Laascaanood online

  Home |  Somalia map | Forum | | Suugaanta | Tacsida

Latest somali news

Xaalada magaalada Laascaanood oo degen, kadib markii ciidamadii taabacsanaa Somaliland dib ugu noqdeen Oog

Bayaan ay soo saareer ururka haweenka Gobolka Sool

Waraysi Garaad Saleebaan Garaad Maxamed .


 


Xaalada magaalada Laascaanood oo degen,kadib markii ciidamadii taabacsanaa Somaliland dib ugu noqdeen Oog

Laascaanood,02 Jan,2004-Xaalada magaalada Laascaanood ayaa maanta degenayd kadib markii maalmihii ugu danbeeyey ay soo food saartay daruur colaadeed,oo welwel iyo welbahaar ku abuurtay dadka ku nool magaaladaas iyo nawaaxigeeda,colaadaas oo bilaabatay kadib markii baarlamaanka Hargeysa uu ansixiyey in guluf colaadeed lagu qaado gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn,si sida ay sheeganayaan la soo xidho xuduudaha Somaliland,xuduudaas oo ah xuduudii uu samaystay gumaystihii ingiriiska.

Kadib markii ay ciidamada booliiska ee dawlad goboleedka Puntland oo uu horkacayo taliyaha ciidanka boliiska ee Cabdirisaaq Afgaduud ay hawgalo kala duwan ka fuliyeen meelo badan oo ka mid ah gobolka Sool,meelahaas oo ay ka mid ahaayeen,iyagoo markii ugu horeysey kala dhex galay,laba beelood oo ku sigtay inay isku hardiyaan tuulada Dabataag,iyo iyaga oo markii ay arintaas fuliyeen u soo gudbay dhinaca caasimada gobolka ee Laascaanood,halkaas oo ay baneeyeen dhamaan dhismayaashii dawlada ee dadka ka dhexeeyey,kuwaas oo 13-kii sano ee aynu soo dhaafnay ku jiray gacan dad shacab ah oo mudo badan looga caal waayey inay dhismayaashaas aadka loogu baahan yahay baneeyaan.Talaabooyinkaas ay qaadeen ciidankaasi ayaa si buuxda u soo dhaweeyeen dhamaan shacabka gobolkaasi,maxaa yeelay waa markii ugu horeysey oo ay arkaan ciidamo heegan u ah inay ka shaqeeyaan danaha guud ee shacabka.

Arintu si kastaba ha ahaatee waxaa magaalada laga dareemayey maalmihii aan soo dhaafnay is bedel weyn oo xaga nabadgelyada ah,iyada oo la soo rogay bandow habeenkii ah,iyo iyada oo la mamnuucay in gebi ahaanba magaalada lala dhex maro wax hub ah,iyo in weliba si joogto ah loo bixiyo cashuurta dadka ganacsatada ah xaqa loogu leeyahay si loo sugo nabadgelyadooda.Waxaa iyaguna hawl galay shaqaale fara badan oo ka hawl galay dhismayaashii la baneeyey,dhismayaashaas oo ay ka mid ahaayeen Xarunta dhalaanka iyo hooyada(MCH),Xaruntii booliiska,Xabsigi oo dib u habayn lagu hayo,Dugsigii hoose oo isna dib u habayn lagu wado iyo meelo kale oo badan oo dhamaantood muhiimad weyn u leh dadka shacabka ah.

Mar aan maanta khadka taleefoonka kula xidhiidhnay qaar ka mid ah waxgaradka gobolka,oo ku sugan Laascaanood waxay noo xaqiijiyeen in ciidamadii ka soo duulay dhinaca Hargeysa ee qaarkood maalmahan soo gaadheen boholaha Xargaga ay dib ugu laabteen dhinaca magaalada Caynaba,kadib markii odoyaasha deegaanku ay ka codsadeen inay deegaamadii ay ka yimaadeen dib ugu laabtaan,naftoodana aanay khatar gelin.

