Laascaanood online

  Home |  Somalia map | Forum | | Suugaanta | Tacsida

Latest somali news


 


Maxamed Cabdi Xaashi oo lagu eedeeyey in uu hubeeyey malayshiyada dadka ku laysay tuulada Dabataag ee gobolka Sool..

.

Laascaanood,17 april 2004- Madaxweyne ku-xigeenka dawlad goboleedka Puntland Maxamed Cabdi Xaashi ahana sii hayaha xilka madaxweynaha ayaa qaar ka mid ah odayaasha iyo waxgaradka gobolka Sool ku eedaynayaan in uu qayb ku leeyahay colaada maalmihii ugu danbeeyey gilgishay meelo badan oo ka mid ah gobolka Sool..

Eeda loo soo jeediyey Mr Xaashi ayaa sida ay noo sheegeen qaar ka tirsan odayaasha gobolka Sool waxay ku saabsan tahay,isaga oo Mr Xaashi uu dhamaadkii sanadkii tegey ee 2003 uu ku ururiyey malayshiyo beeleed ka soo jeeda beeshiisa tuulada Dabataag oo qiyaastii 60km ka xigta dhinaca koonfur magaalada Laascaanood.Malayshiyadaas oo lagu magacaabay inay ka tirsan yihiin ciidamada daraawiishta ee Puntland ayaa Mr Xaashi wuxuu si toos ah iyo si dadbanba ugu gudbiyey hub noocyo badan leh,iyo rasaas.

Malayshiyadaas oo u badan dhalinyaro geeljir ah ayaa bilaabay inay isbaarooyin dhigtaan wadada dheer ee u baxda dhinaca Hawdka oo sii marta tuulooyinka ay ka midka yihiin Kalabaydh,Dabataag,Dharkayn,Saacdheer,Domco,Wanaagsan iyo meelo kale oo ka tirsan dhulka hawdka.

Dilkii ugu horeeyey ee ay gaystaan malayshiyadaasi waxa uu dhacay mudo hada dhowr bilood laga joogo,iyagoo si badheedh ah dhalainyaro gaadhi wadata oo ku sii jeeda dhinaca Dharkayn ay u dhigteen isbaaro,iyagoo dalbaday in lacag la siiyo,markii ay dhalinyaradii ku gacan saydhayna ay rasaas ooda kaga qaadeen.Halkaas waxa ku geeriyooday ala ha u naxariistee labo dhalinyaro ah oo walaalo ah. Labo nin oo lagu tuhmayey inay ka danbeeyeen dilkaas ayaan gacan lagu dhigin,waxaase mid ka mid ah gacan ku dhiiglayaashaas markii danbe laga soo qabtay magaalada Boosaaso,waxaana ilaa iyo hada lagu hayaa xabsiga magaalada Garoowe,kii kale ilaa hada gacan laguma hayo.


Ciidamo uu watay colonel Cabdirisaaq Afgaduud ayaa markii ay arintaasi dhacday soo gaadhay tuulada Dabataag,balse waxay markiiba u soo gudbeen dhinaca Laascaanood,iyagoo arintii waxba ka qaban.

Dilkii labaad ee ay gaystaan malayshiyadaas ku sugan Dabataag waxay geysteen bilowgii todobaadkan iyagoo si naxariis daro ah rasaas ula beegsaday gaadhi kuwa xamuulka qaada ah oo ay saaran yihiin dad rayid ah oo ka yimid dhinaca tuulada Saaxdheer. Waxa ala ha u naxariistee isla markiiba halkaa ku geeriyooday nin ka mid ah rakaabkii gaadhiga saarnaa,ilaa ugu yaraan 7 kalena waa ku dhaawacmeen,nin ka mid ahaa dhaawicii la keenay Laascaanood ayaa isna saacado kadib ku geeriyooday isbitaalka.Markii ay arintaasi dhacday ayaa shacabkii ku dhaqanaa tuuladu waxay bilaabeen in ay la dagaalamaan nimankaa shuftada ah,taasoo keentay inay halkaa ku dhintaan 4 ka mid ahi.


Galabnimadii maalintii khamiista ayaa waxa qulquladii soo gaadhay magaalada Laascaanood,iyadoo arintii isu bedeshay colaad u dhexeysa laba beelood ee Bahararsame iyo Qayaad.

Malasyhiyo ayaa soo weerartay xaafada Madareemin ee magaalada Laascaanood,iyagoo rasaas ooda kaga qaaday shacabkii magaalad aku noolaa,waxa isla markiiba xabadii haleeshay ruux dumar ah oo ka mid ahayd dadka ku nool magaaladaas.Malasyhiyadaas ayaa markii la iska caabiyey waxay galeen guriga uu leeyahay Garaad Cali Buraale,iyagoo markii danbe sida wararku nagu soo gaadhayaan uu dhaawac soo gaadhay Garaadka,iyadoo aan la garanayn xabadu meeshay ka timid.

Maalinimadii jimcihii ayaa qaar ka mid ah malayshiyadii ka firxatay tuulada Dabataag waxay gaadheen tuulada Dharkayngeenyo iyagoo halkaas suuqa badhtamihiisa salaadii jimce markii laga soo baxay suuqa ku toogteen ala ha u naxariistee oday weyn oo la odhan jirey Aadan Warsame,isagoo ku geeriyooday isla goobtaas.

Ciidamada Puntland ee ku sugan magaalada Laascaanood ayaan haba yaraatee waxba ka qaban dhiigan daadanaya,waxaa iyana hawshoodii gabay odayaasha iyo garaada ku sugan magaalada oo isku fiirsanaya beelaha colaadu dhex marayso.

Hadaba eedamahan loo soo jeediyey Mr Xaashi si aan wax uga ogaano ayaan waxaan la xidhiidhnay wasiiro iyo madax kale oo ka tirsan maamulka Puntland,waxayna noo xaqiijiyeen inay wax ka jiraan eedaymahaasi balse ay hada wadaan baadhitaan,iyagoo isla markaana noo sheegay inay wafti ka socda dawlada Puntland iyo ciidanba uu dhowaan gaadhi doono deegaankaas,balse waxaa la is weydiinayaa in shacabka ku dhaqan deegaankaasi ay la shaqayn doonaan waftigaas madaxdooda la tuhunsan yahay iyo inkale.

Xaalada magaalada Laascaanood iyo dhamaan gobolka Sool ayaa kacsan,waxaana laga baqayaa in colaada hadii aan wax laga qaban ay sii balaadhan doonto.

Garaad Cabdiqani oo ah garaadka guud ee beesha Dhulbahante ayaa baaq uu shalay soo saaray wuxuu kaga codsaday qaybaha iska soo horjeeda ee colaadu u dhaxayso inay joojiyaan colaada,oo jaanis la siiyo in xal nabad ah arinta lagu dhameeyo.

Wixii warar dheeraad ah ee soo kordha insha alaah dib baan idiinka soo sheegi doonaa.

Laascaanood online,Laascaanood,Somalia.

Kor u noqo