Laascaanood online

  Home |  Somalia map | Forum | | Suugaanta | Tacsida

Latest somali news


 


Dawlad goboleedka Puntland oo dhigay ciidamo ka hortaga in garaadadu shirka Nairobi u ambabaxaan.

.

Garaad Cabdiqani.

Laascaanood,17-aug 2004-Wararka aanu ka helayno gobolka Sool,gaar ahaan magaalada Laascaanood ayaa waxay sheegayaan in waftigii uu hogaaminayey Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac oo ka koobnaa isimo iyo waxgarad kale oo ka soo jeeda gobolada SSH,una ambabixi lahaa dhinacaa iyo shirka dib u heshiisiinta soomaalida ee ka socda duleedka magaalada Nairobi ayaa weli ku xayiran magaalada Laascaanood iyadoo ciidamo la dhigay dhamaan goobaha ay ka soo degaan diyaaradahu ee ku yaala maamul goboleedka Puntland. .

Dhamaan shacabka ku dhaqan magaalada Laascaanood ayaa waxay ku noqotay hor istaaga la hor istaagay isimadooda inay ka qayb galaan shirka soomaali wax ku qaybsanayso ee ka socda Nairobi arin la yaab leh oo aan marnaba la aqbali karin.

Maaha markii ugu horaysey ee C/llaahi Yuusuf uu hor istaago inay Garaada beesha Dhulbahnte ka qayb galaan shirarka,taasoo shirkii kan ka horeeyey ee lagu qabtay magaalada Carta ee Jabuuti uu sidaas oo kale hor istaagay inay Garaadadu tagaan shirkaas.
Garaad Cabdiqani oo u waramay warbaahinta ayaa cadeeyey in C/llaahi Yuusuf uu shaqsiyan bixiyey amrkaas,isagoo weliba isimada ku tilmaamay inay yihiin "Alqaacida",taasoo sida uu Garaadku sheegay ay aad uga xumaadeen.
Shirka ka socda magaalada Nairobi ayaa wax lagu qaybsanayaa hab qabiileed,markaa waxaa beesha dhulbahante diyaarsatay wafti heer sare ah oo uga qayb gala shirkaas,kuwaasoo isugu jira Garaado,Siyaasiyiin,iyo waxgarad kale.Balse nasiib daro waxaa ah in maanta ay xabsi ku yihiin dhulkoodii,aa aanay ikhtiyaar u lahayn inay u dhoofaan shirkaas lagu gorfaynayo mustaqbalka dawlad soomaali loo dhiso. .
C/llaahi Yuusuf ayaa si qayaxan u sheegay in uu isaga keligiis in uu xaq uu leeyahay in uu soo xulo dhamaan 27 xubnood ee beesha harti,hadii sidaas uu rabo la yeeli waayona uu shirkaba ka bixi doono.
Dacwad lagaga cabanayo is hor istaaga la hor istaagay garaada ayaa loo gudbiyey dhamaan hay,adaha wadaniga ah iyo kuwa caalamiga ah,iyo maamulka shirka ee Kenya.
Shirka ayaa hada waxa uu xayiran yahay imaatinka isimadaas,iyadoo weli beesha Harti isku mari la,yihiin qaabkii wax loo qaybin lahaa.
Laascaanood online,Laascaanood.

Kor u noqo