Odayaashaas aan la xidhiidhnay ayaa waxay kaloo noo xaqiijiyeen in rag uu ka mid yahay Xasan Geerash oo BBC-da laga sheegay in xabsiga Garoowe loo taxaabay,in markiiba la sii daayey odayaashaas kadib markii ay balan qaadeen inaanay wax rabsho ah magaalada ka samayn doonin.Waxaa isaguna ilaa hada magaalada ku sugan Wasiirka Reer Miyiga ee SL Fu,aad Aadan Cade oo ka mid ah raga colaada hurinaya ee Hargeysa ka amar qaata, balse mar ay ciidamada booliiska ee Puntland ay gacanta ku dhigeen Fu,aad,markii uu soo galayey magaalada ayaa wuxuu balan qaaday in uu yahay nin shicib ah oo reerkiisii u socda,colaadna aan wadin,markaas ayaa Garaad Saleebaan oo ka mid ah garaadada beesha dhulbahante ka codsaday inay iska sii daayaan ninkaas,hadii aanu colaad wadin, balse markii uu magaalada soo galay ayuu bilaabay in uu urursado wiilal dhalinyaro ah oo uu ku kasbaday lacag fara badan oo uu watay.

Mr Faratoon oo isna ka mid ah Wasiirada SL ayaa isna wada olole uu ku doonayo in uu ku kasbado maleeshiyo u dagaalanta,isaga oo ku dadaalaya in uu qaab beeleed arinta ka dhigo,balse cidan yar oo uu kasbaday,oo markii hore qaarkood soo galeen magaalada,markii danbana u baxay dhinaca Xargaga,ayaa hada u kicitimay dhinaca Caynaba.

Isku soo wada duuboo xaalada magaalada ayaa ka soo raynaysa,iyadoo ay magaalada wado walba marayaan ciidamada boliiska ee Puntland,kuwaas oo raxan raxan u socda.Khasaarihii ugu weynaa wuxuu dhacay shalay,kadib markii nin ka mid ah dhalinyarada magaalada,ay ciidamadu ka codsadeen in uu dhigo qoriga uu sito,kadibna uu amarkii ciidamada qaadan waayey,kadibna ay awood kaga qaadeen qorigii u sitay,kadibna uu tooreey isku dayey in uu ku dhufto mid ka mid ah ciidamadii booliiska,taasina ay sababtay in askarigii oo iska difaacaya toorayda uu xabad la beegsaday ninkii toorayda sitay ,halkaana uu ala ha u naxariistee uu naftiisii ku waayo.

Dhanka kale odoyaasha deegaanka,ayaa ku dadaalaya inay ka hortagaan inta karaankooda ah,in la isu adeegsado dadka u dhashay deegaankaas,iyagoo u adeegaya dadka doonaya inay abuuraan dagaal ka dhex qarxa dadka wada dega goboladaas.

Kor u noqo


Bayaan ay soo saareer ururka haweenka Gobolka Sool

Laascaanood (Radiolaascaanood) – Ururka haweenka gobolka Sool ayaa qoraal ay soo gaadhsiiyeen waraqabadka Idaacadda Laascaanood ayaa waxa uu u qoraa sidatan:

Ururka haweenku waxay baaqooda ku bilaabeen annagoo ah haweenka u dhashay mandaqada Sool, Sanaag iyo Cayn waxaanu soojeedinaynaa in aanan raali ka ahayn maamulka Hargeysa ee ku soo duulaya degaanka Sool, Sanaag iyo Cayn . :

Haddaba waxaanu u sheegaynaa maamulka riyaale in aanu dhisanay annagga iyo isimadayada maamulka Putland ciidamada booliiska ee joogaana ay yihiin kuwa aanu annaggu raali ka nahay, maadaama aanu u baahanay haddaanu nahay hooyooyinka u dhashay mandaqadan sool, sanaag iyo cayn nabadgelyo waayo annaggu waxaanu haysanaa agoomo dad jilicsan oo waayeel ah markaa uma baahnin nin ka soo duulayo Hargeysa.

