Laascaanood online

  Home |  Somalia map | Forum | | Suugaanta | Tacsida

Latest somali news


 


Warbixin Kooban:Yaa ka danbeeyey dilkii ala ha naxariistee Guray Cismaan Dalab?

.

Marxuun Ismaaciil x.Cismaan(Dalab).


Muqdsiho,16 aug 2004-Waxaa ala ha u naxariistee lagu dilay magaalada Muqdisho G/Sare Ismaaciil Xaaji Cismaan(Dalab) Oo isagu Taliye ku Xigeen ka ahaa Ciidanka Booliska ee Maamulkii Xilligiisu dhamaatay ee Carta.

Waxaa ala ha u naxariistee marxuunkaas maalintii Sabtidii saacadu markii ay ahayd 11:30AM lagu dilay magaalada muqdisho,hadaba waxaan isku daynay inaan wax ka ogaano gacan-ku-dhiiglayaashii ka danbeeyey dilka marxuunkaas.

Warar aan ka helay ilo lagu kalsoon yahay oo ku sugan magaalada muqdsiho ayaa noo sheegay in maadaama uu marxuunku maalmihii ugu danbeeyey uu ka mid ahaa saraakiishii soo dhowaysey gudiga xaqiiqo raadinta ee ururka midowga africa ee xamar yimid dhawaan , maadaama uu ka mid ahaa saraakiishaas waftiga soo dhowaysey ayaa markii waftigaas ay ka ambabaxeen magaalada muqdsho ayaa la toogtay marxuunka.

Marxuunka waxaa la socoday niman lagu sheegay istaaf ,niman kan lagu sheegayo istaafka waxay dhigeen meel gurigiisa ujirta 30 meter waxaana lagu dilay isla meeshaas ,istaafkii la socoday way maqlayeen xabadaha lala dhacayay kumana soo noqon goobtii dilku ka dhacay ilaa labo saacadood kabacdi oo ay yimaadeen,iyagoo been been bilaabay inay maydka marxuunka gaadhiga ku ritaan.

Dilka marxuunkan ayaa sida aan wararka ku helayno waxaa ka danbeeyey malayshiyo ka soo jeeda beelaha Habargidir,gaar ahaan beelaha Sacad iyo Caydh.

Dilkan ayaa sida aan wararka ku helay waxaa shirqoolkan maleegay raga ay ka midka yihiin C/qaasim iyo Gen Galaal.

Laascaanood online,Muqdisho.

Kor u noqo