Make your own free website on Tripod.com
Welcome to Laascaanood online
 
Hadaan nahay bahda Laascaanood online Waxaan idiin balan qaadaynaa inaan idinka haqab tirno wixii warar ah ee ka dhacaya aduunka dacaladiisa !
 
 
LAASCAANOOD NEWS AROUND THE WORLD
 
Wararka Somalida Maanta
 
 

Shirkada isgaadhsiinta ee lagu magacaabo Telecom oo hawlaheedii si rasmi ah uga bilowday magaalada Laascaanood.


©  Laascaanood online

Telecom oo si rasmi ah hawlaheedii u bilowday.

Laascaanood,19 Feb 2003 - Shirkada Telecom oo ah shirkadii labaad oo ku hawlan hawlaha dhinaca isgaadhsiinta taleefoonada iyo internetka ayaa hawsheedii si rasmi ah u bilowday maalintii sabtidii 15 jan 2003,shirkadan cusub oo tartan kula jirta shirkadii hore ee magaalada horey taleefoonada u gelisey ee Telsom,ayaa si weyn u soo jiidatay shacabka magaalada,iyadoo ka sakoow taleefoonada guryaha ay u fududaysay dadka isticmaala taleefoonka mobileka ah inay si fudud ugula xidhiidhaan mobilkooda meel kasta ay joogaanba dadka eheladooda ah.

Shirkadan ayaa maalmaha inagu soo foolka leh si rasmi ah u furi doonta qalabka internetka,iyadoo ay dad badani durba liiska macaamiisha ee shirkada buxiyeen,iyagoo dalbanaya inay noqdaan kuwa ugu horeeya ee aaladaas hela.

Waxaa kaloo iyaguna soo dhigtay qalbkoodii laba shirkadood oo kale oo iyaguna tartanka suuqa ka qayb qaadan doona,shirkadahaas oo midba mida kale isku dayaysa inay ka macaamiil badato.

Garaad Saleebaan oo u kala dab qaadaya maamulka Cabdillaahi Yuusuf iyo kooxda ka soo horjeeda ee Cade Muuse

Laascaanood,19 Feb 2003 - Waxaa maalmahan socdey dhaqdhaqaaq nabadeed oo la doonayo in lagu soo afjaro khilaafka siyaasadeed ee ka taagan deegaamada Puntland,deegaankaas oo bilihii la soo dhaafay ay ka taagnayd xiisad siyaasadeed oo keentay khasaaro fara badan oo naf iyo maalba leh.

Dhaqdhaqaaqan nabadeed ayaa bilowday kadib markii madaxweynaha maamulka Puntland Cabdilaahi Yuusuf Axmed uu soo saaray baaq nabadeed oo uu ku dalbanayey in khilaafka siyaasadeed lagu dhameeyo nabad,balse waraysiyo ay bixiyeen raga ka soo horjeeda maamulka Cabdilaahi Yuusuf ayaa ku gacan saydhay bayaankaas uu soo saaray Cabdilaahi yuusuf,kuwaas oo ku tilmaamay in aanay dhab ka ahayn Cabdilaahi Yuusuf nabada uu sheegayo,oo uu doonayo uu kaliya in uu ku qanciyo ra,yul caalamka in uu yahay nin nabadeed.

Balse warar aan ka helay ilo lagu kalsoon yahay oo ku sugan magaalada Laascaanood ayaa waxay noo xaqiijiyeen in Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo ka mid ah garaadada beesha Dhulbahante oo ku sugan tuulada Sarmaanyo oo ah tuulo u dhow meesha ay ku sugan yihiin kooxda uu hogaaminayo Cade Muuse Boqor ee Ceelafweyn ee gobolka Sanaag ayaa u guntaday sidii uu ugu kala dabqaadi lahaa Cade Muuse iyo Cabdilaahi Yuusuf,isagoo Garaadku sida wararku nagu soo gaadhayaan la sameeyey xidhiidh labada dhinacba.


 
 


 
 

Kor u noqo ama Kulaabo Bogga Hore ee Laascaanood online/ Home
Copyright © 2002 by Laascaanood.com. 

All rights reserved.