Markaa waxaanu mar labaad u sheegaynaa maamulka hargeysa in uu meeshiisa ku raali ahaado, dadka aanu deriska nahay waxaanu jecelahay in aanu ku wada noolaano derisnimo wanaag. .
1.Saaqa Soofe muuse.
2.Basra Cabdi Shukuur.
3.Maryan CumarJaamac Wadaad.
4.Khadiija .X. Hiirad..
5.Khadiija Ismaaciil Warsame.
6.Wiilo Cilmi Dhuub.
7.Xaawo .x. Ducaale.
8.Caasha x. Cilmi Samatar.
9.Asli Shire Bile Cabdi.
10.Kiin Maxamed Cabdi Geelle.
11.Maryan Cismaan.
12.Canab Siciid Cali.
13.Sahra Cabdi Saleebaan.
14.Qorshe Wadaad.
15.Samiira Muuse Ciise.
16.Canab Haybe Cabdi.
17.Xaliimo Cali Cismaan.
18.Ayaan Xasan Jaamac.
19.Faadumo Jaamac Xuseen.
20.Foosiya Baashe Diiriye.
21.Khadiija Nuura C/raxmaan.
22.Caasha Nuurs C/raxmaan.
23.Sahra Cumar Jaamac Wadaad.
24.Xalwo Cumar Cadho.
25.Basra Maxamed Saleebaan.
26.Canab Dalmar.
27.Maryan Maax.
28.Shukri Warsame.
29.Ifraax Cali Abshir.
30.Saaqa Nuur Jibriil.
31.Raaxo Dhifil.
32.Nimco dhifil.
33.Samira dhifil.
34.Saynab Badmaax.
35.Aamina Cali bare.
36.Khadra saalax.
37.Caasha cabdiraxmaan.
38.Jamaad Cali gaas.
39.Shukri maxamuud.
40.Najax maxamed xasan.
41.Tamaad cali gaas.
42.Faadumo Cabdi.
43.Nimco cambaabur.
44.Faadumo axmed.
45.Faadumo Jaamac.
46.Baar cabdi yare.
47.Sargo’an Xaaji Abokor.
48.Xaali dhawdhwale.
49.Farxiya abshir maxamed.
50.Rooda Xuseen yare.
51.Ardo jaamac.
52.Canab yuusuf Faarax.
53.Asli aadan gurey.
54.Aamina xaaji maxamed.
55.Faadumo xaaji maxamed.
56.Cawrala cawaale.
57.Cibaado saleebaan.
58.Aamina dhegadheere.
59.Caasha maxamed Ismaacil.
60.Sureer Cawad axmed.
61.Faadumo yuusuf.
62.Xaawo axmed yuusuf.
63.Caasha Guleed cali.
64.Caasha bare.
65.Khadiija ciise bare.
67.Deeqa Maxamuud..
68.Kinsi jaamac.
67.Saynab Cali cabdi.
68.Khadiija maxamed cabdi.
69.Xiis cabdi suleebaan.
70.Sureer maxamed cali.
71.Xaalimo ismaaciil.
72.Xaliimo Khayre.
73.Hodan Ukun.
74.Caasha xasan cali.
75.Cibado khaliif.
76.Faadumo jibriil cali.
77.Sahra cali nuur.
78.Khadra muuse.
79.Sahra Xasan.
80.Xaawo Geelle.
81.Xaawo axmed.
82.K hadiija mire cali.
83.Shukri maxamud.
84.Canab x. hiirad.
85.Ifraax cali c/dillaahi.
86.Najax faarax.
87.Faadumo muuse cali.
88.Amina cali muuse.
89.Jawaahir cali cabdi.
90.Khadiija faaarax cali.
91.Canab maxamed mire.
92.Sahra muuse dhiil.
93.Indhodeeq koore cali.
94.Nadiifo ismaaciil.
95.Luul cali xarbi.
96.Faadumo walacwalac.
97.Cawrala diiriye liibaan.
98.Jawaahir aadan siyaad.
99.Racwi sugule waraabe.
100. Maymuun maxamed cali.
101.Amina maxamed xasan.
102.Ayaan yusuf ducaale.
103.Canab cawil xirsi.
104.Khadiija faarax gacanlow.
105Cadar faarax gacanlow.
106. Xaawo x. ducaale.
107. Xaliimo x. ducaale.
108.Cibaado cilmi.
109.Amina geelle cilmi.
110.Xaawo xasan faarax.
111.Ruqiya ibraahim maxamed.
112.Maryan cabdi ducaale.
113.Luul cali cadde.
114.Safiyo cali maxamed.
115.Ruqiya cumar ciise.
116.Hodon cawil cabdi.
117.Khadiija cawil cabdi.
118.Sureer odowaa badhliq.
119.Faadumo baashe diiriye.
120.Nadiifo maxamed colujoog.
121Fani jaamac ismaaciil.
122Asli saalax xandulle.
123.Faadumo guuleed madoobe.
124.Farxiya axmed sahal.
125.Shukri maxamed cali.
126.Ubax abshir maxamud.
127. Canab cusmaan guurre.
128.Xaawo cusmaan guurre.
129.Rooda barre warsame.
130.Siraad c/dillaahi maxamed.
131.Canab c/dillaahi maxamed.
132.Sareedo axmed cilmi.
133.Racwi axmed cilmi.
134.Safiya axmed cilmi.
135.Xaali cabdi gowl.
136.Maryan maxamed cajab.
137/Cibaado maxamud cajab.
138.Sanyar faarax.
139.Canab c/dillaahi maxamed.
140.Faadumo c/dillaahi maxamed.
141.Maryan yaasiin ducaale.
142.Salaado Ducaale Aadan.
Xigasho Radiolaascaanood. .


