeenkii Puntland waa kan, annagu dawlad goboleed (Reoginal state) ayaanu nahaye urur ma nihin, waxaana laga yaabaa inay qaarkayo hogaamiyayaal kooxeed yihiin, nin kasta iyo qof kasta oo Soomaaliyeed oo masuuiliyad hayana waxaa laga rejaynayaa inuu dhibaatada Soomaaliya haysata sidii looga saari lahaa uu xoogiisa saaro, oo gacan weyn ka geeysto, niyad sami la yimaaddo, oo wixii Soomaali dan u ah lagu heshiiyo, dad khilaafaad wadaa hadday jiraanna haddee hadday gar leeyihiinna gartooda ha la eego, haddii ay gar darran yihiina waa in la yidhaahdaa wad gar-darran tihiine joojiya, bani-aadamkuna haddii marka ay khaldan yihiin la odhan waad khaldan tahay, wuxuu doonuu samaynayaa.

Su’aal: Maxaa iminka shirka ka hadhsan?.

Col. C/llaahi Yuusuf: Gudiyadii haddii ay hawshoodii dhameeyeen ama soo dhamaynayaan waxaa nin kasta oo wax garanaya oo shirka ka maqan laga rejaynayaa inuu shirka yimaaddo, hawshii gudiyada in loo fadhiisto, wejiga 2aad hawshii noo tiil in la dhameeyo, dabadeedna wejiga 3aad loo gudbo.

Suaal: Sidee ayuu kuugu muuqdaa khilaafka hogaamiyaasha Soomaalida iyo Gudiga farsamada IGAD ka dhex taagani?.

Col. C/llaahi Yuusuf: Gudiga farsamada IGAD iyo dawladaha deeqda bixiyaa shirka ha ka daayeen fara gelinta, dhibaataynta, dad aysan Soomaaliyi wakiilani inay meesha soo galaan, dano gaar ah hadday leeyihiin, dee dano gaar ah dalalkooday ku leeyihiine Soomaaliya annagaa masuul ka ah, annagaa Soomaali ah, annagay noo taal wixii Soomaaliya wanaageeda ah inaanu garano oo markaa ku tilaabsano. Soomaali wixii na diiddana way nala arkayaan, inta badani waxba diiddi mayaane wax bay hagaajinayaane, inta badan in la saacido ayaa loo baahan yahay, oo garab iyo gaashaan loo noqdo. Wax nalagu khasbaanan yeelayn, ajande nalagu khasbaanan yeelayn, wixii Soomaali dan u ahna anagaa naqaan, in annaga nalaga dambeeyo weeye.

Su’aal: Maxaa sababay bay kula tahay khilaafakaas?.

Col. C/llaahi Yuusuf: Soomaalida iyo Gudiga farsamadaa is haystey, ammuuro halkan ka dhacay ayaana la isku haystey, in la xaliyey iyo in kalena kama war qabo. Waxaa loo baahan yahay dadka Soomaalida ah oo masuuliyiinta ah oo jooga, ergooyinka ay keensadeen iyo siday iyagu dadkooda iyo dalkooda u doonayaan in lagu xushmeeyo oo la dhawro hanaankii shirka ee lagu heshiiyey. Oo dadka aan cidina keensan ee la magacaabayo la joojiyo hadday dawlado ka dambeeyaan iyo haddii ay gudiga farsamada keligood tahayba, dabeeto waxaa loo baahan yahay dadku go’aankooda inay iyagu gaadhaan, inta badani go’aankii ay gaadhana waa in la socodsiiyaaye, ninkii diiddan ama doonaya inaysan waxba dhalan in la maqlo ma aha. Shirku waa inuu socdaa, waa in guul la gaadhaa, ninkii diidana waa in laga takhalusaa, wuxuu doono ha noqdee.

Ergadayadii waa joogtey, madaxweeyne ku xigeenkaa madax u ahaa, anigoo xagga joogey iyo iyagu waan isku xirnayn, wixii ay wax ka go’aamiyeenna waan waafaqsanahay, waxii ay diideenna waan ku waafaqsanahay, Soomaali inteeda badanina wanaag bay rabtaa, waxaanan qabaa intaa wanaagga rabta inaan ka mid ahay, intaasaanan la shaqaynayaa, ninkii wanaagga diidana waa la isla arki doonaa oo tuke cambaarluu noqon doonaa. Waxayna ila tahay dadka Soomaaliyeed inuusan hadda wixii ka dambeeya yeelayn dagaal sokeeye oo iska socda oo 12 sano socday in lagu sii hayo, oo wixii la doono la bi’iyo.

