Make your own free website on Tripod.com
Welcome to Laascaanood online
 
Baaqyada nabadeed.
 
 
Baaq Nabadeed.
Baaq Nabadeed ay soo saareen beesha Dhulbahante ee ku nool wadanka Denmark

BY:Said Adam

E-mail: gaalalajoog@hotmail.com



Baaq Nabadeed ay soo saareen beesha Dhulbahante ee ku nool wadanka Denmark .


Anagoo ku hadleyna magaca bessha Dhulbahante ee ku nool wadanka Denmark,
waxaan tacsi wadajir ah u direynaa dhamaan dadkii ku naf waayeey
rabshooyinkii dhowaan ka aloosmay degaanka Sool.

Dhacdadani waxaay ka mid tahay, waxyaalaha foosha xun ee laga dhaxlay
mudadii dheereyd ee burburka iyo dowlad la`aantu ka jirta guud ahaan
Soomaliya. Sidoo kale  waxaay dhibaatdani si gaar ah u taabaneysa qof walba oo
degan ama ku abtirsada deegaanka Sool , Sanaag, Hawd iyo Nugaal.

Xasilooni daro sii socota oo joogta ahina, waxay sii oogeysaa in kalsooni
daro ka abuurto beelaha isdhexyaal oo iyaga dhiig iyo dhalashaba wadaaga.

Dhibaatada noocan ah oo ku cusub deegaanka, ayaa waxay muujineysaa sida
tafaraaruq ugu jiro bulshada ,taas oo weliba sababi karta in siyaabo kala
duwan dad badani wax u arkaan kana faa`iideystaan khilaafaankan.

Mase filahyno in taasi dhacdo, taas badelkeed waxaan rajeyneynaa in xaaladu ay noqoto mid mideysa jawiga siyaasadeed ee ka taagan Gobolka Sool, dadkuna ay meel uga soo wada jeestaan iyaga oo ku midoobaya feker keliya, si marka khilaafka ka dhex dhaca beelaha walaalaha ah luuu dhamayn lahaa wanaag iyo gacaltooyo.

Waxaan ku boorineynaa Garaadada, Isimada, Cuqaasha, Indheergaradka ,Aqoonyahanada, Hooyooyinka,Dhalinyarada iyo Culumaa`udiinka ku nool degaanka, inay meel uga soo wada jeestaan,sidii xal loogu soo dabaali lahaa khilaafkan mowqif isku mid ahna looga gaari lahaa.

Waxaan kale oo rajeyneynaa in ay xaaladni noqoto tii ugu danbeyse ee noocaan
ah ee ka dhacda deegaanka, sababta oo ah waxay bulshadeenu caan ku tahay in ay ku waana qaataan khaladaadkooda.

Baaqan waxaa soo saaray dadka kala ah:

Ciise Garaad Soofe
Faarax Ciise Cabdi
Xassan Xaaji Cilmi Samatar
Maxamed Xassan “Sadiiq”
Ciise Hassan Raan
Maxamud Cabdi Galeydh
Yasin Axmed Nuur
Said Cabdi Seberey
Cabdalla xaaji Axmed “ shimbir”
Cabdicasiis Ismail Shabac
Cabdirashiid Maxamud Cawed “Waraabe”
Ismail Cawil Waraabe
Cabdiqani Axmed Maxamed
Xassan Aadan Geele Maxamud
C/qadir Axmed Xirsi “salma”
Xussen Muuse Maxamed “Dacar”
Cabdirashiid Ina xagaafe
Ciise Maxamud Cabdi
Cabdi Ismail Cali “Tawakal”
Maxamud Caamir Cawed
Axmed Xassan Cali
Maxamed Axmed Maxamed
Said Jamaac “tuwantisekis”
Jaamac Muuse Ciise
Ibraahim Cabdi Jaamac
Saahid Shariif Dhegacade
Axmed Maxamud Cabdi
Yuusuf Xassan Naaleeye
Ismail Maxamed Cali “Wadaad”
Cabdirisaaq Ibraahim Ataash
Maxamud Adan Camey “Jebshe”
C/risaaq Bile Guure
Said Isamil Adan “Gaalalajoog”
Cabdi Cawil Cali ladane
Axmed maxaud Kaarshe
 

Contact:Said Adam

E-mail: gaalalajoog@hotmail.com


Powered by www.laascaanood
.com

 

Kor u noqo ama Kulaabo Bogga Hore ee Laascaanood online/ Home
Copyright © 2002 by Laascaanood.com. 

All rights reserved.