Dad badan ayaa ka qeybqaatey mudaaharaad Muslimiintu ku qabanqaabisey Paris

 

Shan kun oo qof oo ka soo horjeeda mamnuucista xijaabka gabdhaha Muslimiinta ee Fransiisku ku dhawaaqey ayaa ku mudaaharaadey Paris.

Dadka bannaanbaxey

Dadkaas bannaanbaxayey oo intooda badan aya ahaayen haween Muslimiin ah oo xijaab xiran ayaa socod ku marey waddooyinka Paris iyagoo sitey calamo iyo boodhadh wax ku qoran yihiin, islamarkaana ku dhawaaqayey halkudhegyo ayaa munaasabaddan u soo xusheen.

Waxa ay yiraahdeen bannaanbayaashu

Mid ka mid ah taabeelooyinka ama boodhadhka ay siteen ayaa waxa ku qornaa "Xagjirnimada Cilmaanigu, Jamhuuriyadda ayeey halis ku tahay".

Haweeney da' yar ayaa iyaduna sheegtey in dal dimoqraadiya aanu xaq u lahayn inuu mamnuuco waa sida aya hadal ku tiriye arin ka soo jeedda amar rabbaani ah.

Ninka faaladan soo qorey waxa uu leeyahay, bannaanbaxani waxa uu soo jiitey dad aad uga yar kuwii la filayey.

Cidda Isku dudey Mudaaharaadka

Mudaaharaadka waxa qabanqaabiyey koox yar oo la yiraa Xisbiga Mulimiinta France, oo dad badan oo jooga France ay u arkaan iney yihiin Urur Islam ah oo Asal Raac ah.

Madaxda Muslimiinta

Qaar badan oo ka mid ah hogaamiyayaasha Muslimiinta ee afkaartooda lagu tilmaamo iney tahay dhexdhexaad ayeey iska fogeeyey hawlaha la xiriira bannaanbaxan, qaar ka mid ah hogaamiyayaashasina si weyn ayeey muslimiinta ugu booriyeen ineysan ka qeybqaadan bannaanbaxaas.

Iyado oo ay dhowdahay wakhti dadka France ay isku diyaarinayaan doorashooyin goboleed oo muhiim ah oo la qaban doono bisha March ee soo socota, ayuu Imaamka Masaajidka weyn ee Paris, Shiikh Dalil Boubakeur uu cabsi ka muujiyey in mudaaharaadyo caro ka muuqato ay iska hor yimaaddan kooxaha Fransiiska ee siyaasaddoodu dhinaca midig u fogtahay ee uu hogaamiyo Jean Marie le Pen.

Madexweyne Chirac

Madaxweyne Chirac ayaa bishii na soo dhaaftey mamnuucey xaijaabka ay haweenka Muslimiintu maadaxooda ku asturaan, waxana mamnuucistaasi ay dhaqan gali doontaa bisha September ee sanadkan.

Afti amuurtan ku saabsan xijaabka dumarka looga qaadey dadka Fransiisska, saddex-meelood laba ka mid ah shicibka France ayaa taageersan tallaabada uu qaadey Madaxweyne Chirac ee uu ku sheegey in amarkiisu yahay mid loogu talagaley inuu ilaalsho dhaqanka cilmaaniga ee ay ku saleysantahay waxbarashada Fransiisiku.

 
 
 

 

Waxaa Waraysiga qaaday

Asad Caddani Ibraahim

Xigasho,RadioLascaanod

.

Kor u noqo