Su’aal: Madaxweyne ka warran ka bixidda uu Muuse Suudi shirka ka baxay?.

Col. C/llaahi Yuusuf: Muuse Suudi Yalaxow inuu shirka ka tegey waan maqlay, wuxuu ku hadalyna waan maqlay, ( qosol yar) haddana u jawaabi maayo. Waxaanse ka codsanayaa annagu in danaha Soomaali la ilaaliyaan meesha u joognaaye haddii uu danaha Soomaaliyeed nala ilaalinayo, inuu dib u soo noqdo, shirka ku soo noqdo, wuxuu xaq u leeyahay hadday jirtana uu sheegto.

Waxaa isku soo dubaridey
Ibraahim Maxameddeeq
Source:SomaliTalk.
E-mail: imdeeq@hotmail.com


Kenya Replaces Envoy to Somalia Peace Process

NAIROBI,KENYA,20 JAN 2003-The Kenyan government has appointed former ambassador Bethwell Kiplagat to replace Elijah Mwangale as special envoy to the Somalia peace process.

The Sunday Standard daily reported that the change is meant to inject new momentum into the Somalia peace talks, which are being held in Kenya's western city of Eldoret.

The talks have been engulfed by confusion over the modalities of participation and funding, with Somali participants accusing Mwangale of mismanaging the talks.

Mwangale had served as the chief mediator of the talks, for he was the chairman of the technical committee of the Inter-Governmental Authority on Development that organized the talks.

This round of peace talks on Somalia started in Eldoret on Oct.15 last year, and Somali faction leaders reached a ceasefire agreement on Oct. 27. However, incidents of violating the agreement have been frequently reported.

Somalia has been without central government since the 1991 overthrow of military dictator Mohamed Siad Barre.

A transitional government set up in August 2000 is based in Mogadishu but controls only parts of the capital and pockets of the rest of the country.


Three survivors.

``Aisha''Asylum seeker from Somalia

THE WAR started around 1991 when I was 71/2 turning 8. The gun shots rang out. The rebels came to our homes and told us to leave. My mother didn't think twice and asked us to pack our necessities and told us it was time for us to go. The only thing I remember that day is my next door's neighbor's youngest daughter was held upside down, and a rebel had a machete in his hand.

When we were on the road it was hard enough keeping safe because there were always thieves from Mogadishu to Kismaayo. I was with my mother, my three siblings, and a lot of my cousins and neighbors. Before we got to the camp we reached the border of Kenya and Somalia, but we could not get in easily. We stayed at the border for three days. When we finally passed the border we went to the Watanga camp in Mombasa and stayed there for five years until it closed down in 1995.

In refugee camps, there are angry people and there are people who are at peace with everything that has happened. The anger in people is revenge. They don't think about anything else. Then there are people at peace, who believe that whatever happened to them happened for a reason. That's what basically got me through - my mother. My mother was very peaceful with herself first. She raised us all on her own; our father left us when I was 2 years old. When we were fleeing, women were raped around her - she was probably one of them; she just wouldn't tell us.

I am religious in a sense. When you look at me, you cannot tell I am a religious person, but inside I am. I have a lot of the holy book, the Koran, in my head, and it keeps me going. It answers a lot of my questions and doubts I have in life.

I finally came to America in December 2000. I received a letter from the INS saying that I can stay in the USA until they decide my status here, so I am basically just hanging on a thread.

In Somalia there has been a civil war between tribes. I am half Somalian and half Middle Eastern. I do not look like a Somali, which automatically would get me a bullet in the head, which makes it worse. I believe that I am free here in America. When I was back home I could not wear pants; I wear them here. When was back home I could not work; I can work here. When I was back home you can never ever speak your mind against a dictator or leader otherwise you will be dealt with; here you can go on ''Saturday Night Live'' and insult George Bush, and it's all good. This country is free, that's how I feel. The USA has given me the opportunity to become a carpenter. You will not see a female carpenter in Africa.


 
 


 
 

Kor u noqo ama Kulaabo Bogga Hore ee Laascaanood online/ Home
Copyright © 2002 by Laascaanood.com. 

All rights reserved.